 |
| (Waxaanu Jecelnahay inaan
halkan idiinku soo gudbino wareysi aanu la yeelanay tababare
Siciid Axmed Ismaaciil [Siciid Ango] ) |
Hargeysa(HWN):-
Waxaanu Jecelnahay inaan halkan idiinku soo gudbino wareysi aanu
la yeelanay tababare Siciid Axmed Ismaaciil [Siciid Ango] oo
layliya koox la yidhaahdo Saxansaxo oo ka mida kooxa heerka 2-aad
ee ka dhisanCaasimadaHargeysa, oo ay maal-geliso Khadiija Bandare
oo ku nool dalka Ingiriiska.
Waxaanu dhacay Wareysigii sidan:-
S:> Siciid Hawsha Ciyaaraha Kubada cagta goormaa kuugu horeysay ee
aad faraha la gashay?
J:> Waxaan galay muddo haatan laga joogo 16-sanadood oo wakhtugaas
oo aan bilaabay inaan noqdo Ciyaartoy, da’adeyduna ay aad u yareyd,
waxaanan u soo ciyaaray kooxo heerar kala duwan leh.
S:> Ma noo magacaabi kartaa kooxdii kugu danbeysay ee aad Kubada
Cagta u Ciyaartay?
J:> Haa, dabcan, kooxdeydii ugu danbeysay ee aan ka tirsanaa waxay
ahayd kooxda ku ciyaari jirtay Magaca Shirkada UNIECO, oo ka mida
kooxaha heerka kowaad ee ka dhisan Caasimada Hargeysa.
S:> Magaca Kooxda UNIECO ee aad sheegtay inaad u ciyaari jirtay
kubada Cagta mudadii aad ka tirsanayd guulo intee leeg ayaad
gaadheen?
J:>Waxaanu gaadhnay guulo-waaweyn oo aan horseed ka ahaa, waxaan
kula guuleystay mudadii aan ka tirsanaa kooxdaasi, ilaa todoba
koob.
S:> Caqabado intee leeg ayaad kala kulantay Wakhtigii aad ku dhex
jirtay ciyaaraha kubada Cagta?
J: Waxaan kala kulmay caqabado aad u badan oo aan ugu dhabar
adeygay qiimaynta aan u hayo Kubada Cagta, iyada oo dhaawac
culusina uu iga soo gaadhay Jilibka.
S:> Yaa idin maalgeliya oo aad halkan uga mahad-celinaysaa?
J:> Waxa na maal-gelisa Khadiija Baandare oo ah muwaadinad ku nool
dalka dibadiisa gaar ahaan dalka Ingiriiska, iyada oo noo
suurta-gelisay qalabka sports ee aan u baahanay taasi oo aan odhan
karo waa qof ku dayasho mudan, sida ay u dhiirigelinayaso
da’ayarta soo kacaysa.
S:> Siciid boos ciyaareedkaagu dhinacee ayuu ahaa iyo weliba
funaanada Numberkii aad u qaadan jirtay kooxihii aad soo martay?
J:> Waxa uu ahaa baasha midi gee weerarka naacsiisan,
Numberkayguna waxa uu ahaa Numberka todobaad waxaan ku odhan karaa
si aad ah ayaan ku jeclaa numberkaa.
S:> Weli ma u safatay kooxda Gobolka Hargeysa, se riyadaada ma
ahayd inaad mar uun u safato?
J:> May, iimay suurtagelin laakin waan ku hamiyi jiray, haddii aan
sii ciyaari lahaa waxaan hubaa inaan ka mid noqon lahaa oo aan
guulo-waaweyn gaadhsiin lahaa.
S:> Shaqadan Tababaranimo ee aad ku hawlanayd mudada dheer
goormaad bilowday? Se Ma dhaqaale ayaad ku qabtaa?
J:> Waxaan bilaabay muddo haatan laga joogo sideed sano ka hor,
wax dhaqaale ahna kuma qabo, laakin waxaan taaganay wakhtigii aan
mihnadayda tababaranimo ku qaadan lahaa mushahar, laakin waxaan ka
doorbiday inaan mutaadawacnimo ugu shaqeeyo dhalinyarada.
S:> Tartankii Rabadaanta ee lagu qabtay Hargeysa Stadium Waxa lagu
aqoonsaday tababarihii tartanka ugu wanaagsanaa maxaad dareentay?
J:> Waxay ahayd arrin aad ii farxad gelisay, oo aan in badan
sugayey waxaanan u arkayey abaalmarin aan ku muteystay aqoonteyda
tababaranimo.
S:> Ma noo sheegi kartaa Intii kooxeed ee aad soo tababartay?
J:> Haa, waxay kala ahaayeen 16-kooxood oo dhisan Caasimada
Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa, aniga oo aan u eegayn Xaafada
ay ka dhisan yihiin, laakin u hurayey aqoontayda tababaranimo.
S:> Ciyaartoyadii aad iska soo garab Ciyaarteen yaad ku xusi
kartaa, ee aad ugu jeclayd?
J:> Waxaan ugu jeclaa oo aan ku sheegi karaa oo aan ugu jeclaa
sida laacibka Cabaas Cali Cabdilaahi [Cabaas Recoba] oo wakhigan
ku sugan dalka India, Cabdifataax Shanbidhiidho, Ciise Maxamed
Ciise, Cabdiqani Maxamed Nuur, Xamse Duubaayee, iyo qaar kale oo
badan oo aan halakana ku soo koobi kareyn.
S:> Siciid Maxaad Isleedahay Wakhtigan Hoos-u-dhaca sports-ka way
keeneen ama u sabab ah?
J:> Waxaan filayaa inaanay maamulin ciyaaraha Wadanka dadkii
aqoonteeda iyo xirfadeeda lahaa ama ehelka u ahaa kuwaasi oo
suuqyada iska jooga, haddii la hawlgelin lahaa wax badan ka bedeli
lahaa kor u qaadista Ciyaaraha dalka, oo maraya wakhtigan
marxaladii ugu xumeyd ee soo marta ciyaaraha oo aan odhan karo
ciyaarihii wadanka “Ceelna uma qodna cidna uma maqnaa”.
S:> Ma noo sheegi kartaa Ciyaartooyadii aad soo tababartay qaar si
gaara ku soo jiita?
J: > Haa, waxa ka mid ahaa Sharmaake Ismaaciil Warsame oo ku nool
dalka Canada, Cabdiqaadir Saalax Xuseen [Mukule] oo ku nool imika
Dalka Sweden, iyo Jamaal Jeesto oo ku sugan dalka India, Madar
Xirsi oo isna jooga imika dalka Denmark, Maxamuud Askar oo isna
jooga Dalka Suudaan iyo Maxamed Faarax Abaadir oo isna jooga Masar
iyo Afar Ciyaartooy oo kusugan dalka gudihiisa, kuwaas oo kala ah:
Mubaarig Cabdi Maxamed [Mubo Robinho], Idiris Baashe, Badri Yuusuf,
Maxamuud Xuseen, Cabdale Maxamed iyo Rabadaan Cabdi Xuseen,
Cabdiraxmaan Fabrigas iyo qaar kale oo badan oo aaan halakan ku
soo koobi kareyn.
S:> Maxaad kula talin lahayd dadka qurba-jooga ee reer Somaliland
iyo cidkasta oo Ciyaaraha kubada Cagta aadka u xiiseeya, adiga oo
wareysigaagan uga faa’iideysanaya?
J:> Waxaan kula-talin lahaa inaya si hagar la’aana ay caawimo ugu
soo fiyaan dhalinyarta da’ayarta ee ku sugan dalka si ay ugu sii
dhiiradaan sii wadida Ciyaaraha Sportska oo ay ugaga fogaadaan
balwadaha kala duduwan, waxaan jeclaan lahaa marka ay qalabka
sportska u keenayaan inaanay cid ugu dhiib ee ay si toos ah u soo
gaadhsiiyaan, waxaan ogahay haddii dadka qurba-joogi ay sidaa
yeelaan inuu Sportsku uu horumar iyo hour-socod sameynayo.
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland.
|
|