
Dr Ahmed Husein Esse waa shaqsi garab u ah
dhalinta iyo Sportiga
Waxaan hadal ka taagnaayn in dhalinyaradu tahay
lafdhabarka dal walba oo dunida maanta aaynu ku noolnahay dhalintu in aay
yihiin mustaqbalka wadan walba laga dhawrayo aay ku xidhantahay hadba ubadka
iyo dhalinyaradda u soo kaceeysa.
Hadaba wadankeenan curdinka ah waxaa aad moodaa in
dhalinyaradii aay sii niyad jabayaan oo waliba in badan camal laan haayso iyo
waxyaabahii kalee aay ku maaweeli lahaayeen sida tartamada cayaaraha,goobaha
dhalinyaradda kulmisa iwm.Hadaba hadaan u soo noqdo qormadeeydan aan ku eegayo
Siyaasiga u taagan Murashaxa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Ahmed Hussein Esse
in uu u muuqdo nin aay dhalinyaradu aad u daneeynaayso in uu maalin uun noqdo
hogaamiyaha wadankan curdinka ah,waxaan taas u leeyahay siyaabaha uu u qaabilo
dhalinyarada iyo sida uu ugu doodo goob walba oo uu ka hadlaayo khaasatan
mararka uu booqashooyinkiisa ku maraayo wadamada Europe iyo Ameerika .
Waxaad ku qiimaaynaaysaa hadalda uu ku bilaabo
khudbadihiisa hadaan soo qaato tii uu ka jeediyay Oslo waxaa ugu badnaa
dhalinyarada iyo mustaqbalkooda maanta,waxaan ka soo qaadanayaa in uu yiri
waxaan u baxay safaro badan oo Afrika ah waxaan ku arkay dhalinyaradii reer
Somaliland oo xabsiyada ku jira oo doonayay in aay tahriibaan kadib markaay
shaqo laan tacliin laan iyo mustaqbal xumoba aay dareemeen ayaan daneeynayaa
in aan ku jihaaysnaado in aan ka shaqeeyo sidii loo heli lahaa oo wax muuqda
looga qaban lahaa hadalaas iyo hadalo kaloo badan oo aad ilmaaynaayso ayuu Dr
Ahmed ku taageeraa Dhalinyarada.
Dr Axmed waa taageera waxna la qabta Agoomaha khaasatan
xarunta Hargeisa.
Waxaan kaloo soo qaadanayaa oon waliba ku amaanayaa
DAhmed in uu yahay nin Sportiga aad u jecel oo ka qaaybqaata taakulaaynta
dhalinyarada ee dhinaca Sportiga khaasatan Koobakii uu u dhigay rabadaankii
magaalada hargeisa iyo kii kalee dhalinta cuslaatay oo uu Dr Ahmed aad u
taageeray,waxaan kaloo ku xusi karaa sida uu u soo dhaweeyo ururada
dhalinyarada ee uu afkaartiisa ku qotanta waayaragnimo iyo aqoon aanu kala
bakhaaylin
Ugu dambeeyntii waxaan Dr Ahmed iyo innta taageertaba u
rajeeynaaynaa in uu ku guulaaysto hogaanka Xisbiga oo u baahan isbedel una noqon doonta
horumar dhalinyarada iyo sportiga dalka lana gaari doono in aay
dalkooda ku kalsoonaadaan mustaqbalka inshaa alaah.
Dr Ahmed waa u ehel sporiga
halkan guji dadaalkiisa
cayaaraha
Waa in lagu
dadaalaa in la kobciyo oo kor loo qaado sportiga hadalkaas waxaa yiri Dr Ahmeh
Hussein oo ka qaaybgalay cayaaraha ramadaanka
Alaa Mahad
leh
Dr
A.Hassan
Hargeis
Somaliland