KOOXDA BULO-BURTE OO
XAMBAARSATAY WANKII TARTANKII KOOBKA NABADDA OO LAGU QABTAY SHALAY GAROONKA
LAMA-GALAAY EE GUDAHA MAGAALADA B/WEYNE

Tartankii Koobka Nabadda oo si weyn loo soo
qaban qaabiyay islamarkaana abaalmarin WAN ah, loogu talogalya kooxdii badisa
ayaa shalay ka dhacday garoonka Lama-galaay ee gudaha Magaalada B/weyne.
Ciyaartan oo ay soo qaban qaabiyeen dhalinyaro Ururka Leicester Stars ee Dalka
Ingiriiska islamarkaana ciyaartooy hore ahaan jirtay ayaa waxaa ay ugu talo
galaan dib u soo nooleynta rajada ciyaartoyda jiilka cusub ka dib markii in
dhawaalaba uu gobolku mugdi ku jiray dhinaca ciyaaraha taasoo ka dambeysay is
qab qabsi dhinaca maamulka ah.
Dhalinyarada jaaliyada Dalka England oo kala ah C/raxmaan Max’uud Guhad
(Shiino) iyo Axmed Cilmi Faarax oo ka soo jeedo dhinaca iyo Degmada Bulo-burte
iyo C/qadir Maxed Faarax (Biriq) iyo Muuse Axmed Cadar oo iyagana B/weyne ah,
ayaa tartankan heerka sara ah soo qaban qaabiyay sidaasi waxaa yiri Gudoomiyaha
Olompikada Gobolka Hiiraan C/kariin Xasan C/dulle.

coonka iyo karaama

xaflada qalab gudoonsiinta

gudoonsiinta qalab isborti degmooyinka
Qalab isboorti oo loogu talo galay
ciyaartoyda degmooyinka gobolka oo ay inoo soo dhiibeen dhaliyaradaasi ayaan
gudoon siinay maamulka isbortiga ee gobolka iyadoo isna maamulku uu gudoon
siiyay labada degmo maamuladooda sidaasi waxaa inoo sheegay Max’uud Muumin Aadan
(Coonka) oo dhaliyarada jaaliyada wakiil u ahaa.
“Waa ay ku mahadsanyihiin qaban qaabadooda” ayuu yiri sidoo kale Gudoomiyaha
isbortiga Degmada B/weyne C/rashiid C/laahi Haruun oo isna goob jog ka ahaa
tartan maanta ka dhacay Degamda B/weyne kaasoo ay isku arkeen labada Degmo ee
B/weyne iyo Buulo-burte waxaana sidoo kale ciyaartaasi goob joog ka ahaa
Xogahayaha guud ee maamulka isboortiga Gobolka Hiiraan C/laahi Cabdi Xasan
(C/laahi Bay) iyo C/raxmaan Faarax (Karaama) oo labaduba kala watay labada koox
ee labada Degmo.

kooxda xulka degmada Baledweyne

xulka degmada Buulo-burte

ciyaarti oo bilaabatay
Dadweyne aad u tiro badan ayaa ka soo qeyba galay
daawashada ciyaartaasi iyadoo ay labada koox ee labada Degmana ay soo bandhigeen
ciyaar farsamadeedu aad u sareyso waxaana waqtigii loogu talo galay ciyaarta ee
90-ka daqiiqo ahayd ku soo idlaatay 0-0 inkastoo Rigoorooyin loo dhigay labada
kooxood ay 4-2 ku adkaatay xulka Degamda Buulo-burte.
Rigoroyinka

kabtanka degmada Buulo-burte oo uu gudoomiyaha Olombikada gobolka gudoonsiinayo
Wankii abaalmarinta ahaa

taageerayaasha iyo ciyaartoyda xulka degmada Buulo-burte oo xambaarsaday Wankii
Ciyaartaasi markii ay soo idlaatay ayaa waxaa
kooxda xulka degmada Buulo-burte sidoo kala la gudoonsiiyay abaal marin loogu
talo galay kooxdii badiso labada degmo taasoo ahayd neef wan ah oo nool waxaana
hal mark garoonka isla qabsaday farxad iyo qeylo ay muujinayeen taageerayaasha
xulka degamda Buulo-burte.
Si kastoo ay ahaataba waa ciyaartii ugu horeysay tan iyo markii mamulkan
cusub talada lagu wareejiyay ka dib isqabqabsi ragaadiyay maamuladii hore ee
isbortiga waxaana haatan bahda isbortigu ay muujinayaan rajo wanaagsan oo
dhinaca mamaulka ah.
somalilandsports.net
xigasho
Ilyaas Axmed Cilmi
Guute@kubadda.com
B/weyne