Tartankii koobka
nabadda ee xaafadda Koodbuur waxaan ka taageernay habka farsamada iyo Garsoorka

Xassan Waraabacadde iyo Garsore Calami Yusuf Maweel
Tartankii qiimaha badnaa ee
bishan horaanteedii lagu soo gabagabeeyay garoonka 31may oo aay isku haleeleen 6
kooxood oo xaafadda ahaa ayaa ahaa mid si aan hore loo arag loo soo abaabulay
waxaana fakarkiisa iska lahaa dhalinta xaafadda odayaashooda oo iska kaashaday
waxaana dhanka farsamada iyo garsoorka ka taageerayay Xasan waraabacadde oo ah
nin aad u taageera had iyo goor sportiga somaliland iyo Garsoore Yusuf Maaweel
oo isaguna ah garsoore haaysta shahaado caalami ah oo isna qurbajoogto ah.
Hadaba waxaan fursad u helnay
in aan wareeysi dhinacyo badan taabanaya aan Xassan waraabacadde la yeelanay
waxaanu wareeysugu u dhacay sidatan
Mudane Xassan bal
waxaad nooga warantaa tartankii koobkan nabadda koodbuur yaa abaabulkiisa lahaa?
Jawaab: Mahadsanidiin
waana suaal fiican dhabahaantii waxaa abaabulkiisa lahaa dhalinta xaafadda gaar
ahaan odayadooda iyo maamulka garoonkaba waxaanan ka soo qaadan karaa
Cabdoow,Maxamed, Bacaw, Shaadheey iyo waxgaradka sportiga intaba .
Suaal; Maxuu kaga
duwanaa tartankani kuwii hore loo qaban jiray ?
Jawaab :Dhabahaantii
aad buu uga duwanaa maadaama dhawr mar oo hore garoonka aay ka dhaceen rabshado
ama iska horimaadyo sababay waxyaabo badan sida tartankii rabadaanka ee kal hore
, kani waxaa la siiyay siminaar intaanu tartanku bilaabmin iyo shuruuc u gaar ah
waxaanan ka taageernay dhanka farsamada waxaa kaloo laga xusi karaa dreeysyada
loo qaybiyay kooxaha oo farxad aad ah galisay iyo yididiilo wanaagsan.
Suaal:Sportigu
Xisbiyada soomaay gali jirin maxaa sababay hadda?
Jawaab:Waa runtaa
sidaad la socotaba waxaa lagu jiraa xili kaambeeyn waxaana lagu tartamayaa waa
dhalinyaradda oo leh codka ugu badan ayagaana safafka buuxiya oo aan daaleeyn
waxaana isku soo beegmay tartanka xiliga la qabtay iyo abaalka ololaha
xisbiyadda tartankana waxaa dhanka dhaqaalaha ka taageeray Mujaahid Maxamed Aar
Dabcan waa nin Udub ah halkaasaa aay ka soo gashay in aay wax gashadaan .
Suaal:Adigu qaaybtaad
ku lahaayd tartanka ?
Jawaab Waxaan ku lahaa
dhanka farsamada waxaan kaloo aan soo martiqaaday garsoore calami ah Yusuf
Maaweel oo ahaa lafdhabarka tartanka oo waliba dadkii daawadayaasha ahaa aay
sacab la garab socdeen maadaama habkuu u qabanayay aay ku qotameen sharciyadda
calamiga ah waxaan kaloo qaayb ku lahaa ilaalinta anshaxa garoonka.

Garsoore Yuusuf Maaweel
Suaal:Maxaad u
maleeynaaysaa mustaqbalka Cayaaraha Somaliland?
Jawaab: Waxaan is
leeyahay waxaay u baahan yihiin waxyaabo badan si aay hore u sii talaabsadaan
waxaa ka mid aha in la kobciyo aqoonta maamulka ,garsoorayaasha,macalimiinta
isla markaana aay qabsadaan siminaaro lagu lafaguraayo waxa ka qaldan maadaama
dalkan yar ee curdinka ahi aanu talaabo la sheegi karo ka qaadin dhanka
cayaaraha waana muhiim taasi si loo helo istaraatiijiyad cad iyo qaabka loo
hormarinayaba hadii intaas la helo waa la helayaa xal wanaagsan.
Aad baad u mahadsantahay
mudane Xassan waraabacadde
Idinkaa mudan.
Wariye M .faarax
Oslo