Mucjisada Kubadda Miiska oo muddo hal sano ah loogu daray qandaraas ay siisay shirkad soo saarta qalabka isboortiga

 

Shirkadda Diepenmaat oo ah shirkad soo saarta qalabka isboortiga nuucyadiisa kala duwan, fadhigeeduna yahay magaala Leeuwarden oo ah magaala madaxda gobalka Frieslan ee dalka Holland ayaa u kordhisay Magan Daahir Yuusuf qandaraas ay horay ula gashay oo ku saabsan in uu shirkadaasi u sameeyo xayeysiin, kuna ciyaaro funaanad ay u sameysay oo ku qoran magaciisa, wuxuuna Magan u ciyaaraa naadi ka dhisan magaalada Leeuwarden, isagoo ka mid ah ciyaartoyda kubadda miiska ee halbowlaha u ah naadigaas, iyo guud ahaa xulka Qaranka dalka Holland.
Magan Daahir ayaa horay ugu soo ciyaaray koox ka dhisneyd magaalada Isvoola, waxaana wacdaradii uu ka muujiyey tartamo uu ka qeybgalay oo ka kala dhacay gudaha dalka Holland iyo dalal dibedda ah u suurtagelisay in muddo kooban uu noqdo xiddig ay si weyn u qiimeeyaan bahda isboortiga dalkaan, waxaana la soo wareegay kooxda ka dhisan magaalada Leeuwarden.


 

xigas.daynile