Kooxda Gaashaan oo Faaynalka u soo baxday Koobkii Gabilay
Cup

Gabiley: Kooxaha Ciidanka
Qaranka ee Gashaan & Kooxda D/hoose ee Hargeysa ayaa isagu soo hadhay Finalka
tartanka Gobolka gabiley ee ka socday Magaalada Gabiley.
Kooxda Gashaan ayaa timid
Finalka ka dib marki ay ka soo talaabsatay Kooxda da'da yare e FC Dhoobe
kulankii Semi Finalka ee tartanka.
Ciyaar yahanada Siciid
Viera & C/risaaq Quule ayaa kooxda gashaan u sahlay inay si dhib yar u istaagaan
Kulanka Finalka ee tartanka ka dib markii ay dhaliyeen labada gool ee guushu
kulankaas ku raacday, waxaana kulanka Finalka isaga hor iman doonaan Kooxda
D/hoose ee Hargeysa oo iyadu kulan adag oo ay la yeelatay Kooxda Ciidanka
Booliska ee Goodir ku soo dhaafay Rigoorayaal ka dib markii ciyaartii dhex
martay labadaas koxood ay ku dhamaatay bar bar dhac 1-1 ah.
Kulanka Finalka ee
Tartanka oo si weyn loo sugayo ayaa dhici doona Maalinta 22 Bishan ee Salaasada
Wiigan.
Labadan kooox ayaa Nasiib
u yeeshay inay ku hirdamaan koob ay ku tartamayeen 6 kooxood oo in dhawayd ba ka
socday caasimada Gobolka Gabiley, tartankanina waa kii u horeeyay ee Noociisa ah
ee lagu qabtay Gobolka Gabilay tan iyo intii Madaxweynaha JSL Mudane Daahir
Rayaale Kaahin u magacaabay Gobolnimo
Lama saadaalin karo cidda qaadan doonta koobkan oo ah kii
noociisa ah ee Gabilay lagu qabto waxaana laga warsugi doonaa cayaarta fainalka
ah ee dhici doonta sahan dambe waana cayaar dadweeynuhu wada sugayaan .Labada
kooxoodba waxaa u safta cayaaryahano caan ah iyo labada tababare oo ahaa
ruugcadaaga Diridhaba iyo IId Jibriil oo ahaa cayaaryahan caana sanadihii dhawaa
somaliland la arki doono sida loo kala badiyo.
somalilandsports.net