MAKA WAR HAAYSAA AKHRISTOOW RAGII AFRICA CAANKA KA AHAA SIDA ISMACIIL GARIILE OO KALE IN AAY TAARIIKH DHIGEEN MAANTANA WAXAAN SOO BANDHIGAYAA HALYAYGII K.CAGTA SOMALIA MACALIMU GARIILE
TAARIIKHDA
GERIILE
Ismaaciil geriile wuxuu kooxda qaranka ee dalka Itoobiya ugu soo ciyaaray dalalka ay ka mid yihiin : Kiinya,Yugaandha,Tansaaniya,Nayjeeriya,Gaana, Senigaal,Masar,Tuniisiya ,Marooko ,Girig, Itaaliya ,Faransa,Swidhen iyo dalka Suudaan,wuxuna fagaarayaasha kala geddisan ka muujiyey ciyaar u qalanta heer caalami ah ,waxaana loo bixiyey (MU”ALIMU) oo ah sawaaxili macnaheeduna yahay macallin.
Ismaaciil geriile waxaa lagu qoray diiwaannada waa weyn e lagu keydiiyo taariikhda caalamka waxaana lagu soo faafiyey wargeysyada adduunka, telefishennada layska arlo iyo raadiyaha waxaana magaciisa lagu faafiyey afar kala geddisan sannadku markuu ahaa 1966kii..
Ismaaciil Geriile faxal isaga oo gartay waxa ay xornimadu tahay ,isaga oo dhuuxay dhibaadada gumeysiga iyo dibindaabyadiisa,ayuu wuxuu ku gacan sayray inuu gumeysiga u adeego wuxuuna u soo tallaabay dalka soomaaliya ee uu u dhashay waxaana si sharaf iyo kalgaceyl leh ugu soo dhaweeyey gegida dayuuradaha ee muqdisho kumanyaal qof oo ku nool gobalka banaadir ee xiiseeya ciyaaraha, madaxda naadiyad ciyaartoyda qeybta (A) iyo xariirka soomaaliyeed ee kubbadda cagta ,waxaana la guddoonsiiyey xirmooyin ubax ah,waxaana lagu soo galbiyey reynreyn iyo kalgaceyl dheeraad ah ummadda soomaaliya u hayso.Ismaaciil wuxuu,kaddib ku biiray ciyaartoyda soomaaliyeed wuxuna markii u horraysay ,u saftay kooxda booliska waxaanu soo bandhigay ciyaar wacan iyo waayo araggnimo dheeraad ah oo uu ku lahaa kubbadda cagta ,muddo kadib ,wuxuu u wareegay kooxda LL:PP .Ismaaciil wuxuu kaloo u saftay naadiyada kala ah Gaadiidka ,Dowladda hoose,Xoogga dalka ,Dirir iyo Horseed,waxaanu raali geliyey dadweynaha ciyaaraha xiiseeya .Ismaaciil waxaa dabadeed loo magacaabay xulka qaranka ee dalka soomaaliya sannadku marki ahaa 1968kii waxaanu ka soo ciyaaray dalalka Cadan,Tansaaniya Kinya Ugaandha,Shinaha Iyo Kuuriya, waxaanu ku soo baxay kaalinta loo sil saaray ,waxaanu mutaystay abaalgud fara badan .sannadku markuu ahaa 1974kii.Ismaaciil gariile faxal wuxuu ka fariistay ciyaarta kubbadda cagta iyadoo six ad dhaaf ah loo jecel yahay.Waxaa Soo diyaariyay
Hassan ataroos(waraabacadde)
London u.k