Somalilandsports.net

Tartan Cayaarta Shataraanjiga ah ayaa shalay markii ugu horeeysay lagu qabtay Magaalada Oslo ee wadanka Norway(Dawo sawiradda)

Tartankan Shataraanjiga waa markii ugu horeeysay ee lagu qabto Goob si weeyn loo soo agaasimay waxaana isku xilqaamay urur dhawaan la sameeyay oo aay gadhwadeen ka yihiin dhalinyaro Somaliyeed oo caan ku ah cayaartan  Shataraanjiga.

Cayaartan Shataraanjiga oo ah cayaaraha ugu culus xagga maskaxda ama ah dagaal iyo difaac iskugu jira maskaxduna inta badan aay shaqeeynaayso ayaa waxaa shalay lagu soo bandhigay xarunta dhaqanka ee Gr;nland waxaana abaabulkeeda lala kaashaday Odayada Sportiga ee Norway gaar ahaan Cali Macalin,Cabdi Jama , Turbashaash iyo Hassan waraabacadde oo aha odayga sportiga Norway.

           Madaale Cali Macalin

Furitaankii cayaarta ka hor ayaa waxaa halkaas hadal gaaban ka jeediyay Cali Macalin oo ka soo sheekeeyay sida loo soo qabanqaabiyay iyo heerka la doonayo in la tiigsado mustaqbalka maadaama aay dadka somaliyeed aay ku jiraan dad xarfaan ah oo ka qaaybqaadan kara tartamada caalamiga ah sidaa daraadeedna ururkani u hawlgali doono sidii cayaartooy loo abuuri lahaa.

                     Cayaarta shataraanjiga oo bilaabmaaysa

Intaa kadib ayaa cayaartooydii ka qaaybgashay waxaay bilaabeen in aay isbartaan oo qofwaliba magaciisa iyo halkuu dagan yahay uu ka sheegay iyo xiisaha uu u hayo cayaarta

Abaarihii 4tii galabnimo ayaay cayaartu si rasmi ah u bilaabatay waxaana iskaga horyimid 12 cayaartooy oo lababa aay is arkayeen waxaayna ahaayd cayaar sanqadhu aay aad u yareeyd ka qaaybgalayaashuna aay fakareeyn hadba talaabada aay qaadi doonaan

                        Maxamed iyo Cabdirahman oo isgacan qaadaya

Ugu dambeeyntii waxaa kaalinta koowaad ku wada tartamay labada cayaaryahan ee kala haa Maxamed M Osman iyo Cabdirahman Maxamud

waxaana guushii raacday Mohamed Mohamud Osman oo ah nin khabiir ku ah dhab ahaantii cayaartan mustaqbalna ka gaari kara halka uu Cabdirahmaan kaalinta labaad ku guulaaystay.

              Maxamed oo la gudoonsiiyay koobka kaalinta koowaad

 kaalinta labaad Abdirahmaan oo gudoomaya

Kaalinta sadexaad waxaa ku guulaaystay Xussein Cabdilahi Qasim .

Guntii iyo gabagabadii waxaa loo qaaybiyay kasoo qaaybgalayaashii shahaado sharaf iyo bilado aay ku mutaaysteen ka soo qaaybgalkooda waxaana bixinayay abaalmarinta odayada sportiga Norway  Cabdi Jama , Turbashaash,Xassan waraabacadde(Atroos). ka bogo sawiradda xagga hoose 

waxaa mahad gaara ah shabakada wararka cayaaraha somalilandsports.net

somalilandsports.net