Shirkan ayaa marka
laga reebo xubnaha ururka iyo kooxaha kala gedisan
maamuladooda waxaa ayaguna ka soo qaybgalay
martisharaf kale oo ayagu ka yimid dalal kale kuwaasoo
aan ka xusi karno cayaaryahankii hore ee kooxdii
madbacadda Xasan Waraabacadde "Ataroos" iyo waliba
garsoorayaal kubadda cagta ah oo ayagu goobjoog ka
ahaa shirkan.
Ugu horeyntiiba waxaa
warbixin ku saabsanayd ulajeedooyinka ururkan iyo
asbaabihii keenay in la aas aaso ka soo jeediyey
xoghayaha ururka Maxamuud Ismaaciil asagoo
martisharaftii halkaasi joogtay uga warbixiyey qaabka
uu yeelan doono ururku iyo waliba waxyaabaha laga
filan doono asagoo sidoo kalena xasuusiyey ulajeedada
kulankan habeenkaasi oo asagu ahaa isbarasho kooxaha
iyo waliba maamulka ururka.
Intaasi ka bacdi ayaa
waxaa ayaguna dhinacooda warbixino gaagaaban halkaasi
ka soo jeediyey kooxihii halkaasi isugu yimid
dhamaantood uuna u bilaabay macalin Daahir Cusmaan
"Daahir Gacameey" oo asagu ah kooxda ugu faca wayn
uguna guulaha badan ee London Stars asagoo si aadah
diiraddau saaray baahida loo qabo urur mideeya
kooxahan isla markaana ay ku yeelan karaan miisaan
taasoo ka saaraysa kooxaha qaababka foosha xun ee
loola dhaqmo.
Waxaa ayaguna sidoo
kale hadlay maamulada kooxaha Al-Hijra, Wembley
United, Ilamos FC, Jubba FC, Somali Lions, W12, Heston
FC, Bristol FC, Birmingham, Mogadishu iyo waliba
kooxda faca wayn ee White Stars FC ayagoo dhamaantood
muujiyey taageerada ururkan iyo sida ay diyaarka ugu
yihiin ka mid noqoshada xubnaha ururkan SSAU haddii uu
maro dariiq ka duwan kuwii hore sida ay hadalka u
dhigeen.
Intaasi ka bacdi ayaa
ayaguna waxaa halkaasi mid mid uga hadlay qaar ka mid
ah madaxda ururka iyo garsiirayaashii
soomaaliyeedeeayagu goob jooga ahaa kuwaasi oo aan ka
xusi karno Maxamed Shidane, Maxamed Ismaaciil, Siciid
Cayrow, Bile Cali, Biriq, Xasan Ataroos, Kaytoon,
Abaliisha, Zakariya Baliile, faaqid, Siciid Geeseey,
Macalin C/Laahi Muxiddiin, Baaba Jeeylaani iyo kuwa
kale oo aanan halkan ku soo koobi karin waxayna
dhamaantood soo dhaweeyeen kooxaha una balan qaadeen
in ay kula shaqayn doonaan si ka duwan ururadii hore
eeayagu ay kooxahani la shaqayn jireen ayagoo
adeegsanaya waayaaragnimada iyo aqoonta ay u leeyihiin
kubadda cagta waxayna laf ahaantoodu iskula
dardaarmeen in la badiyo ala ka cabsiga loona daneeyo
dhalinyarada iyo ubadka yaryar si aan u aragno
cayaartoy badan oo soomaali ku abtirsada kana muuqda
garoomada.
Intaasi ka bacdi ayaa
waxaa halkaasi lagu tuuray qori tuur tartan kubadda
cagta ah oo afar kooxood ku dhexmari doona xaafadda
Wembley ayna soo qaban qaabiyeen xubnaha ururka
qaarkood kana mid ah bahda firfircoon ee galbeedka
London anagoo warbixinta koobkaasina dib idinkaga soo
gudbin doona.
Ururka SSAU iyo
kooxaha ayaa ku balamay in mar kale kulan looga
arinsanayo tartamada soo socda ay isugu yimaadaan
mustaqbalka dhaw haddii alaha awoodda lihi ogolaado.
Sawiradii kulanka
filo dhawaan.
xigasho cayaaraha.com