Wararaka Imaanaya dalka Jarmalka ayaa
waxa ay sheegayaan In Kooxda Bayern
Munich ay shaacisay inay heshiis hor
dhac ah la gashay laacibka kooxda Ac
Milan Gennaro Gatusso waxaana dhaawaan
la filayaa inuu qalinka ku duugo hishiis
afar sanno ah siada lagaa soo xigtay
wakaalada wararka u faafisa Jarmalka.
Wararaka Imaanaya dalka Jarmalka ayaa
waxa ay sheegayaan In Kooxda Bayern
Munich ay shaacisay inay heshiis hor
dhac ah la gashay laacibka kooxda Ac
Milan Gennaro Gatusso waxaana dhaawaan
la filayaa inuu qalinka ku duugo hishiis
afar sanno ah siada lagaa soo xigtay
wakaalada wararka u faafisa Jarmalka.
Mustaqbalka ciyaaryahan Gattuso ayaa
mugdi sii galayaay maalmahii la soo
dhaafay ka dib markii kooxda ay hishiis
la gaartay ciyaaryahanka qadka dhexe uga
ciyaari doono oo ay ka soo ka xeysatay
kooxda Gunners waa ciyaaryahan Flamini.
Kooxo waa weyn oo ka dhisan qaarada
yurub ayaa baadigoobayay ciyaaryahan
Gattuso oo ay ka mid yihiin Manchester
United Arsenal iyo Real Madrid lakiin
Bayern Munich ayaa hada loo badinayaa
iany ku guuleysatay hardankii
ciyaaryahanka loogu jiray.
Dhinaca kale kooxaha waa weyn ee kala
aah Inter Barcelona iyo Real madrid ayaa
waxa isku heystaan ciyaaryahanka kooxda
Valencia iyo qaranka Spain David Villa
ka dib markii kooxdiisa Valencia ay soo
foodsaaraty dhaqaale darre aad u weyn
taasoo keentay in ciyaartooy dhowr ay
soo fuulaan suuqa kala iibsiga
ciyaartoyda.
Kooxda Inter ayaa waxa ay soo bandhigtay
lacagta ay ku dooneyso Ciyaaryahanka
tasoo gaareysa ilaa 20 milyan oo ginni
lakiin ilaa iyo hada wax jawaab lacageed
ah lagama hayo kooxaha kale ee tartarnka
Inter kula jira ee Barcelona iyo Real
Madrid.
Dhinaca kale Ciyaaryahanka weerarka kaga
ciyaara kooxda Liverpool ee maalmahan
iska cadeystay kursiga keydka Crouch
ayaa ka xanaaqay wararka ka soo yeeray
tababarihiisa kaasoo ku naadiyay suuqa
kala iibsiga ciyaartoyda in peter Crouch
uu iibka yahay islamarkaana uu xagooda
ka soo dhaamadaaya weliba waxa uu
benitez cod dheer ku sheegay in 5
milayan oo giini cidii la timaadaa inay
ku wareejin doonaan.
Macalinka kooxda Portugal Scolari ayaa
biyo qabow ku shubay wararka sheegay in
xilli ciyaareedka soo socda uu macaalin
u noqon doono kooxda Manchester City oo
uu shaqadaasi isaga tagi doono Errikson
ka dib markii uu ku qanci waayay
miilkiilaha kooxda Thaksin Shinawatra
Ra'isal wasaarihii hore ee Thailand.
Scolari ayaa waxa uu sheegay inay jiraan
codsiyo loo soo bandhigay balse uu isaga
uusan dooneyn inuu macalinmo halkaaas ka
bilaabo islamaraakana uu xulkiisa
Portugal sii leylin doono.
Saciid Yare
saciidyare50@hotmail.com
|
|
|
|
|