--> Xafldan balaadhan oo ay soo Agaansintay Wasaarada Dhalinyarada Ciyaaraha Gobalka Togdheer

   
(Kooxda Kubada Cagta Somtel oo La Gudoonsiiyey Koobka Horyaalka Kooxaha Heerka Labaad ee Gobalka Togdheer)

hadhwanaag 2006-08-28 (Hadhwanaagnews) Kooxda Kubada Cagta Somtel oo La Gudoonsiiyey Koobka Horyaalka Kooxaha Heerka Labaad ee Gobalka Togdheer.

Xafldan balaadhan oo ay soo Agaansintay Wasaarada Dhalinyarada Ciyaaraha Gobalka Togdheer ayaa lagu qabtay Hoolka shirarka xarunta Gobalka Togdheer Xafladaas waxaa ka soo qayb galay Madaxda Gobalka.

Gudoomiyaha Gobalka Togdhee Cabdi Xuseen siciid (Dheere) Taliyaha Ciidanka Asluubta Jaamac Dheeg iyo Isuduwaha Wasaarada dhalinyarada Ciyaaraha Cabdi Yusuf Muraad iyo marti sharaf kale oo badan.

Isuduwaha Wasaarada Dhalinyarada ciyaraaraha Cabdi muraad ayaa ka hadlay mudadii yarayd ee uu xilka hayey iyo wixii u qabsoomay wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay waxaa maanta inoo xidhmay tartankii 16 kooxood ee heerka labaad ee Seria B, waxaana ku guuleysatay kooxda Somtel.

Hirgelinta tartankan waxaa naga taageeray Jaaliyada Degan Wadanka Ingiriiska ee qurba jooga koobkan oo xanbarsan muhiimad weyn oo taageeraysa dhiiri gelinta dhalinyarada Sportiga, Koobkan oo loogu magac daray LA DAGAALANKA MUKHAADARAADKA IYO TAHRIIBTA.

Isuduwaha wuxuu ku dheeraaday muhiimada Sportiga u leeyahay Bulshada iyo dhalinyarada isagoo sheegay in Sportigu abuuro Isdhex galka Bulshada si loo yareeyo Aafada Qabiilka iyo Mukhaadaraadka.

Isuduwaha Wasaarada Dhalinyarada wuxuu ku dhiiri geliyey Ganacsada iyo Shirkadaha waaweyn in ay taageeraan Sportiga si loo hormuriyo waxaana ku xigi doona tartanka tartamadii kale Sida Kooxaha Heerka kowaad, Seria A, da iyo Tartamad Dugsiyada Gobalka Togdheer.

Sidoo kale isuduwahau waxa u halkaasi ka sheegay iyana in Wasaarada Dhalinyarada Ciyaarahu la Wareegtay Garoonka kubada Koleyga oo laga dhisay Xarunta Ciidanka Qaranka Gobalka Togdheer waxaana Garoonkaas maal geliyey oo dhisay ayu yidhi Jaaliyada Qurba jooga Canada Gobalka Togdheer oo uu ka Socday Maxamed Xaaji Oktoobar (Gurey) oo uu Gudoonsiiyey Madaxda Wasaaradahaas.

Gebagebadii waxaa isagana halkaa ka hadlay Madaxa Jaaliyada C/raxmaan Jawaase oo isagan u mahad naqay dhamaan madaxda Gobalka Togdheer iyo Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Kooxaha ka qayb galay tartankan.

Gudoomiyaha Gobalka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere ayaa u mahad naqay Qurba jooga Gobalka Togdheer kuna dhiiri geliyey in ay maal gashadaan Gobolkooda.

Xafladan oo jawigeeda ahaa mid aad u degan oo hore sidan oo kale loo abaal marin dhalinyarada Kubada Cagta Gobalka Togdheer waxaa halkaa Gudoonsiiyey Koobkii iyo Biladihii Labada kooxeed ee kala galay Heerka kowaad iyo heerka labaad kooxahaas oo kala ah Somtel, Dayax

Ugu danbaynbtii xafladaa ka dhacay xarunta gobolka oo ay soo agaasintay wasaarada ciyaaraha oo aan mudooyinkan udanbeeyay ka dhex muuqan fagaarayaasha ciyaaraha ee gobolka waxad odhankartaa malaha in sportigi gobolka togdheer uu hada yahay mid soo kobcaaya iyadoo mudooyinkan udanbeeyay u aahaa mid tayadiisu ka sii daraysay,
wasaarada dhalinyaraada iyo ciyaaraha ee gobolka waxa hada gacanta ku haya maamul cusub oo dardar galiyay ciyaarihi guud ahaan gobolka togdheer.

Wariye: Cabdisalan ILKACASE
hadhwanaagnews Reporter
Burca, Somaliland
ilkacase1@hotmail.com