
Sabti, Luuliyo 19, 2008
Waxaa galabta si habsami ah loo furay
tartankii tobonaad ee ciyaaraha xagaaga Eurosom. Tartankan oo ka furmay
magaalada Leicester ee dalka Ingriiska ayaa tobanjirsaday.

Xafladda furtaanka oo si heer sare ah
loo soo agaasimay ayaa waxaa ammaanteeda iska leh maamulka iyo guddigii
qabanqaabada. Furitaankii ciyaaraha ayaa waxaa ka soo qayb galay ciyaaryahandii
heerka kuwaad caan ku ahaan jiray dalka Soomaaliya, maamuladoodii,
siyaasiyiin ka kala socotay magaalada Leicester, hay'ado wax kaalmeeya iyo dhamaan
bulshaweynta isboortiga Somaaliyee ee wadanka Ingiririiska.
Xafladan ayaa waxaa ay ka dhacdey
garoonkii loogu talagalay iney ciyaarhan ka dhacaan, waxaan martidii
halkaas isugu timid ay ka soo jeediyeen qudbado kala duwan oo ku wajahnaa
ciyaarahan iyo dhamaan isdhexgalka dhalinyaradan ka kala timid wadamo kala
duwan.

Xafladaan ayaa waxaa furay Mudane Hashim
Ducaale oo xiriiriyana ka ahaa kana tirsan guddiga qabanqaabada Eursom ee
Leicester.
Dadkii ka hadlay xaflada furitaankaas
ayaa waxaa ka mid ahaa Duqa magaaladda Leicester (Lord Mayor) Manjula P
Sood. Sood ayaa hadaladeedii waxaa ka mid ahaa in ay ku faraxsantahay in
maanta ay aragto Somaalida sida ay marba marka ka danbeeysa ay horumarka
ay ku talaabsanayaan.
Waxaa
sidoo kale halkaas ka hadlay: Mudane Cabdul Cismaan Guddoomiye ku xigeenka
degmada Leicester, Mudane Steve Hamphries Maamulaha guud ee ciyaaraha
Olombikada fudud ee curyaamiinta Yurub 2008 ‘Leicester’, Mudane Isaaq
Cabdi, Guddoomiyaha Dallada Ururada Soomaaliyeed ee Leicester, Mudane
Chris Eyre, Taliye xigeenka Booliiska gobolka Leicestershire iyo Rutland, Marwo
Jawaahir Daahir, Maamulaha Guud ee ururka Somali Development Services-SDS, Marwo
Clare, maamulaha iyo xiriiriyaha guud ee ururada West Midlands, Mudane
Axmed Bile, Maamulaha guddiga qabanqaabada ciyaaraha EuroSom/Leicester, Mudane
Duraan Faarax, Guddoomiye ku xigeenka guddiga Olombikada Soomaaliyeed
Iyo Mudane Max’ed Diini, Guddoomiyaha Dallada EuroSom-ES
Waxaa lagu sharfay inay laadaan kubadda furitaanka ciyaaraha EuroSom ee
Leicester 2008 Mudane Max’ed Ismaaciil Cali iyo Marwo Shukri Dhalbaas oo
labadaba ka mid ahaa halyeeyadii Isboorti ee Soomaaliya.

Ciyaartii ugu horaysay ee furitaanka ciyaaraha ES 2008 waxaa fooda isku
daray kooxaha Waaberi FC oo koonfurta London ka socotay iyo Leicester FC
oo iyadu martigelisay ciyaarahan.
Ciyaataan oo aad u xiisa badnayd, ayna dad badani usoo daawasho tageen
waxay guushii ku raacday kooxda Waaberi FC oo 3-1 kaga badiyay
ciyaartoydii Leicester FC.

Ciyaartii 2aad ee isla maalintan furitaanka dhacday waxaa isaga horyimid
kooxaha SUKAO ee Oslo-Norway iyo SOBSI oo dalkaasi Biljim ka socotay,
waxaana ciyaartan loogu awood sheegtay kooxda SOBSI 4-1.
Waxaa warbixintaa magaalada Leicester ee
dalka Ingriiska nooga soo diray
Cabdicasiis Godax Barre
E-mail: agodah@hotmail.com

Cayaartii maanta 20/7/08 waxaa loo awoos sheegtay kooxda Alhijra ee
horyaalka qaaday sanadkii 2006 magaalada oslo norway waxaana 4-2 ku
salaamay naadiga Magaalada Birmingham cayaartan oo ahaayd cauyaar
aad u xiiso badnaayd dadweeyne badanina aay ka soo qaaybgaleen.