Somalilandsports.net

 

 Koob Lagu Xusayo Mujaahid Maxamed Mooge Liibaan oo ka furmay garoonka Treediska ee Hargeisa

Waxa shalay gelinkii dambe ka bilaabmay garoonka Teredhiska ee magaalada Hargeysa tartan lagu xusayo alle ha u naxariistee fanaankii weynaa ee Mujaahid Maxamed Mooge Liibaan.

Tartankan oo socon doona muddo 4 maalmood ah ayaa waxa ka qayb gelay afar kooxood oo kooxdii laga badiyaa ay hadhayso, taas oo ciyaarta kama dambeysta ah la ciyaari doono maalinta Salaasada ee bishu tahay

Xafladii furitaanka ayaa waxa hadalo kooban oo ay ku amaanayaan alle ha u naxaristee Mujaahid Maxamed Mooge  kasoo jeediyay xubno ay ka mid ahaayeen, Boobe Yuusuf Ducaale, Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, guddoomiyaha dalada Sonyo C/laahi Muuse Bashiir, la taliyaha dalada Sonyo ee ciyaaraha Iid Jibriil  iyo guddoomiyaha xidhiidhka kubbada cagta C/rashiid Caydiid Yaasiin oo ciyaaryahanada ku dardaaray inay ilaaliyaan akhlaaqda ciyaaraha inta uu tartanku socdo.

Hadaba ciyaartii ugu horaysay ayaa waxa ay shalay dhex martay labada kooxood ee Al-Xayaad iyo Ubax organization, waxaana ay guushu 1-0 ku raacday kooxda Xayaad furniture oo uu goolka guusha u saxeexay ciyaaryahanka lagu magacaabo Guuleed (Hambal), kaas oo gool aad u qurux badan daba mariyay goolhayaha kooxda Ubax organization.

Tartankan ayaa qaban qaabadiisa waxa iska kaashaday Akademiyada, dalada Sonyo, Nagaad, Havayoco iyo haya’da Interpeace.  

xigasho

Reporter Somal sports

Maxamed Dube