Somalilandsports.net

Kooxda Qaranka Dahabshiil Norway ayaa ku dadaalaaysa sidii aay markale u noqon lahaayeen Horyaalka todobaadka dhaqanka Canada ee sanadkan 2009.

Koxxdan Qaranka kuna cayaarta magaca Dahabshiil Norway ayaa ah koox taariikh ku leh carigan Norway waxaayna aay u soo hooyeen magac iyo maamuus badan tartamadii hore ee aay ka qaaybgali jireen sida Eurosom oo xagaa walba la qabto oo aay noqdeen Horyaalka 2005, waxaay kaloo kooxdani soo hooysay in aay noqdeen Horyaalka todobaadka dhaqanka Canada sanadkii 2007 waana kooxda qura ee Norway ee soo hooysay koob heerkaas ah .

Ddka cayaaraha adaroosaa waxaay kooxdan ku tilmaamaan tartanka aay ka qaaybgalaan in uu noqdo mid aad u heer sareeya maadaama kooxdani aay farsamo ahaan dhisan yihiin aayna ku jiraan cayaaryahano aad u karti badan waliba qarkood aay ku biiri doonaan mustaqbalka dhaw naadiyadda Norway iyo xulka qarankaba.

Hadaba ayadoo aay jireen in kooxda sanadihii u dambeeyay aad moodaaysaay in aay kala wareeg u ahaayd oo cayaartooy yaryar oo badan aay ku soo biireen ayaa sanadkan waxaay noqonayaan kooxda reer Norway uga qaaybgalaaysa tartanka Todobadka dhaqanka somalida oo aalaaba ka dhaca Canada waxaayna bilaabeen tabaabushe aad u xoogan iyagoo aay kooxdu isku dhantahay oo aay xidigahoodii caanka ahaana aay ka muuqdaan.

Kooxda Qaranka dahabshiil Norway waxaay todobaadkii hore ku guulaaysteen koobka munaasibadda 18 may ee dabaaldagga Somaliland.

Kooxdan oo lagu yaqaano akhlaaq wanaag cayaar wanaag iyo ixtiraam aay u hayaan dhamaan taageerayaasha iyo dhalinta kalee wadanka degenba waxaay doonayaan in aay noqdaan mar labaad horyalka todobaadka dhaqanka somalida ee ka dhici doona Canada.

shabakada wararka cayaaraha somaliland waxaay kooxda u rajeeynaaysaa nasiib wanaagsan guulaysta.

somalilandsports.net

>