Somalilandsports.net

       Tartan Kubbadda Miiska ahaa oo maanta lagu qabtay Magaaladda Oslo/Norway

              iyo Dayarta oo aad uga soo qaaybgashay

                     Cabdi Jama Gudoomiyaha Qabanqaabada oo koobabkii agfadhiya

Waxaa Maanta oo aheyd bishu 20.06.2009  si rasmi ah uga furmay garoonka Kubbdda Miiska Hanshaugen Scene  ee Dalka Norway oo ku yaal  Galbeedka  magaalada Oslo tartankaas oo ay ka qayb galayaan kooxo isugu jira kuwa da’yar kuwaas oo ka kale yimd naawaaxiga Magaaladda Oslo iyo Ciyaartooydii Xulka Qaranka ee Kubbdda Miiska ee soomaaliyeed ee kal-hore,sida Abdi Aden Cismaan Sacid Mohamoud Abdulle

 

Tartanka oo aad u xiisa badnaa isla markaana kooxaha ay is wada arkayeen ayaa noqday mid ay kooxaha iyo dhalinyarada ka qayb qaadanaysay tartankaas oo ahaa  mid aad looga helay. Waxaan ka soo qeyb galay tartankaas dhallinyo gaaraya ilaa 50 Ciyaartooy, waxaan la ciyaaray Tartanka Koox-kooxda Kubbadda Miiska, Taratnka Keli-kelida Kubbadda & Tartanak Lammmanaha Kubbadda Miiska ee Wiilasha, waxaana oo kale ciyaaray dhallinta jirta 10-13 jir& 14-18 jir.


Waxaa ka soo qayb galay tartanka marti sharaf Sports iyo dadwayne aad u fara badana iyo Maamulka Naadiga Kubbadda Miiska oo ay ka mid ahaayeen Xoghayihii Xiriirka Soomaaliyeed ee  Kubbadda Miiska ee kal- hore1979-94,Mr Cabdi Jamaa Faarax & Mahad Abdulle ”Turbashaash” waxay ahaayeen 2du ka dembeyen furitaanka Naadiga Kubbda Miiska ee Xaafadda Stovner 2008 taasoo ay garab-weyn ka heleen Maamulka Degmada Stovner khaas gabadha la yiraahdo Stove Kristiansan,isla markaasna Naadigaan Kubbada Miiska wuxuu xubin ka yahay Xiriirka Kubbadda Miiska ee Dalka Norway,ujeedada ugu weyn ee loo aasaasay naadigaan waxay tahay in halkaan laga abuuro Ciyaartooy matali karta Xulka Qaranka Kubbadda ee Soomaliya.waxaana sidoo kale waxaa Naadiga loo qoondeeyey dhaqaale dhan 250,000 kr waxaana lugu fulin doonaa sida, Kirada Garoonka Kubbadda Miiska,Gunada Tababarayaasha & Abaalmarinta Tartamada kale duwan ee Kubbdda Miiska.
 

 waxaa Naadigaas Tababarayaal ka ah Tababare Swedesh ah,  Cabdi Aden Cismaan & Sacid Mohamoud Cabdulle waxay ka mid ahaayeen  2daas Ciyaartooy Xulka Qaranka ee Kubbadda Miiska ee Soomaliyeed,intii ay soo  galin Dalka Norway Waxay ka soo qeyb galeen Tartankii Adduunka ee Kubbdda Miiska ee lagu qabtay Magaaladda Paris 2003 waxay  dhirigalin wanaagsan u noqon kara da’yarta Soomaaliyeed & dhamman dadweyne badan  ee tartanka ka qayb qaadanaysay,kuwaasoo ay ka muuqatey farxad.

 Cabdi Jama ,Xassan Waraabacadde, iyo Cayaaryahan Cadi Aden

 Waxa uu tartanku u qaaybsamaa hab aad u qorshaaysan oo hadba dada loo qiimeeyay waxaana loo kala qaaybiyay Da,da 10-13 iyo14-18 waxaana runtii ka soo qaaybgalay cayaartooy aad u badnaa oo mustaqbal wanaagsan ku leh cayaartan hadii la sii dhiiri galiyo waxaad ka garaanaaysay habka hujuumka iyo difaaca ku qotomay in aay heleen tababar wanaagsan

Xaladda Xiritaanla oo ay wehlisay Bixitaanka Koobab (7) & Bilado kale duwan sida Dahab, Qalin , & Maar.waxaa ugu horreyntii halkas hadal kooban ka soo jeediyey Maamulka  Naadiga Kubbdda Miiska Miiska ee ”Stovner Ungdoms Klubb i Oslo” Mr Mahad  Abdule ” Turbashaash & Cabdi Jaamac Faarah, odayga isboortiska Norway Xasan Cabdalle ” Waraabe-cadde” & Cali Macallin Maalin.

Kulammadii kooxaha ay ciyaareen intuu socday tartankaasi waxay guulshii halkaas raacday sida hoos ku qoran.

               Kaalinta Kowad Dayarta 14-18  Awal Hassan Waraabacadde

Koox-kooxda : Ellingrud 1aad,Romsås Kaalinata 2 aad, Stovner 3aad             kelikelida   :

 Da,da (14-18)  , Kaalinta 2aad waxaa galay Zulkiet.

 

 Kaalinta 3aad waxaa galay Stany.             Keli-kelida : Da,da ( 10-13) Wajihad wuxuu galay    Kaalinta 1aad, waxaa sida kale kaalinta 2aad Bile Mahd Cabdulle halka uu ka galay kaalinta 3aad   Daneil.Dhammaan ciyaartooydii kala gashy 1aad & 2aad waxaa kalo la siiyey Tickect ah  shaneemo,     (Hdaba ka bogo Swirada oo dhan koobab iyo bilado hoosta.

waxa uu ahaa tartankii noociisa ahaa ee aay qabanqaabiyaan bahda isportiga ee reer Oslo waxaana abaalmarin halkaas ku gudoomay Gudoomiyaha Qabanqaabada tartankan Mr Cabdi Jamac oo ahaa nin khibrad aad u balaadhan u lahaa Kubadda Miiska iyo Mahad Turbashaash waxaayna ahaayeen rag aad iskugu hawla horumarinta cayaarta kubadda Miiska horena caawimaad miisas ugu diray Somaliland iyo Somaliyaba.

Waxaa isagana aan la ilaawi kareey Garsoore Cabdi Aaden oo u muuqday nin khibrad kaashanayay oo si cadaalad ku jirto ku soo gunaanaday tartankii.

 

 

Qore: Hassan Cabdalla  ” Waabe Cadde”

   Hassanabdalla5@hotmail.com   

Oslo Norway