Somalilandsports.net

.Ma dhaceeyso in dib dambe aanu Eurosom uga mid noqono, waxaan ku dadaali doonaa in aan dhalinyaro cusub soo saaro oo tayo leh sidaa waxaa yiri Cabdirahman Salax (Timacadde)

Tbabare Timacadde waxaa uu ahaa nin cayaartooy ahaa bari samaadkii waxaana uu ka soo mid noqday dhamaadkii sideetamaadkii kooxihii ka jiray Somalia ee heerka kowaadSignatur:



Dato/sted: Somaliy,.Waxaanu u soo talaabay oo yimmid wadanka Norway magaalada Oslo.

Cabdirahmaan waxa markiiba uu ka qaaybqaatay oo uu ku biiray kooxdii jaaliyadda Somalida ee Norway waxa uu ahaa xidig ka dhexmuuqday tartamada jaaliyadaha ee ka dhici jiray wadankan Norway ,cabdirahmaan waxa uu u wareegay in uu noqdo tababre oo uu markii ugu horeeysay gacanta ku qabtay kooxda Tawfiiq ee masaajidka waxaayna kooxdu aay ahaayd wakhtigaasi da,yar aan ka weeynaan sagaal jir ilaa 13 jir runtii waxa uu barbaarin aad u fiican ka soo qaatay Cabdirahmaan toosinta iyo ilaalinta dhalinyaradaasi maanta uu mid waliba isku filnaaday waxaayna soo baxeen xidigaha wadamadan Europe tartamada dhexmara .

Hadaba Cabdirahmaan Timacadde waxaan la yeelanay wareeysigan gaaban oo ka dhacay Oslo  kanasoo laabtay Somaliland oo uu hadda qooyskiisu dagan yahay.

Mudane Cabdirahmaan ku soo dhawoow wareeysigan aan kula yeelanaayno anagoo kaaga mahad celinaayna ogolaashahaaga iyo wakhtiga qaaliga ah ee aad na siisayba .

 Suaal. Mudane Cabdirahmaan intii ad ka soo noqotay somaliland ma jirtaa wax koox ah oo aad gacanta ku haayso hadda?                                                        Jawaab.   Waad mahadsantahay walaal mahad gaar ahna waan idiin celinayaa intii aan ka soo noqday Somaliland haa waxaan Tababaraa kooxda Tawfiiq oo laba kooxood ah iyo kooxdaaydii hore ee Qaranka la yiraahdo oon siiyo tababar iyo dhiiri galinba.

Suaal. Kooxda Qaranka ee Canada ku socota ma filaaysaa in aay kaalin fiican gaari karaan?                                                                                                                    Jawaab. Waxaan aad u aqaanaa kooxdan maahan koox sahlan markaay wada dhan yihiin waxaanan ogahay tabaabushaha aay ku jiraan waxaan filayaa in aay ugu yaraan gaari doonaan Fainalka waana koox farsamo ahaan dhisan aayna ku jiraan xidigo badan.

Suaal.Waxaa igu maqal ah in reer Oslo aay ka soo cayaarayaan Tartanka ka dhacaayaSweden magaalada Stockholm wax ma nooga sheegi kartaa arrinkaasi?        Jawaab. Haa waay jirtaa in aan ka qaaybgalaayno bale waxaan kaga qaaybgalaaynaa koox isku dhaf ah oo ka kala kooban Oslo Stars iyo Qaranka oo ku midoobaya magaca Oslo Norway taasina waxaay ka dambeeysay markaan koox ahaan ka weeynay in aanu uga qaaybgalno aanu iskaashano Oslo Stars oo ayagu awalba ka qaaybgali Jiray.

Suaal. Maxaa kalifay kooxdiina Qaranka oslo oo ahaayd kooxaha ugu kulul ee ka qaaybqaadan jiray Eurosom tartanka aay qabanqaabinaayso in aanay ka qaayb galin iyadoo waliba sanadkan lagu qabanayo meel aad idiinku dhaw ee Goteborg Sweden? Jawaab.Waxaan filayaa in aad ogtahayba in aanu ahaayn kooxdii ka mid ahaayd aasaasayaashii Eurosom oo waliba aan anigu in badan goob joog ka ahaa hase yeeshee waxaan aaminsanahay in nala takooray ooarinta fiiga ee kooxaha kale aanu kala mid ahaayn nalagu takooray waxaana naluugu soo gabaday maaydaan bixin fiigii sanadka waxaanan hubay in aanu la mid ahaayn kooxaha kale ee aanu ka wada tirsanaayd waxaana arimahaas ka qaayb qaatay rag  damacoodu ahaa in nala takooro oo nala ganaaxo .

Su. Ma is leedahay xal waa la heli karaa oo mar kale aad Eurosom ka mid noqotaan?      Jawaab. Maya Maya ma dhaceeyso in dib dambe aan uga mid noqono Eurosom waa calaacashaas oo timo ka soo baxaan maadaama aay kooxdu tirsanaayso xaqdaro iyo takoor gaarahaaneed iyadoo kooxdu ahaayd aasaasayaashii aasaasay Eurosom.

Suaal Hadaan u soo noqdo safarkagii Hargeisa aad mudo ku maqnayd ma la xidhiidhay kooxaha halkaas ka jira, waxse ma nooga sheegi kartaa heerka aay gaarsiisan yihin guud ahaan?.                                                                                                                       Jawaab. Horta sanadkii 2007 ayaan kula kulmay Hassan waraabacadde Hargeisa isagaana runtii i baray kooxo badan xataa waxaan ka qaaybgalay tartamo aay cayaarayeen dawashadooda barashadaasi waxaay ii fududeeysay in aan iswada barano oon sanadkan si gaara aan ula shaqeeyay kooxda Gashaan ee ciidanka qaranka oo runtii si fiican uu ii soo dhaweeyay tababarahooda Iid Jibriil oo aan mahad gaara u celinayo waxaanan siiyay tababar joogta ah wxaan hubaa in aay dhamaan cayaatooyda aan daawaday ama la kulmay aay aad xirfad u leeyihiin kartina aay ku darsaeen hadii farsamadooda kor loo qaadana aay noqon karaan heer qaran.

Ugu dambeeyntii Cabdirahmaan maxaad kula dardaarmaaysaa cayaartooda guud ahaan gaar ahaan kuwa ku sugan Somaliland?                                                          

Jawaab. Waxaan kula talinayaa guud ahaan in aad loo dhawro akhlaaqda waana murayadda cayaartooyda in aay waajib tahay in mar kasta aad ogaataan in guushu aay raacayso koox uun aad ogaataana in aad badin kartid lagaana badin karo waxaanan kula dardaarmaya reer somaliland in aay taas ogaadaan sharciga iyo kala dambeeyntana ku dadaalaan ,kooxaha tababarayaasha iyo madaxda naadiyadubana aay kor u qaadaan xirfadooda sporti tababarka iyo maamulka iyo maareeynta.Alaa mahad leh wasalaamu caleeykum waraxmatulaah.

Waxaa wareeysigan qaaday

Mohamed Nor Oslo Norway

somalilandsports.net