Somalilandsports.net

Ururka facaweyn ee Cayaaraha Xagaaga heerka koowaad Sweden oo toban jirsaday.
(12-05-2008) Waxa ay ahayd 1999-kii markii ugu horeysay ee taariikhda la qabto cayaaraha xagaaga heerka koowaad ee Sweden,cayaarahaas oo ay isugu yimaadaan Qurbajoogta Soomaliyeed ee ku kala firirsan dunida dacaladeeda isla markaana ah cayaaro ay si weyn u sugaan dadyowga Soomaliyeed ee Qurbajooga ah ood arkeyso in marka la gaaro xiliga Kuleylaha in uu dalka Sweden uu si aad ah ula ciirciiro Somali fara badan oo kala kala yimid aduunka si ay nasiib ugu yeeshaan ineey daawadaan cayaarahaas xamaasada leh isla markaana ay halkaasi kula kulmaan asxaabtii hore ee berisamaadkii oo wagtiga iyo waayuhu kala irday.

 

Garoonka weyn ee RINKBY KUNTBY oo xiligaasi (1999-kii ahaa garoon jaay ah iminkana ah garoonka ugu casri san oo waliba sanadkan 2008-da ka dhici doonaan cayaaraha xagaaga heerka koowaad ee Sweden ayaa markii ugu horeysay 1999-kii lagu qabtay cayaarahaasi iyada ooy ka soo qaybgalaan sanadkii ugu horeeyay 6-Kooxood oo 3 ka mid ahi ay ahaayeen reer Sweden oo kala ahaa Benadir,Al-barakaat,iyo Goteberg,halka 3-da kalana ay kakala yimaadeen dalka dibadiisa sida Canada ,Egland,iyo Waliba dalka Finland.iyada oo sanadkaas loo qabtay si tijaabo ah waxaana xusid mudan in gudoomiyihii ugu horeeyay uu ahaa sanadkaas Xaaji faarax.

Sanadkii xigay ee 2000 ilaa sanadkan aynu joogno ee 2008 waxaa sanadkasta ka soo qaybgalayay 12 kooxood oo loo kala qaybiyo 3 Group A,B,iyo C,kuwaasi oo si aad u adag ugu hardama cidii ku guuleysan lahayd koobka taasi ayaana ah tan keentay in sanadba sanadka ka sii danbeeya uu cirka isku shareero sumcada iyo magacaga cayaaraha xagaaga heerka koowaad ee Sweden.


Gudoomiyahan sanadkan haya cayaaraha xagaayga Xamdi Sh:Axmed ayaan waydiiyay ujeedooyinka u sameeyaan cayaarahan iyo heerarka ay soo mareen 10-kii sano ee la soo dhaafay waxa uuna ii sheegay in u ula jeedada weyn ee loo aasaasay cayaarahan ay tahay kor u qaadidada Sportiga Somalia ,isku xirka dhalinta Soomaaliyeed ee Sportiga xiiseysa si loo helo cayaartooy buuxisa booskii ay baneeyeen halgamayaashii Sportiga Somaliyeed,sidoo kale inaan dhalinyarada Somaliyeed inaan ka tirtirno cudurka qabiilka tusnana ineey yihiin walaalo somali isla ah,isku af ,isku dhaqan iyo isku diin ah.


Sida la wada ogyahayba 16-ka xubnood ee joogtada ah ee aanu ka koobanahay waxa aanu isku qaybninaa dhowr qaybood tusaale ahaan A, Qaybta soo dhaweynta iyo dajinta, B, Qaybta farsamada, C,qaybta dhaqaalaha, D,qaybta kubada kolayba iyo waliba qaybta Foostalka ee cayaartooyda cuslaatay iyo sidoo kale waxaan qabanaa siminaaro aanu dhalinyarada ku wacyi galineyno qatarka balwadu leedahay iyo faaiidada aqoontu u leedahay inaga oo taageero maskaxeed ( MORRAL SUPPORT)siina Caruurta Soomaliyeed.

Waxaan kale oo qayb lama iloobaan ah uu guddigeenu ku lahaa kana qaybqaadanay safarkii xulka qurbajoogta Somaliyed ku tageen dalka jabuuti inaga oo martiqaad ka helnay madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti mahadi haka gaartee Mudane Ismaaciil Cumar Geele inaga oo ka koobneyn 2 kooxood oo kala ah kooxda kubada cagta iyo kooxda kubada Kolayga una soo hooynay guulo lama iloobaan ah waaxana badinay 3 kulan oo ka mid afartii kulan oonu yeelanay taasina waa guul aanu gaarnay Ayuu yiri Gudoomiyaha cayaarahaha xagaaga heerka koowaad ee Sweden Xamdi Sh:Axmed.


qurbajooga Somaliyeed sanadka kasta halkan (SWEDEN) Iskugu yimaadaan oo inaga marto naloo yahay waxaanu u sameynaa maaweelo aad u heersareysa waxaanu sanadkasta casumaad u sameynaa fanaaniinta qaranka ee Soomaliyeed 10-kii sano ee aanu howshan ku jirnay fanaaniinta aanu marti qaadnay waxaa ka mid ah, Maryan Mursal Ciise,Axmed Cali Cigaal,Lafoole,C/Qaadir Jubba,Zaynab Cige,C/Jabaar al khaliiji,Bashiir Cali Xuseen,Xabiib sharaab Xabiib,Xabiibo Wanaag,King Khaalid ,Super Khalid,C/xakiin farayare,Iyo Cabdi Janan iaydoo sanadkan fantaastiyaha dabaaldaga owgiisna uu fanaanka weyn ee Xasan Adan Samatar inooga heesi doona Garoonka weyn ee RINKBY KUNTBY.


Dadka halkaasi ku kulma xagaa kasta ma ahan oo kali ah dadka caadiga ah ee sidoo kale waxaa halkaasi sanadkasta yimaada luguna marti qaadaa cayaartooydii hore ee cuslaatay iyo ragii magacaga ku lahaa Sportiga Somalia si taasi dhaaragalin ugu noqoto jiilka soo koraya.


10-kii sano ee cayaarahani socdaan cayaartooydii hore ee ka soo qaybgashay iyo ragii magaca iyo maamuska ku lahaa Sportiga Soomaliyeed waxaa ka mid ahaa AUN aabihii Sportiga Somaliyeed
Nuur Jeenyo,Shaash,Nuur Gaab ,Cabdulqaadir Biriq,Deeysane,Maxmed Ismaaciil,Aweys Fuundi,Muqtaaq Cuti,Khaliif Riike,Seeyga Ruushka,Giftin,Axmed Sheel,Omar Ganjab,Cantar Jeenyo,C/qaadir i soomareey iyo goolhaye Biyooleey iyo cayaartooy farabadan oon kalan lugu soo koobi karin.


Saxaafada Somalida iyo kuwa ajaanibta ayaan sidoo kale ku marti qaadnaa sanad kasta waxaana ka mid ahaa kuwii ka qaybgalay, TVHORSEED RASHIID SABRIYE, Tafatiraha DAYNIILE.COM Kalaay, DALKANEWS.COM, CAYAARAHA.COM Jowhar.com iyo kuwa kale oo fara badan.

Sidoo kale waxaa xusid gaar ah guddigii ku howlanaa qabsoomida cayaarahan 10-kii sano ee la soo dhaafay aanu wali jirin khilaaf soo kala dhexgalay iyo xubin ka tirsan oo ka baxday gudigaas sababkasta ha noqotee taas ayaana ah guusha ugu weyn eenu ku faani karno maanta.

Inaga oo ah guddiga CAYAARAHA XAGAAYGA HEERKA KOOWAAD EE SWEDEN waxaan mahad celineynaa ururka

SSUF oo uu xariiriye ka yahay AXMED XASAN ahna urur gacan weyn ka geystay qabsoomida cayaaraha sanadkii tagay ee 2007 iyo kan 2008. kooxaha sanad kasta ka soo qaybgala cayaarahan,Kooxda Banaadir iyo dadweynaha Soomaliyeed ee sanadkasta inagala soo qaybgala cayaaraha xagaayga iyo sidoo kale cidkasta oo gacan ka geysta qabsoomida cayaaraha xagaaga heerka koowaad ee Sweden.

Gudoomiyayaasha soo maray Cayaaraha xagaaga heerka koowaad ee Sweden.

1999: Xaaji Faarax
2000 iyo 2001 Yusuf Kulmiye Dhabareey
2002: Ibraahim Galbeyte
2003 iyo 2004: C/Qani Caalim
2005 : Maxamed Muuse Jabroos
2006: Yusuf Kulmiye Dhabareey
2007: Yonis Galbeyte
2008: Xamdi Axmed.


ISKU AADKA SANADKAN 2008

 
Group A Group B Group C
Banadir (Swe) Gothenberg (Swe) Jeenyo (Swe)
Mogadishu (Eng) Nabadda (Eng) Horseed (Eng)
Sugar Team (Eng) West 12 (Eng) Hilaac (Nor)
Finland (Fin) Denmark (Den) MBC (Holl)


Mahadsanidiin.

Guddiga Cayaaraha Xagaaga Heerka Koowaad Sweden.