rigaabo(Qaran)- Xulka kubada cagta ee gobolka Sool, ayaa 2-0 ku dardaray xulka gobolka Sanaag, ka dib markii maanta ay magaalada Ceerigaabo iskaga horyimaadeen xulka gobolka Sanaag oo ay marti u ahaayeen.

Ciyaartan oo lagu qabtay garoonka kubada cagta ee magaalada Ceerigaabo, oo ay ka soo qeyb galeen boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha Magaaladaasi, ayaa ahayd ciyaar aad u adkayd isla markaana kululayd oo labada xulba ay soo bandhigeen ciyaar adag.

Ciyaartan oo aan qeybtii hore waxba la kala dhashan labada xulna ay iska lumiyeen fursado badan oo goolal lagu dhashan karayay, markii la iskugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayay sii kululaatay xaraaradii ciyaaartu, waxana labada kooxoodba ay isku qaadeen weeraro joogto ah.

Daqiiqadii 75-aad ayuu goolkii kowaad xulka gobolka Sool u dhaliyay wiilkii sitay lambarka 11-aad, oo magaciisa la yidhaahdo, C/Xakiim Khaliif Aw-Cilmi, goolkaasi oo aad loogu sacbiyay ayaa xulka gobolka Sool u suurto galiyay inay goolkii labaad la yimaadaan daqiiqadii 80-aad, waxana goolkaasi oo aad u qurux badnaa u saxeexay Shaafici Axmed Jaamac.

Ciyaartaasi ayaa ku dhamaatay 2-0 ay guushii ku raacday gobolka Sool, waxana guul darro weyni soo gaadhay xulka gobolka Sanaag, oo aan badnaa gurigooda lagaga badin.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Ceerigaabo ayaa aad u soo dhaweeyay guusha ciyaartoyga gobolka Sool.

Ciyaartan, waxa garsooreyaal ka ahaa Axmed Faarax Jaamac {Qaldaan], Axmed xuseen jaamac [Bidixo] iyo Cali Maxamed Talyanle.

 

Cumar Maxamed Faarax

Qaran News