BAHDA
ISBORTIGA LONDON OO XAFLAD CASHO SHARAF SOO DHAWAYN AH U SAMEEYAY
SHAKHSIYAAD MAGAC KU LAHAA ISBORTIGA SOOMAALIYEED
May 2008
Waxaa xalay oo Talaado 06/05/2008
lagu qabtay Maqaayad ku tiilay galbeedka London oo la magac baxday
Hani Restaurant, casho sharaf aad looga soo shaqeeyay oo kulmisay
dhamaan dhinacyada kala duwan ee Isboortiga hadii ay noqon lahayd
kubadd cag, kolay iyo cayaaraha fududba.
Munaasabadan ayaa lagu soo dhawaynayay, dhowr shaqsi oo magac
fiican ku lahaa taariikhda isboortiga dalka Soomaaliya sida 1. Cawad
Xasan Cadow, oo ahaa laacib hore ee kubadda cagta naadigii Badda iyo
Qaranka Soomaaliyeed u cayaari jiray. 2. Nuuradiin Cali Saciid oo
isna ahaa laacib sidoo kale u cayaari jiray naadigii Badda iyo
Qaranka Soomaaliyeed balse ahaa dhanka Kubadda Kolayga. 3. Axmed
Baliile oo ku magac dheer (Aabaliisha) oo isna ahaa laacibiintii
kubadda cagta u soo cayaaray kooxihii Horseed, Madbacada iyo
Gaadiidka. 4. Baaba Abdirahmaan Muxidiin Buube oo ka mid ahaa dadkii
mar walba hiil iyo hooba la garab taagnaa Isboortiga dalka kuna
jiray ganacsatadii waa wayneed ee beri samaadkii iyo Ali Garaash.
Cawad Xasan Cadow |
|
Nuuradiin Cali Saciid |
Aabaliisha |
|
Baaba Abdirahmaan Muxidiin Buube |
Xafladan casha sharafta ah ayaa ay soo qaban qaabiyeen wax
garadka marna ah cayaaryahanadii hore ee dalka kuwaas oo ku sugan
Galbeedka London siiba xaafada caanka ah ee Wembley sida: Sheikh
Mukhtaar Shuute, Macalin Shino Gohad, C/qaadir Maxamed Faarax
(Biriq), Maxamed Khaliif, Yaasiin Diinoow iyo Cabdi Axmed.
Sheikh Mukhtaar Shuute, Cqaadir Maxamed Faarax (Biriq), Yaasiin
Diinoow, Macalin Shino Gohad, Maxamed Khaliif iyo Cabdi Axmed
Looma kala harin xalay goobta cashada dhinaca website-yada
cayaaraha qoro ayay ka joogeen Maxamed Sheikh oo ka socday
kubadda.com kana mid ahaa cayaaryahanadii hore ee kubadda kolayga
kooxihii Jeenyo iyo Badda iyo Yuusuf Yuusuf oo isna ka socday
somalisc.com. Waxaa kaloo ka mid ahaa dadkii soo sharfay
cayaaryahanada cashada loo samaynayay sida: Xasan M. Faarax (macalin
John), Ahmed Nuur Sayga, Daahir Gacamey, Jamaal Sheikh Ahmed,
Bashiir Gureey, Xuseen Abanuur Abati, Bile Cali, Maxamed Buube,
Axmed Bile, C/risaaq Seef, Safiyo Neero, Bakiin Maaxi iyo Duqeeda
Cabdi Nuur, C/rashiid Emboowe, Aways amoore, C/qaadir M.Yuusuf
(Uus), Weeroow iyo asxaab tiro badan oo aanan halkaan ku soo koobi
Karin.
Cashadii kadib waxaa hadalkii furay Sheikh Mukhtaar Shuute, oo ku
yiri martidii madasha soo dhawaada, sheegayna in ay nasiib wanaag
iyo farxad u tahay in uu caawa farxadaan la wadaago bahwaynta
Isboortiska ee magaca wayn ku lahayd cayaarihii dalka.
Wuxuuna ku wareejiyay hadalkii Axmed Nuur (Sayga Ruushka) oo
sheegay in ay wanaagsan tahay in si niyad san loogu duubto
horumarinta isboortiga qurbaha siiba kuwa ku nool dalka Ingriiska,
maadaama guux hore oo reer London ka dhex yeeraayay uu jiray ayuu
cadeeyay in uu asagu cid uu wax u qabo aysan jirin cidii wax
tabanaysana ay fiican tahay in ay waxa ay qabto sheegato. Waana lagu
qancay hadalkiisii.
Wuxuu hadalkii ku wareejiyay Baaba C/rahman Buube oo sheegay in
uuna filayn in intaan oo qofood ay cawada soo dhawayntooda ka soo
qayb galayaan, asagoo aad u faraxsan ayuu wuxuu sheegay in uu ku
nool yahay Maraykanka magaaladiisa Atlanta Georgia, balana qaadayo
in uu sida ay u soo dhaweeyeen si la mid ah uu u soo dhawayn doono
bahdaan hadii ay yimaadaan America, dadaalka ay halkaan ka wadaan
mid la mid ahna uu ka qaban doono magaalada uu hada deggen yahay.
Waxaa kaloo isna wax ka yiri taariikhda cayaaryahanada lagu
casuumay madasha Xasan M. Faarax (macalin John), oo sheegay in aan
inta uu cayaaryahanku ku jiro kubadda aan waagii hore laga hadli
jirin waxqabadka laacibka, balse aan maanta nasiib u helnay in aan
idiin cadayno ayuu raaciyay “wixii aad mudneedeen oo aan la idiin
qirin, waana ka xun nahay” ayuu u raaciyay, asagoo hal hal uga
faalooday Cawad, Aabaliisha iyo Nuurudiin taariikhdoodii.
Dadka meesha ka hadlay anoo halkaan ku soo wada koobi karin ayaan
hadana jeclahay gunaanadkii hadalka oo uu qaatay C/qaadir Maxamed
Faarax (Biriq), asgoo aad u faraxsan istaagay, una mahad celiyay
martida cashada loo sameeyay iyo inta ka soo qayb gashay wiilal iyo
gabdhoba. Iyadoo ay farxad aad u badan ka muuqato wejigiisa ayuu
yiri “markii hore xaga abaabulka iyo isku imaatinka reer London
qaybaheeda kale waa naga fiicnaan jireen balse hada waa soo
jeesanay, tana waxay Horseed u noqon doontaa intii xafladood ee
haray looga qabtay dalkaan,” waayo ma ahayn oo kaliyah reer kubadd
cag caawa waxaa goobta cashada ku soo xaadiray dhamaan bahwayntii
Isboortiga oo qayb kasta leh.
Dhamaan marti sharaftii cashada ka soo qayb gashay
Waxaa gabagabadii laga codsaday in uu isu imaatinkaan soo af jaro
una duceeyo asxaabta meesha isugu timid Jamaal Sheikh Ahmed, oo
sheegay in ay muhiim tahay in marka hore la is cafiyo, maxaa yeelay
ayuu yiri ma ogin meel naloo soo jiro, waana in la isku naxariistaa
oo nin walba uu u calool fiyoobaado ninka walaalkiis ah, waxna la
qabto. Dhamaan teena waa in aan u ducayno dalkeenii iyo dadkeenii uu
maanta cadawgu haysto in ilaahay dhibka gaajada iyo colaadaba ka
qaado.
Waxaa soo diyaariyay:
Mohamed Sheikh Abdi (weli)
Kubadda.com - London