.-Magaalada Burco ayaa
waxa maanta ka furmay tartankii ciyaaraha ardayada dugsiyada
Dhexe,kaasoo socon doona mudo laba todobaad ah,iyagoo ku
tartamaya koob loogu magacdaray “Dhamaan caruurta dugsiga u
dir Wiilal iyo gabdhaba”ayaa muhiimada ka dambaysa tahay
isdhexgalka ardayada iyo la dagaalanka Mukhaadaraadka sida
Qaadka iyo Sigaarka,
Munaasibadii
furitaanka ciyaaraha oo galabta lagu qabtay garoonka
ciyaaraha ee Alamsay ayaa waxa ka hadlay Isuduwaha ciyaaraha
Gobolka C/kariin Muraad waxaanu sheegay in galabta ay
furmeen ciyaarahii ardayada Dugsiyada dhexe Burco kuwaasoo
socondoona mudo laba todobaad ah,Islamrkaana ay yihiin
markii labaad ee la qabto tartankan.
Waxa uu intaa ku daray
C/kariin inuu rajaynayo in tartankani ku dhamaan doono
siduu loogu talagalay Isagoo ku furmay weji wanaagsan
waxaanu u mahadceliyay Masuuliyiinta waxbarshada,Hayada
SCF/UK, Booliska iyo Masuuliyiinta gobolka.
Axmed C/llaahi Nuur
oo mid madaxda Hayada SCF/UK, ayaa sheegay tartankan
ciyaaraha ardayada dugsiyada in loo dhigay koob loogu
magacdara “Send all your children to school”Carruurta oo
dhan u dira dugsiyada wiilal iyo gabdhaba,islamrkaana waxa
kale oo barbar socda tartankii Orodada Fudud.Waxa uu intaa
ku daray in sadexda kooxood ee guulaysta iyo ardayada orodka
ku guulaysataa ay helidoonaan abaalmarino kala duwan.
Mr.Axmed C/llaahi waxa
kale oo xusay in muhiimada ugu weyn ee laga leeyahay
ciyaarahan ardayda dugsiyada ay yihiin “Isdhexgalka
ardayda,la dagaalanka mukhaadraadka iyo kor u qaadida
ciyaaraha gobolka si ardaydu dugsiyadu u helaan fursadii ay
kaga qaybgali lahaayeen ciyaaraha gobolada.”Ayuu yidhi.
Sidoo Axmed cali cilmi
oo ka mid masuuliyiinta waxbarshada gobolka ayaa
munaasibadaa furitaanka ciyaaraha ardayada dugsiyada ka
sheegay in ardayadu dugsiyadu yihiin walaalo iskaga dhow
dadka kale,sidaas darteed tartankani yahay fursad wanaagsan
oo ay heleen ardaydu.Waxa uu kaloo intaa raaciyay in
dhowaana ay ciyaarahan oo kale ka furidoonaan degmooyinka
gobolka.
Tartankan oo galabta
ka furmay garoonka ciyaaraha ee allamsey ayaa ciyaartii u
horeysay waxay dhexmartay labada dugsi ee 21Nofambar iyo
SH.Ibraahin,waxayna ku dhamaatay Eber iyo Eber.
Waa markii labaad ee
tartan noocan oo kale ahi ka furmo magaalada burco,kaasoo ay
soo iska kaashadeen Hayada SCF/UK,Wasaarada Ciyaaraha iyo
w/waxbarshada gobolka togdheer.
Kayse Ahmed Digaale
Burco
|