A.Shakuur-Gaalmastar: “Waxaan aad u jeclaa ciyaartoyda Diito oo NPP ka
tirsanaa iyo Ronaldo oo reer Brazil ah”
Waxaanu
jecelahay in aanu halkan idiinku soo gudbino waraysi khaas ah oo aanu la
yeelanay Ciyaaryahan ka tirsanaan jiray kooxda Gaashaan, haddana ku sugan
wadanka Hindiya oo uu wax ka barto, isla-markaana u ciyaara koox Hindi ah, waa
ciyaaryahanka Cabdishakuur Gaalmastar, oo haddana u ciyaara koox ka dhisan
wadanka Hindiya.
Haddaba
waraysi uu Weriyahayaga Cabdiqani Xuseen Baynax khadka Isgaadhsiinta kula
yeeshay isaga jooga wadanka Hindiya, oo uu kaga waramayo arrimo badan ayaanu
jecelahay inaanu idiinku soo gudbino halkan isaga oo dhamaystiran, waxaana
waraysigaas aadka u xiisaha badani u dhacay sidan: -
S: Goormaad bilowday
ciyaarista kubadda cagta?
J:
Run ahaantii ciyarista
kubad cagta ilaa ciyaalnimadii waan jeclaa, waanan ku hamiyi jiray inaan ka
ciyaaro garoomada waawayn, waxaan ka bilaabay ciyaarista kubada cagta garoonka
(M.A.ALI) ee dagmada Maxamuud Haybe, sanadku markuu ahaa 1997kii oo ku
beegnayd markii laga soo noqday dagaalkii
sokeeye
S:macno ahaan maxay kuugu fadhidaa kubada cagtu?
J:
waxay iigu fadhidaa qiimo aad u wayn oo noloshayda waxay kaga jirtaa door
muhiim ah, aad ayaan u jecelahay ciyaarista kubada cagta iyo daawashadeedaba,
aadna waan u jecelahay dadka daawada ciyaaraha ee ciyaartoyda dhiiri-galin ku
barbaariya dhalinta kubada cagta. Run ahaantii wali kumaa fikirin hadii aanan
kubada cagta ciyaari lahayn waxa kale ee aan qaban lahaa, riyadaydu waxa
kaliya ee ahayd waa kubada cagta.way ii soo dhawaysay oo waxay ii yeeshay
magaca iyo sumcad aan ku dhex yeesho dhalinta kubada cagta iyo shacabka reer
Hargaysa
S:
Ma jiraa koox aad taageere u ahayd yaraantaadii, iyo ciyaartoy aad ku dayan
jirtay in aad sidiisa oo kale u ciyaarto?
j:
waxaan tageero u ahaa kooxda manchester united ee ka dhisan cariga ingiriiska,
haddii ay dalkeena noqotana waxaan tageeri jiray kooxdaa NPP khaastan
ciyaartoyga (Cabdi-Diito) waxaanuu ahaa ciyaartoy aad ay qanciso
kubadiisu. Run ahaantiina Ilaahay siiyay farsamo uu wax ku qaban karo waa
ciyaartoy wakhti kasta guul gaadhsiin kara kooxdiisa horumarna ku samayn kara
koox. Diito iyo ciyaartoyga wayn ee reer brazil Ronaldo oo hada kubada cagta
kaa sii baxaya ayay ahaayeen ciyaartoyda aan aadka u jeclaa inaan kaga daydo
hanaanka iyo habka ay u ciyaaraan ,
S:
Yaa kaa caawiyay in aad noqoto ciyaartoy magac ku leh kubada cagta Somaliland,
gaar ahaan magaalada Hargeysa ee aad ku barbaartay?
j:
waxa igu dhiiri galiyay ciyaarista kubada cagta C/qaadir Warsame oo ku magac
dheer cabdiqaadir (Afay) oo ahaa ciyaartoy u ciyaari jiray kooxdii waynayd ee
Nuuradiin kuwaas oo ahaa koox magac iyo muuqba ku leh kubada cagta ee dalkeena
.c/qaadir oo ahaa coach ka kooxda aan ka tirsanaa ee Marooko oo ahayd kooxdii
ii suurto galisay in aan sumcad ku yeesho kubada cagta
S:
Boos-ciyaareedka aad ka ciyaartoy noo sheeg, iyo ka aad ugu jeceshahay inaad
ka ciyaarto?
J:
Runtii C/qani ilaa ciyaalnimadii waxaan aan caan ku ahaa inaan ka ciyaaro
weerarka khaastana lamberka sagaalaad( 9). Waxa kale oo aan jeclaa inaan ka
ciyaaro dhinac baalaha ee weerarka gaar ahaan nembarka 7 aad walina kama aan
ciyaarin number aan ahayn labadaa boos. Waayo waxaan ku caan baxay inaan
goolal dhaliyo kooxdaydana guul u horseedo kana caawiiyana in ay kooxaha
dhexdooda magac ku yeeshaan khaasatan kooxdii aan ka bilaabay kubada cagta
Marooko oo aan hormood u ahayn aniga iyo Siciid Cali aw Muuse oo ku magaca
dheer Siciid
Vieara hadana u ciyaara kooxda Gaashaan
S:
ciyaartoydee jeclaan lahayd in aanay garabkaaga maqnaan marka aad garoonka ku
jirto oo aad wada safataan?
J:
Run ahaantii waxaan soo maray kooxa kala duwan sida, Marooko, Socso, SDF, Al-Najax
iyo Gaashaan. Hadaba ciyaartoyda aan u jecelahay inaan mar kasta agtooda ka
ciyaaro waxa igu wayn ciyaartoy Siciid Cali Muuse Viera oo ah laacib ku
siinaya dhiiri galin iyo jaanisyo aad ku dhalin karto goolal ahna ciyaartoy
aan ilaa ciyaalnimdii isku koox ahayn waxa naga dhaxaysay isfahan wayn aniga
iyo Siciid, ciyartoyga Hargaysa ka ciyaara oo dhan way ogyihiin xidhiidhka
iyo sidaan isku fahano aniga iyo Siciid marka garoonka aan ku jirno waxaan
awoodnaa inaaan koox guul gaadhsiino una horseedno inay koobab qaadaan dhanka
kale waxa isna aad aan u jecelahay inuu iga ag ciyaaro ciyaartoyga wayn ee
Cumar Henry oo ah nin aan sxb aad u nahay iyo ciyaartoy da'yar oo ka ciyaara
kooxda Al Hilaal ee ka dhisan dagmada Maxamuud Haybe oo lagu magaacabo
Cabdicasiis (Dhasha) oo ka ciyaara difaaca
S:
Bal wax nooga taabo guulihii aad la gaadhay kooxda Gaashaan ee aad ka
tirsanayd iyo kooxihii ka horeeyayba?
J:
Run ahaantii kooxda Gaashaan nasiib uma aan yeelan inaan lagaadho guulo waayo
markii aan ku biirayba waxaan u soo ambabaxay dhinaca india oo aan u soo aaday
waxbarsho Gashaan waa koox aad u fiican ciyaartoy aad u fiican ayay haystaan
oo guul gaadhsiin kara kooxda, waxaan kooxda Alnajax markii aan ku soo biiray
kula guulaystay koob munaasibad ahaa oo aan ka qaadnay kooxda White Sand
Village ciyaartaas oo ku dhamaatay 4-2 waxa aan dhaliyay 2 gool oo ka mid ah
goolasha aan ku qaadnay koobka
S: Wadanka Hindiya ee aad waxbarashada u tagtay waxa nagu maqaalo ah in
aad naadi u ciyaarto Hindi ah bal arrintaa nooga waran?
J:
Haa sidaad hadalka u dhigtay waxaan u ciyaaraa koox Hindi ah oo lagu magaacabo
Milan boys ahna kooxda ugu fiican magaalada Aurangabad ee
gobolka Mahrashtra waxa kale oo ay ku jiraan horyaalka dalka
india waana koox koobab badan ku soo guulaysatay, waxa aan safar ciyaareed u
raacay ilaa dhawr magaalo sida (Beedh, Jalna, kuwaas oo ay ka socdeen tartamo
ciyaareed oo ay isku arkayeen kooxaha india ugu fiican sida Mahindra
united iyo ,RCFbomay oo ah laba kooxood oo ka ciyaara
championka asia
S:
Maxaa guulo ah oo aad ka gaadhay ciyaaraha intii aad xagaas joogtay?
J:
Guulo aad u waawayn ayaan ka gaadhay oo ii sababtay inaan
hindiya magac ku yeesho. Waxa farxad ii ahayd markii aan qaaday gooldhalinta
gobolka Aurangabad iy ciyaartoygii ugu wanaagsanaa tartankaas waxaan
gooldhalinta ku qaaday 15gool waxan lay siiyay lacag dhan 100$ iyo jaa'iisado
ay ka mid yihiin bestplayer award oo aan mutaystay in aan lay siiyo .,waxa
kale oo aan u ciyaaray college ka wayn ee india caanka ka ah kama mid ah
college yada ugu wayn india ee AZAAD COLLEGE dhalinyarta india oo dhan ayaa
garanaysa kuwa dhamaystay oo hada wadanka jooga iyo kuwa india joogaba ,waxaan
u soo qaaday koobkii jaamacad BAMU oo ay ugu dambaysay sandkii 2000kii ,oo aan
anigu nasiib u yeeshay inaan guul u so hooyo waxaad arki kartaa marka ay
ardayda ajaanbaka ahi collegeka soo galaan waxa ay isha ku dhuftaan
sawiradayda oo ku dhajisan collegka gidaaradiisa iyo xafiiska maamulaha
college ka tartankaas oo aan kaalinta labaad galay gooldhalinta laakiin an ku
guulaystay inaan noqdo best player isagana
S:
Sideey kuu arkeen awoodaada ciyaareed ajaanibka aad sheegtay in aad u ciyaarto?
J:
Run ahaantii c/qani
hindida soomalida ayaa kaga fiican ciyarista kubada cagta ,waayo maaha
xiisohooda koowaad kubadcagta ee waxay ciyaaraan circket oo ah kubad ay ku
ciyaara budh taasina waa ta iga caawisay inan iyaga dhexdood ka yeesho magac
wayn iyo qadarin ,hadii ay kuu gartaan ajaanbina way ku soo dhawaynayaa waa
dad aad u fiican oo aan ku dhibayn markastan jecel inaad la joogto . waxay ii
arkaan laacib aad u wayn oo waraysiyo badan ayay ila yeesheen saxaafadoodu
S:
Bal ka waran isfahamka idiin dhexeeya ciyaartoyda iyo tababaraha aad la
shaqayso, iyo kuwii hore ee aad Somaliland kaga timi?
J:
waxa noo dhexeeya isfahan wayn run ahaantiina waan jecelahay inaan la ciyaaro
wakhti kasta ,tababaraha iyo kabtanka waxa naga dhexeeyay xidhiidh wayn iyo
laacibiinta kooxda ,waxaan jecelahay inaan mar kasta ka ag ciyaaro sida
laacibka ,,,Nadiim...wasiim....junied ....ropert ....mika iyo mike
S:
Sidee ula qabsaday kubada cagta ee laga ciyaaro Hindiya adiga oo noo
iftiiminaya?
J:
Hindidu waxay ciyaaraan kubad aad u adag oo raf ah, dhibaatooyin badan ayaa
kaa soo gaadhaya intaan ciyaaray waxa iga soo gaadhay naber iga gaadhay ilkaha
waxaan dhawac ahaa ilaa muddo bil ah oo aan ka fadhiyay ciyaaraha
S:
Maxaa kugu kelifay adiga oo wadanka aad joogto Waxbarasho u doontay in aad
ciyaarista kubada cagta ku ladho waxbarashadaada?
J:
runtii waxa igu kalifay xiisaha iyo jacaylka aan u qabo kubada cagta waan
shayga koowaad ee aan balwada ka dhigtay
S:
Sidee ayaad u aragtaa rajada ciyaaraha Somaliland?
J:
Walaahi hoos u
dhaca wayn ayaa ku yimi. Khaasatana wixii ka dambeeyay 1997 markii ay ciyaari
jireen kooxaha Hrerstar, NPP, NDC iyo Sooyaal, markaas ayay ciyaaruhu xiiso
lahaayeen, kubada cagtana hadda xiisihii wuu ka guuray dalkeena, dalkeena waxa
lagu odhanayaa iska daa kubada, adiga oo nin wayn ah ayaad boodh dhex
bood-boodaysaa!! Ma kharash ayaa kugu soo galaya, maxaad ka helaysaa, taas
sababteeduna waa Wasaarada ciyaaraha iyo maalqabeenada wadanka oo dhalinyarada
dhiiri-gelin siin waayay.
S:
Maxaad ugu dambayntii adiga oo fursadan uga faa’iidaysanaya ciyaartoyda ku
akhrisanaya u soo jeedin lahayd?
J:Waxaan
ugu baaqi lahaa dhalinyarta kubada cagta ciyaarta inay sii wadaa ciyaarista
kubada cagta oo ay sii xoojiyaan kaalinta ay kaga jirto dalkeena kubada cagtu,
iyagoo dhinaca kalena aan isku ilabaayn kubad kaliya ee waxbarashadooda
wadanaya.Waayo qof kastaa waxa uu ku hamiyayaa inuu heer gaadho mustaqbalna
yeesho, waxaan odhan lahaa ha isku ilaabina kubad kaliya ee waxna dhigta
Cabdiqani Xuseen Baynax, somalilandsports.net
cabdiqani0001@hotmail.com