Somalilandsports.net

NAIROBI-xidiga xulka Norway iyo kooxda k/cagta ee Manchester City ee asalkiisu ka soo jeedo dalka Somalia C/salaam C/qaadir Cadaay ayaa wuxuu magaalada Nairobi ku qaadanayaa tababar uu ugu diyaargaroobayo kooxda heerka 1-aad ee Manchester City ee horyaalka England.


 Cabdisalaan oo ka soo noqday tababarka uu siinayay aabihiis cadaay cabdulkaadir


C/salaan Cadaay oo ah ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Somali ah ee u ciyaara kooxda Manchester city ayaa wuxuu ka tirsan yahay kooxda heerka 2-aad ee horyaalka heerka 2-aad, iyadoo sanadka soo socda uu si toos ah ugu biiri doono kooxda heerka 1-aad.

C/Salaan cadaay oo heysa dhalashada dalka Norway ayaa waxey kooxda Manchester city ka soo qaadatay kooxda heerka 3-aad ee horyaalka Norway ee FJELLHAMER iyadoo ku soo iibsatay lacag dhan 70,000$, waxey Manchester city geysay kuliyada k/cagta ee kooxda taasoo haatan uu soo dhameystay.


C/salaam cadaay oo gacan weyn ka helay Aabihii C/qadir cadaay oo ka mid ahaa garsoorayaashii k/cagta ee dalka Somalia ayaa si weyn wiilkiisa ugu gacan qabtay heerka uu maantay gaaray kaasoo ah inuu ka ciyaaro horyaalka England.

C/Salaan Cadaay ayaa kooxdaan ku soo biiray isagoo 15-sano jir ah wuxuuna haatan dhameystay course wax barasho ah oo xirfada k/cagta ah, wuxuu sidoo kale ka mid yahay xulka qaranka Norway gaar ahaan xulka junior-ka.


C/salaam Cadaay oo ah 18-sano jir mustqabal wanaagsna ku leh k/cagta ayaa wuxuu haatan joogaa magaalada Nairobi, isagoo tababar joogto ah ku qaata garoonak Yanya Stadium ee magaalada Nairobi, si uu u kordhiyo awoodiisa k/cagta

Safarka xaga tababark ah ee uu ku joogo C/salaam cadaay magaalada Nairobi waxaa ku wehliyay aabihii oo sheegay inuu wiilkiisa sanadka soo socda uu wacdaro ka dhigi doono garoomada kala duwan ee horyaalka England.

Markii u dhameysto todobaadka tababarrka ah ee uu ku qaadanayo magaalada Nairobi wuxuu dib ugu laaban magaalada dubai isagoo halkaasi tababar kale ku qaadan doona isagoo ka sii aadi doona magalaada Manchester ee uu kula biiri doono kooxdiisa heerka 1-aad oo uu sanadkaan ka mid noqon doono.

Sir Sunni Said Salah
sirsunni@gmail.com