Somalilandsports.net

Manchester United oo Hanatay koobkii 17aad ee Horyaalka Inagriiska.
Kooxda Lagu naaneeso shayaadiinta cas cas ayaa waxa ay xaqiijiyeen inay hanteen koobka horyaalka dalka inagriiska ka dib markii garoonka JJB Stadium ee Kooxda Wigan ay kag dkaadeen labo gool iyo ebebr.

Gool rigoore ahaa oo Ronaldo uu dhaliyay iyo Gool kale oo uu dhaliyay Giggs oo bededl ku soo galay ayaa Manchester United u xaqiijiyay inay hanaty koobka Premier Ship ka dalka Inagriiska.

Macalinka Kooxda Manchester aya wax ay u tahay koobkii 10aad ee uu qaado ee horyaalka dalka inagriiska, halka ciyaartoyda Nani, Anderson, Tevez ayaa iyagan u tahay koobkoodii ugu horeeyay ee ay kual dabaal degaan kooxda Manchester United.

Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa isagn waxaa uu hantay gool dhalinta horyaalka waxaana xilli ciyaareedkani ay u tahay xilli ciyaareed fiican ka dib markii uu kooxdiisa u dhaliyay 41 gool.

Kooxda Chelsea oo iyadu markaas kula loolameysa horyaalka kooxda Championka ah ayaa waxa ay ku guul dareysaty inay guul gaarto ka dib markii ciyaartoodii ay ku dhameysteen gool iyo gool.
 
Goolka oo ay ku hormartay kooxda Chelsea ayaa waxaa u saxiixay ciyaaryahaan kursiga keydka fadhiya ee shevchenko waxaana la barbaaray xiliga dhimashada loo yaqaano ee ay ciyaartu soo idlaan rabto tasoo rajadeedii meel dheer ka sii tuurtay.
 

Inkastoo hadan labada kooxood ay kuwada balansan yihiin Magaald Moscow 21ka bishan finalka Koobka horyaalad qarada yurub.

Ciyaarta Chelsea iyo Bolton ayaa waxa dhaawac xun uu ka soo gaaray ciyaaryahan John Terry oo daafac kaga ciyaara the blues ka db markii gacanta ay wax ka gaareen xiligaasoo ay isku dhaceen gool haye Petr Cech iyo weeraryahanka kooxda Bolton Kevin Davies tasoo keenaty in cusbitalka loola cararo.

Lakiin John terry oo cusbitalka wareysi looga qaady markii ay dhmaatay ciyaarta ayaa waxa uu sheegay inuu haatan wanaagsan yahay islamarkaana uu ciyaarayo finalka koob horyaalda qaarada yurub ee 21 may.
 

" waxaan u baahanahay oo kaliya nasasho afar iyo seddex maalmood ah ka dib garoonka waan ku soo laabanyaa"

Dhinaca kale iyadoo kooxo dhowr ah ay ka cararayeen inay u laabtaan heer ka labaad ayaa waa is bad baadisay kooxda Fulham ka dib markii ay gool iyo waxba kag badisay kooxda Portsmouth, inkastoo Reading ay ku soo badisay 4 gool iyo ebebr kulankii ay la ciyaarayeen kooxda Derby , bringham na y ku soo badisay 4 gool iyo 1 ayaa hadan waxba aysan u tarin oo heerka laabaad u laabanyaa iyagoo wehlinaya kooxda Derby.

Kulamadii kale e la ciyaaryna waxa ay u dhaceen sida tan:

xigasho jawhar