Somalilandsports.net

C/raxmaan Dhuunte oo Saaka lagu dhaawacay XaafaddaYaaqshiid ee Magaalada Muqdisho


C/raxmaanDhuunte

Qasnajigii Hore ee Xiriirka Kubadda CagtaSoomaaliya Xilligii uu Guddoomiyaha ka ahaa Muxyadiin Xasan Cali (Darbo weyne)ayaa saaka kooxo ku hubeysan Bastoolado waxay ku dhaawaceen Garaash Baabuurtalagu xareeyo oo ku yaala Xaafadda Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Dhuunte ayaa loola cararayIsbitaalka Keysaney ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo wararka naga soo gaarayaay sheegayan inuu ku jiro xaalad aad u adag oo jirkiisa ku saabsan.

Wararka ayaa sheegaya in Wiil yar oo uudhalay Dhuunta ku dhintay Weerarkii saaka lagu qaaday gaariga C/raxaam isagoodamacsanaa waa C/raxmaan Dhuunte inuu Wiilkiisa geeyo Dugsi waxbarasho oo subaxkasta Wiilka la geyn jiray.

C/raxmaan Dhuunte waxaa uu ka mid ahaa Maamulayaasha Kooxda Kubadda Cagta ee Dekedaha isagoo muddo badan ka soo shaqeynayay Dekedaha Muqdisho iyo Ceel Macaan.

Lama oga sababta loo dhaawacay C/raxmaanDhuunte maadama uusan ka mid ahayn Maamulka Dowladda Soomaaliya, marka lagareebo inuu ka shaqeeyo oo kaliya Dekedda Muqdisho.

Wararkii ugu dambeeyay C/raxmaan DhuunteXaaladdiisana waxaa ay sheegayan in loo qaadi doona Dibadda maadama gudahawaxba looga qaban Karin dhaaw

xigasho midnimo

somalilandsports.net waxaay dhunte u rajeeynaaysaa caafimaad degdega