Wasiirka Ciyaaraha Oo Indhaha Ka Qarsanaya
Dayacnaanta Ka Muuqata Garoomada Ciyaaraha Iyo Tahriibka Soo Foodsaaray Dhalinta
 |
| (Muuqaalka Garoonka Basi ball-ka ee
Timacade) |
hadhwanaag 2009-05-28 (Hadhwanaagnews) Madaxweyne bal
isu daawo wasiirka cayaaraha iyo garoomadii oo jilbaha u wada dhacey iyo
xaragada u ku laafyoonaayo wasiirku iyo ereyada ee uu caadada u leeyahay ee
kasoo yeedha ee u hal haynta uleeyahay ee ah maxaa iga galey nin geel badan ma
gaajan ka cabsanaaya.
Xaragada iyo kudigashada wasiirka cayaaraha ee garoomada iyo cid walboo wax u
sheeg istidhaahda waa shey lagu ogyahay oo aanu eeb u arag oo cidduu doonaba u
xadhig la tiigsado, waxaase ka maqan iney dhallinyeradu u baahantahay wax qabad
muuqda oo ay daacadnimo ku dheehantahay aqoonina u weheliso. Mana ahaa garoomada
sidan foosha xun u galbadey oo keliya, ee waxaa jira qaar ka daran oo aaney
indhaha shicibku aaney u wanaagsaneyn in la tuso oo lagaba yaaba iney qaarkoodba
ay marooro dilaacaan markey arkaan.
Hadaba aragney wasiirka iyo digashadiisa waxaa is-weydiin mudan in la isweydiiyo
mayee qoladii kale wasaaradda madaxda isugu sheegeysey, iyegu miyaaney hawshan
daayacan aaney xil ka saarneyn? Aawey xidhiidhkii ku shaqada lahaa hawshan?
Aawey agaasimeyaasha wasaaraddani leedahay? Sida aynu wada ogsoonnahay ma wexey
ka adagyihiin oo keliya iney wasiirka meesha qaloocda oo uku hoobanaayo oo
keliya wax ka tusaan oo sida lawada ogsoonyahay dadka iney ku diraan oo keliya
ay shaqadoodii ka badan waayey? Saababta u geyneysana ay tahay iney sheki iyo
baqdin ka qabaan haddii cid wax garaneysa usoo dhowaato wexey moodaayan in la
arki doono oo laogaan doono habaaska iyo beenta ayku fadhiyaan ayku fadhiyaan
Haddii aynu sawirada garoomada ee aynu kor kusoo xusney faala yar ka bixino
wexey ka turjumayaan cilmi la’aanta iyo karti darada, iyo is xilqaamid la’aanta,
iyo wax maqal la’aanta wasaaradda cayaaruhu leeyihiin ayey garoomadu wexey la
dumeen daryelid la’aan markii cayaaro lagu cayaaro ay waayeen, iyo dayactir
toona, iyedoo lawada ogsoonyahay guryaha haddii in badan aaney cidi gelin iney
iskood u dildilaacaan oo marka dambena ay noqdaan lama galeen oo bahalada ayaa
ku hoyda.

Haddii aynu dib u jaleecno yaa ka jawaabi kara waxa cayaaro loo ciyaari waayey
muddo sannada ah?
Wasaaraddu miyaaney lahayn miisaaniyad u qorsheysan oo ayku hawl galaan?
Weligood ma wexey sugi doonaan lacag si hawl yari ah ugu timaada oo ay ka helaan
shariikadaha madaxa banana iyo hay’adaha?
Maxaa loola yaabaaya dhallinyerada isbiimeyneysa ee tahriibeysa, sow wasaaraddii
lagala xisaabtami lahaa ee dhallinyerada hawl gelin lahayd miyaaney isu arkeynin
iney yihiin? Maxaase inta dhallinyerada loo leeyahay hatahriibina loola
xisaabtami waayey wasaaradda cayaaraha ee ka seexatey hawshoodii?
Waxaa suaal kale ayka taagantahay wasiirada kaleba baarlamaanka iyo guurtiduba
wey u yeedhaan oo kala xisaabtaman hawlohooda iyo waxyaabehey qabteen
sannadkiiba, se maxaa wasaaradda cayaaraha iyo wasiirkoodaba loogu yeedhi waayey
oo loogala mid dhigi waayey wasiirada kalee lala xisaabtamaayo? Waxaanu welibana
talo ku bixineynaa in marka lala xisaabtamaayo wasiirka iyo wasaaradiisaba aan
loogu joojin wareysi oo keliya ee laga dalbadaa iney ficliyan tusaan wexey la
goob yimaadaan oo guddi loo saara indhohooda kusoo aragta wey odhan doonaan
waanu qabaney.
Waxaa aad u yaab badan wexey la gola iman doonaan sababtoo ah cid walba wey
ogtahay inaan cayaaro gobolada oo dhan aan laga cayaarin, berbera ayaa iskood
maalqabeenada iyo wax garadkooda aya iskood isu qabanqaabiyey oo sameeyeen
cayaar, garoomo lagama dhisin ammaseba lama dayac tirin, tababar cid ay siiyeen
oo jirta majirto oo waa markhaati madoonto cid ka qasoonina majirto, markaas
waxaa isweydiin leh wasaaradda cayaaruhu mexey u dhisantahay?
Cayaartaas berbera lagu qabteyna waxaa ka hadley amiin caamir oo sawir gacmeed
ku faaleeyey oo yidhi lacagta cayaartaas kasoo baxda waxaa lagaga furfuraaya oo
laga bixinaaya xidhiidhada gurigey kireysteen oo la waayey wax kiradii ka bixiya
alaabtoodina ay kaga xidhantahay.
Bal arrintaas ceebta aynoo soo jiiddey faaladeeda waxaanu u deysaneynaa
dhallinyerada iyo dadweynahu ka damqanaaya arrintan.
Qorayaasha Maqaalkan Maxamed Jaamac Xasan
Xamse Khayre Cabdi
Yaasiin C/laahi Raabi
Jamaal Xuseen Cali
Shiine Wacays Maxamed
somalilandsports.net
xigasho hadhwanaagnews
|