Kooxda Dawladda hoose ee Hargeisa oo Fainalka u soo baxday kadib markeey
rigoorayaal kaga badiyeen kooxda awooda badnaayd ee Goodir

Kooxda Dawlada Hoose Hargeisa ayaa fainalka istaagtay kadib markeey
rigoorayaal kaga badiyen kooxda Goodir ee ciidanka Boliska.
cayaartan oo ka dhacday garoonka Gabilay Stadium oo ahaayd Semi Fainalka
koobka Gabilay Cup ayaa waxaay cayaartu ku soo gabagaboowday 1-1 waxaana labada
kooxood aay ku kala baxeen rigoorayaal , waxaana nasiibku saaciday kooxda
Dawlada Hoose oo ku badisay 3-2 rigoorayaashii la tuurtay waxaayna sugaaysaa
cayaarta Fainalka labada kooxood ee Gaashaan iyo Dhooba hadba kii soo baxa .
Macalin diridhaba ayaa waxa uu noo sheegay in koobkan uu doonayo in uu noqdo
koobkii ugu horeeyay ee uu u soo hooyo dawlada hoose oo ah koob magac lahaan
doona maadaama uu gobolka gabilay la magac baxay waxaa asna halkaas ugu
hambalyeeyay macalinka kooxda Boliska waana macalin Carse oo kooxdiisu aay soo
bandhigeen cayaar hufan laajiin nasiibku diiday.
somalilandsports.net
Gabilay