FIFA-AFP Oo Shahaado
Caalami Ah
Gudoonsiiyay Wariye
Sunni (Sawiro)
NAIROBI-Senior
Somali Spots
Journalist Sunni
Said Salah oo
Tifaftiraha Sports
ee hay’ada
warbaahinta ee
waagacusub media
www.waagacusub.com
isla markaan ah
milkiilaha website
www.ciyaaro.com
ayaa hay’ada kala ah
FIFA iyo AFP waxey
gudoonsiiyeen
shahaado caalami ah
oo xaga sports ah.
Wariye Sunni ayaa
shahaadadaan
caalamiga ah ee xaga
sports waxaa lagu
gudoonsiiyay xaflada
lagu soo
gabagabeynayay
seminar mudo
todobaad ah oo lagu
tababarayay
wariyayaasha sports
ee qaarada afrika
kuwaasoo loo
tababarayo tabinta
ciyaaraha koobka
aduunka ee 2010 lagu
qabanayo dalka South
Africa.
Seminar-kaan oo ah
mid wariyayaasha
sports ee qaarada
afrika aqoontooda
sare loogu qaadayo
ayaa waxaa
qabashadiisa iska
kaashaday hay’ada
maamusha k/cagta
caalamka ee FIFA
(Federation
International
Football
Assocaition) iyo
wakaalada Wararka ee
AFP (Agency France
Press).
Wariye Sunni oo
Somalia u matalayay
seminarka FIFA iyo
AFP ayaa waxaa isaga
iyo 19-wariye oo
qaarada ka socda ay
mudo todobaad ah
cashiro la xariiraha
aqoonta k/cagta iyo
sida wararka
ciyaaraha caalamka
loo tabiyo ku
qaadanayeen Silver
Springs Hotel oo ku
yaala dhanka
koonfureed ee
magaalada Nairobi .
Seminarkaan mudada
todobaadka ah ka
socday magaalada
Nairobi ee shahaada
caalamiga ah ee xaga
sports lagu
gudoonsiiyay wariye
Sunni waxaa cashiro
ka bixinayay
Beuadufe Christopher
iyo Barry Parker oo
ah qabiiro ka socday
wakaalada wararka ee
AFP una kala dhashay
dalalka England iyo
France.
Wajiga 2-aad ee
seminarkaan oo la
iskugu soo laaban
doono bisha November
ee sanadkaan ayaa
waxaa loogu
talagalay iney ka
qeybqaataa in ka
badan 300 oo
Wariyayaasha sports
ee qaarada afrika
(African football
reporters),kuwaasoo
laga soo kala xushay
46 wadana oo qaarada
ah , si ay ugu
qeybgalaan tabinta
ciyaaraha aduunka ee
2010 World Cup.
Siminaarkaan ayaa
waxaa hirgalisay
qabashadiisa
had’ayda maamusha
k/cagta aduunka ee
FIF (world football
governing body)
waxeyna hal ku dhig
loogu dhigay
mashruucaan "Win in
Africa with Africa"

mashruucaan lagu
kobcinta aqoonta
wariyayaasha sports
ee qaarada afrika
waxaa gacan weyn ka
geysaneysa AFP
(Agency
France-Press) gaar
ahaan (AFP
Foundation) taasoo
la aas-aasay bishii
July 2007, waxeyna
maalgalinta ka
heleysaa ururka
midowga yurub
(European Union).
FIFA president Sepp
Blatter ayaa yiri
"saxaafada afrika
waxey door muhiim ah
ka ciyaari doontaa
sidii dadka qaarada
afrika loogu xiri
lahaa dhacadada
koobka aduunka ee
2010 World Cup.
"FIFA waxaa sharaf u
ah iney caawiso oo
ay cashiro tayo sare
leh siiso wariyaasha
sports ee qaarada
kuwaasoo ka shaqeeya
saaxaafada Afrika
iyadoo taasi kala
kaashaneysa AFP
Foundation iyo
midowga yurub
(European
Commission).
cashirada
siminaarkaan waxey
ku bixi doonaan 4
luuqadood oo kala ah
- English, French,
Arabic iyo
Portuguese –
seminaarkaan oo ah
dhowr waji ayaa
waxaa lagu kala
qaban doona illaa
iyo 8 magaalo oo
qaarada ah oo ay ka
mid yihiin Dakar,
Abuja, Cairo,
Johannesburg,
Libreville, Maputo,
Nairobi iyo Rabat,
waxaana hada lagu
soo qabtay
magaalooyinka kala
ah Dakar iyo Nairobi
iyadoo todobaadka
soo socda uu waji
kale oo ka mid ah uu
ka furmi doono
Nairobi iyo Rabat
Wajiga hore ee
siminaarkaan ayaa
waxaa ka qeybgalaya
137 wariyayaal iyo
15 photographers ,
kaasoo socon doonaan
ilaa iyo dhamaadka
sanadkaan

somalilandsports.net
--
Sir Sunni Said Salah
sirsunni@gmail.com
Senior Somali Sports
Journalists
Phone-+254-721-424242