Bidhi iyo Bermingham kaftan ma ogola
Kooxda Birmingham stars
Maanta o bishu tahay 23.07.2008, waxaa waa ciyaaray labada kooxood oo kala ah Birmingham UK iyo Kooxda KNANAVA Finland. Ciyaartan si wanaagsan ayay ku bilaabatay, waxaana durbadiiba ciyaarta isula jaan qaaday Kooxda Birmingham oo soo shir tagtay ciyaar wanaagsan, taas oo soo jiidatay shacbigii ciyaarta daawanayay. Waxaa fursad gool ah helay ciyaayahan la yiraahdo Robert Baba Sanya oo kooxda u qaata lambarka 9aad, taas oo uu sababteeda lahaa goolhayaha kooxda Kanava oo si taxadar la`aan ah u dayacay ilaalinta kubadda. Isla ciyaaryahan ayaa gool labaad ka dhaliyay isla goolhayihii, taas oo Kooxda Kanava ku beertay in isbeddel degdeg ah ku dhaqaaqdo kooxdu.
Goolhayihii ayaa lagu beddelay ciyaartoy dhexda ka dheelayay, si ay u adkeeyaan difaaca kooxda, hase yeeshee waxba sooma kordhin ciyaartogii beddelay goolhayihii, sidii oo kale ayuu ka dhaliyay ciyaryahan Robert goolkii 3aad. Kooxda Birmingham maanta waxay la timid ciyaar isku dheelitiran haddii ay noqon lahayd weerar iyo haddii ay noqon lahayd difaac, waxaana ka muuqatay fir-fircooni dheeri ah, taas oo aad mooddo in ay sannadkan ku soo tashadeen in ay koobkaba sidaas ku qaataan. Waxaa goolkii 4aad u dhliyay kooxda Birmingham ciyaaryahanka u qaata lambarka 11, magaciisana la yiraahdo Ridwaan Cabdikariin Xuseen. Wax yar markii ay socotay ayay kooxda Kanava Helen furd gool ah, waxaana u dhaliyay Guuleed Maxamed Cabdi oo sitay lambarka 20aad. Ciyaartaas waxay ku dhammaatay kooxda Birmingham stars oo dhalisay 4 gool iyo kooxda Kanava oo dhalisy hal gool, halklaas o ay guushu ku raacday kooxda Birmingham.
Sanadkan waa sanadkii Birmingham sida taageerayaashu aay saadaalinyaan balse waa kubad wax walba ka filo.
somalilandsports.net
xigasho somalistic