Waa in lagu dedaalaa in la kobciyo oo kor loo qaado
Sportiga ama Ciyaaraha maadaama ay maskaxda fayoobi ku jirto jidhka fayow”Dr
Axmed Xuseen.

Hargeysa(HWN):- Murashaxa jagada Madax-weynanimada ee
Xisbiga Mucaarid ah ee KULMIYE Dr.Axmed Xuseen Ciise ayaa galabta ka
qeyb-galay boqolaal dadweyne oo u badan dhalinyaro,daawashada Mid ka mida
tar-tanka Ciyaaraha Koobka Ramadaanta oo ka socday Hargeysa Stadium ee
Magaalada Hargeysa.
Waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey oo uga mahad-naqay guud ahaabna
dadweynihii gaar ahaana bahweynta Ciyaaraha, waxaanay sheegeen inay
dhiiri-gelin u tahay da’a yarta Sportska inay Madaxdoodu kala soo
qeyb-galaan kulamadooda Ciyaareed,
Tar-tanka koobkan Waxa maal-geliyey Dr Axmed Xuseen Ciise, isla markaana
dhigay koobka lagu tartamayo, waxaana soo qaban qaabiyey dhalinyarada
Sportiga qaar ka mida oo kala ah Mustafe Cabdi Cilmi [Qalbi],Shiine Axmed
Maxamed iyo Iid Garas ayaa mahadnaq u soo jeediyay musharaxa,iyaga oo ku
hambalyeeyay sida hagrasho la’aanta ah ee uu uga aqbalay markii ay ka
codsadeen inuu isagu bixiyo kharashka ku baxaya iyo koobka tartankanba..
Dr:Axmed Xuseen Ciise oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay faa’iidada ay
Ciyaaruhu u leeyihiin da’a yarta soo koraysa oo uu ku tilmaamay inay yihiin
jiilka leh dhaxalka wadankan,isla markaana kolba heerka kartiyeed ee maskax
iyo jidh ahaanba ay tahay sidii loogu dedaali lahaa in la kobciyo oo kor loo
qaado mar walbana la dhiiri-geliyo Ciyaaraha maadaama ay maskaxda fayoobi ay
ku jirto jidhka fayow.
Xigasho Hadhwanaagnews