KOOXDA JAALLIYADDA LEICESTER UNITED OO SI XARAGO LEH LOOGAGA BADIYEY.

Kooxda jaalliyadda Somalida ku nool Manchester ee WPSC ayaa waxay marti qaad
ciyaareed u fidisay kooxda jaalliyada Leicester United.
Kooxda lester United ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Manchester.
Kooxdan la soo dhaweeyey ayaa waxay mudan tahay ammaan iyo in la sheegsheego
qabanqaabadii iyo soo dhaweyntii wacnayd ee koobkii SUPPER CUP TOURNAMENT 2009.
Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayey guddoomiyaha kooxda Mr. Cumar Dheere oo ay
wehliyeen, Mr. Shiino, Mr. Cilmi, iyo Macallinka kooxda Macaalin Sacid Fullham.
Wafdigan ayaa magaalada Manchester ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha sportiga
magaalada Manchester WPSC, Mr. Maxamud Ingiriisi, Hassan Jabuuti, Maxamed
Xabiib, Fuad Osman iyo Nuraddiin. Qado sharaf loogu talagalay martida markii ay
dhacday ka dib ayaa waxaa loo dureeray garoonkii ay ciyaaru ka dhici lahayd.

Garoonka lagu magacaabo MACHESTER ACADEMY ayaa saaacadda marka ay ahayd 3dd
galabnimo foodda ay is dareen labadii kooxood. Qaddar labaatan daqiiqo ka yar
marka ay socotay ayaa kooxda lester waxaa laga gaarsiiyey 3 gool ku dhan.
Nasashadii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay 3 iyo 1 ay ku hogaaminayeen kooxdii
reer Manchester ee WPSC. Markii labada kooxoodba ay la soo tashadeen
macallamiintooda ayaa waxay la soo galeen dardar cusub. Isla markiiba waxa laga
gaarsiiyey gool afaraad kooxdii Lester.
Waxaad mooddaa in goolkaasi afaraad ay hurdada ka kicisay kooxdii reer Lester.
Lester ayaa labo gool isku xigta ka dhalisay kooxdii WPSC. Gabagabadii ciyaarta
ayaa waxay ku soo idlaatay 5 gool ay keeneen kooxda ku ciyaaraysay magaca
Manchester iyo 3 gool ay keensadeen Kooxda Lester United.

Waxaa xusid Mudan inanka lamabrka sagaala uga ciyaarayey Ahmed Sinyoori oo
galabtaasi dhaliyey 3 gool, Maxamed Xabiib(Amaddi) oo galabtaasi ahaa difaaca
ugu qatarsan kooxda Manchester. Waxaa kaloo ciyaar wanaag muujiyey Abdirashiid
Caddaay oo ka mid ahaa xulkii qaranka ee ka ciyaaray Uganda sanadkii tegay.
Kooxda lester United waxaa xusid ka mudnaa inanka lambarka 10aad iyo lambarka
11aad oo mustaqbal ku leh kubadda cagta.
Kooxdan Manchester oo aan ka qayb galin tartamada xagaaga ayaa waxay u
ciyaarayeen sidii koox profissional ah, inkastoo ciyaatoydooda si keli keli ah
uga ciyaara xagaaga, iyagoo ay daynsadaan kooxaha haysta waraaqaha martiqaadka.
Xoghayaha kooxda Mr. Fuad Osman ayaa wuxuu ka dhawaajiyey in mustaqbalka dhaw ay
ku tala jiraan in ay qabtaa ciyaaraha gobolada ee waddanka ingiriiska.
Waxaa Diyaariyay:
Caddaay
www.somalilandsports.net