KOOXDA
GABDHAHA HEEGAN OO HANATAY HORYAALKA 3AAD EE KUBADDA GACANTA
SOOMAALIYA
29April 2008
Waxaa shalay magaalada Muqdisho, gaar ahaan garoonka da’aada weyn
ee ex-Luujino lagu soo gaba gabeeyay horyaalkii seddaxaad ee kubadda
gacanta gabdhaha dalka Soomaliya.
Horyaalkan oo horay u soo biloowday 22/03/2008 kana soo qeyb
galeen 4 kooxood oo gabdho ah ayaa kulankii kama danbeesta ahaa
shalay ay fooda is dareen kooxaha gabdhaha Heegan iyo gabdhaha
Halgan.
kooxda
Heegan
kooxda Halgan
Labada kooxood ayaa dhibco ahaan kala watay: kooxda Heegan 12
dhibcood halka Halgan ey ka lahayeen 9 dhibcood. Sidaas daraadeed
kooxda Heegan xataa bar bar dhac guul bay u ahayd, balse hadii
kooxda Heegan laga badiyo waxaa la cayaari laha kulan kale oo isku
celis ah.
Cayaartan ayaa in mudo ah la sugayay lana filayay in mar hore ay
dhacdo balse buuq ka dhashay xagga kooxaha dhexdooda ayaa sababay in
ilaa xal looga helo buuqa dhex galay kooxahaan aan la qaban
cayaartaan.
Mar aanu waraysanay midka mid ah maamulka qaban qaabada ayaa
wuxuu noo sheegay in is fahmi waagu uu ka yimid kadib markii la
ganaaxay gabdhihii ku cayaarayay magacii Horseed kulankii adkaa ee u
dhaxeeyay Horseed iyo Heegan kaasi oo ahaa kulan dadweynaha reer
Muqdisho gaar ahaan bahdii xiiseyneysay horyalkii kubadda gacanta ey
wada sugayeen uuna fowdo iyo qalalaaso ku dhamaaday. Taas oo ey
sabab u ahayd in laysku qabsado cayaartooy laf dhabar u ahayd kooxda
Horseed oo u wareegtay gabdhaha kooxda Heegan.
Mudo dhowr mar ah ayay labadaas koox isku soo hareen cayaar kama
danbayn ah ama munaasabadeed marka waxaa ka dhexeeyay ficil xoogan,
maadaama ey labadan kooxoodba ahaayeen kooxo si aad ah ugu
xifaaltamo cayaaraha eyna yihiinba labada kooxood ee ugu awooda roon
marka loo eego dhanka cayaaraha kubadda kolayga iyo gacantaba
waqtigaan xaadirka ah.
Inkastoo uuna jirin sharci cayaartooyga ku qasbaayo in uu koox ku
hakado ama u hogaansamo sharuucda kooxi leedahay, maadaama uuna
jirin dhaqaale iyo wax heshiis ah oo la kala galo waqtigaan xaadirka
ah ayaa waxaa loo aanaynayaa in kala qaadashada gabadhaasi ay
keentay xasarada adag oo ilaa heer gacanta leeskula tago cayaartooy
iyo maamulba gaartay. Balse nasiib wanaag dadaal ey sameeyeen
maamulka cayaraha kubadda gacanta iyo kan Gudiga Oliymbikada
Soomaaliyeed ayeey ku guuleesteen in la dhameeyo qilaafkii iyo
xasaradii u dhaxeesay labada koox.
Sidaasi darteed ayaa gudiga cayaraha kubadda gacanta uu ganaaxay
kooxda gabdhaha Horseed mudo dhan hal sano halka seddaxda cayaar
yahan oo kooxda ka tirsana la ganaaxay min labo sano. Kuwaas oo lagu
kala magacaabo Suweys, Maryan dheereey iyo Fowziyo Jabiiba.
Taasi oo fursad u noqotay kooxda Halgan maadaama Horseed meesha
laga saaray jaanisna u heshay in ay final la cayaaraan kooxda Heegan
cayaartyii shalay oo isniin aheyd dhacay.
Hadaba cayaartii la wada sugayay ee u dhaxeesay kooxaha Heegan
iyo Halgan ayaa ay shalay ku wada kulmeen garoonka ex-luujino ayadoo
cayaarta ay garsoorayaal ka ahayeen Maxamed Farax Muxudiin iyo
Ibraahin Reediyoow.
Daawashadii cayaartan ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne
farabadan oo kor u dhaafayay kumaan kun iyo madax aad u faro badnayd
oo ey ka mid ahaayeen qaar ka tirsan madaxda Gudiga Olombigada
Soomaliyeed oo uu ugu horeeyay kuxigeenka GOS ahna gudoomiyaha
xiriirka Soomaliyeed ee kubadda kolayga Aadan Xaaji Yabaroow Wiish,
gudoomiye ku xigeenka GOS ee xagga Gobalada Xaaji Coloow,
gudoomiyaha xiriirka Soomaliyeed ee Volley ball-ka Prof. Cadoow, mid
ka mid ah madaxda saraakiisha dowladda ku meel gaarka oo lagu
magacaabo Dhuungaal iyo marti sharaf kale oo uu ka mid ahaa mudane
Maxamuud Cali Ugaas, C/ casiis Goodax iyo qaar tiro badan oo aan
halkaan magacyadooda ku soo koobi Karin.
Kulankan ayaa ahaa mid aad u adkaa labada kooxna waxeey soo ban
dhigeen cayaar aad loo jecleestay ayadoo leysku jilba murxay qeybtii
hore ee cayaarta laguna kala nastay 4 - 2 gool, oo ey ku
hogaaminayeen kooxdii Heegan.
Balse markii dib leysugu soo laabtay qeybtii danbe ee cayaarta
ayaa waxaad moodaa in laga awood roonaa kooxdii ku cayaareysay
magacii Halgan waxeyna u muuqdeen in laga fir fir coonaa lagana
adkeesi wanaagsanaa madama ey qeybtii hore aheyd mid aan la kala
tabar rooneen.
| Inkastoo calaamada cas ama gaduudka loo yaqaano laga
siiyay mid ka mid ahayd cayaar yahanada dhawaan ey kooxda
Heegan kala soo wareegeen kooxdii Horseed ee lagu
magacaabayay Aamaay, hadana waxba kama bedelin qaab
ciyaareedkooda kooxda Heegan, waxayna si aan caadi ahayn
jaanta isula heleen qaybtii danbe ayagoo keensaday 14 gool
halka ay kooxda Halgan dhaafi waayeen 5 gool.
Sidaasina ku noqdeen gabdhihii hantay horiyaalkii 3-aad
ee kubadda gacanta dalka Soomaaliya ayadoo kii wiilashana ey
horay ugu sii xalaaleysteen wiilashooda bishii hore
dhamaadkeedii.
xigasho kubadda |
|
garsoore Faraxeey oo gaduud siinaya laacibada kooxda Heegan
Aamaay |