xidigii Number 14-aad Ee Kooxda Waxool Oo Xafladaha Casumaadaha Iyo Aroosyada Magaalada Nairobi Cunta Kariye Ka Ah

Muxuyadin Canbar Khamiis oo sanadii 1960 ku dhashay xaafada kaanpo Amxaaro ee degmada C/casiis ayaa ciyaarta k/cagta ku soo biiray sanadii 1977 isagoo kooxda waxool junior-keeda ka soo bilaabat ciyaaraha markii danbena ku soo biiray kooxda heerka waaweyn ee waxool.ntii uu u ciyaraay waxool wuxuu kula guuleystay koobka koobabka oo ahaa koobka kaliyaha ee kooxdaasi qaaday koobabki kala duwaanaa ee dalka la ciyaari jiray hayeeshee waxaa intaasi u dheeree koobab munaasabado ah iyo kuwo kale oo ay qaaday


Canbar oo markii ugu horeysay ee uu xulka u ciyaaro ay aheyd 1979-kii ayaa ii sheegay inuusan ugu isku meel ugu ciyari jirin xulka iyo kooxdiisa kooxdiisa wuxuu ugu ciyaaray jiray weerar halka xulkan uu difaac gu ciyaari jiray.Safarkii ugu horeeyay ee uuu raaco xulka Somalia wuxuu u aaday dalka Niger oo uu halkaa ugu qeyb galay taranka horyaalada afrika. Lugtii 1-aad oo ay dalka niger ku soo ciyaareen wuxuu ku soo dhamaaday 0-0 lugtii labaad oo muqdisho lagu ciyaaray ayaa hal goal oo ay iska dhaliyeen xulka Somalia looga adkaaday waana kulnka kaliyaha ee looga adkaaday xulka dalka gudahiisa intuu uu u ciyaarayay.

Canbar wuxuu ii sheegay inuu ahaa ciyaarahanaka ugu safarada badan Somalia koox uusan raacin in aysan jirin kooxihii dalka ka jiray kooxdii ugu horeysay ee uu raaco waxey aheyd LLPP Jenyo wuxuu raacay 1981-aad wuxxxun u raacay dalka masar oo ay kula soo ciyaareen kooxda AL-Ahli waxaana looga soo adkaaday 1-0 Kooxda uu safarada ugu badan la galay waxey aheyd kooxda Madbacada Qaranka wuxuuna la galay ilaa iyo ku dhawaad 5-safar

Canabr oo inta badan aan xasuusan Karin sanadihii kala duwaan ee faraxdiisa iyo murigadiisa dada aawadeed ayaa ii sheegay in kooxda uu faraxad ugu weyn la qeybsaday ay aheyd kooxda madbacad Qaranka oo uu raacaayay weeraryahankii ugu qatarsanaa afrika oo ahaa Kasisi golden oo dalka Sambia u dhashay, wuxuu ii sheegay canabr in inta dadweynihii ay garoonka soo galeen ay xanbaar ku geeyeen hotelkii ay kooxdu daganeyd. Iyagoo 3-0 kaga adkaaday kooxdii reer Sambia ee Red Divels , iyadoo x/k/cagta ay abaalmarin lagu siiyay ciyaarayahnkii ugu fiicanaa ee dalka dibadiisa ka soo ciyaara.

Muxuyadiin Canbar oo xalaadiisa gaarka ah aan kala sheekeystay ayaa ii sheegay inuu haatan wax kaliyaha ee uu biilka ka raadsado ay tahay inuu isagoo kariya cuntooyinka laga sameeyo xafladaha casumaadaha iyo aroosyada isagoo sidoo kale cunto kariye ah sabta, isagoo ku faanaaya meheradiisa gaarka ah ee uu ku shaqeysto.

Muxuyadiin oo xilligii sagaashameeyadii sidii uu u soo galay u jooga magaalada Nairobi ayaa wuxuu leeyahay 8-caruur ah iyo labo xaas lakiin mid ka mid ah xaaskiisa ay kala tageen .


Sunni Said Salah Nairobi Kenya
sunninet@hotmail.com