SOMALILANDSPORTS.NET .SOMALILANDSPORTS.NET SOMALILANDSPORT
 

Ururka Af-garad oo deeq qalab Sports ah gudoonsiiyay qaar ka mid ah naadiyada heerka labaad ee caasimada

Hargeisa (Somalilandsports).Ururka Dhalinyarada ee Afgarad ayaa deeq qalab Isboortis ah gudoonsiiyay qaar ka mid ah kooxaha heerka labaad ee caasimada iyo naadiyada kubadaha Gacmaha ee xaafadaha Axmed Guray iyo Maxamuud Haybe.

 

Munaasibad si qurux badan loo soo agaasimay oo lagula kala wareegay deeqdaas ayaa lagu qabtay Hoteel Cali Jirde ee magaalada Hargeysa.Munisaabadaas oo ay ka soo qayb-galeen masuuliyiinta Ururka Afgarad, Maamulka iyo kooxaha la gudoonsiiyay qalabka iyo marti-sharaf kale.

Waxa munisaabadaas khudbad dheer oo taabanasay dhinacyo badan halkaas dhalinyarada uga jeediyay Sh. Maxamed Xuseen Dhabbeeye oo ah Gudoomiyaha Ururka Afgarad. “Waxaynu u baahanay inaynu dhibaatooyinka jira ee dhinac walba leh ee ciyaaruhu u liitaan, ee garoomadu u dayacan yihiin, waa dhaliilo iyo dhibaatooyin dalkeena ka jira. haddaba iswaydiintu waxay tahay sidaas lama dhaafin karo oo wax lagama bedeli karo, mise wax baa laga qabanayaa miyaa?

Jawaabtu waxa weeye haa waxbaa laga qaban karayaa. cidda wax ka qabanaysaana cid kale maaha, xisbi maaha, hebel maaha waa innaga.” Ayuu Dhalinyarada u sheegay, waxaana uu intaa raaciyay isaga oo hadalkiisa sii wata: “Waxa maanta xusid mudan inay jiraan xisbiyo dalka ka hano-qaaday, kuwaasoo ay ujeedadu ahayn in dumuqraadiyada lagu kordhiyo. oo muwaadiniintu ay dareemaan inay han siyaasiya yeelan karaan.

Xisbiyadii Saddexda ahaa ee shahaada haystay, ee aynu ka doonaynay inay dalka il kale u yeelaan, inay qaybaha bulshada wax ka qabtaan. waxayna ahayd waxyaabaha aynu ka cabanayno ee ay ka midka tahay daryeel la’aan caafimaad, waxbarasho aan tayaysnayn, garoomo la’aan, tartamo la’aan. waxaas oo dhan waxay ahayd inaynu kaga baxno xisbiyada oo barnaamijyo inoo soo bandhiga, kadibna aynu kala doorano, oo xisbigii dana, ee inoo roon, dalkan iyo dadkan dhiqi kara, il kale u yeeli kara, waynu ku qanacsanahay in dalkan halka u marayo meel ka saraysa gaadhi la gaadhsiin karo, markaa waa inay xisbiyadii inoo soo bandhigaan, barnaajimyo tayo leh oo aynu kala doorano.”

Gudoomiyaha Ururka Af-garad waxa uu si wayn u dhaliilay siyaasada Saddexda Xisbi Qaran ee dalka ka jira, kuwaasoo uu tilmaamay in xuurtaysteen shookaanta hogaanka. “Saddexdani (Xisbiyada Qaranka) waxay ku kala duwan yihiin magacyada gudoomiyeyaasha uun oo halkan Faysal baa ka gudoomiye ah, halkaana Rayaale ka gudoomiye ah, halka uu Axmed Siilaanyona uu halkaas gudoomiye u yahay, taasina waxay noqonaysaa wax soo koobayo rajadii aynu lahayn. Xisbiga Xaakimka ee la yidhaahdo UDUB,

Somaliland intii ay jirtayba isaga ayaa taladii haystay. waayo saddexdii Madaxweyne ee Somaliland UDUB baanu nahay bay yidhaahdeen Labadii Marxuum iyo Daahir Rayaale Kaahinba, Xisbiga kale ee UCID, waa xisbi aad moodo inaanu diyaar u ahayn inuu isagu ku guulaysto. Sida ODM-ka kiiniya kama dhex-arki karaysid wax ku soo jiita. hase ahaatee, xisbiga rajada fiican leh ee dareenka dadku la haysto ee aad is odhanaysid loollan dimuqraadiyadeed ama dareen wadaniyadeed ha ahaato, waxaanu u arkaynay inuu Xisbiga Kulmiye yahay ka lays odhan karo waa xisbi lays odhan karo waa xisbi wax lala qabsan karo. masuuliyiinta Kulmiyena waxaanu ku bogaadinaynaa loollanka ay muujiyaan ee dhexdooda ah. Jaraa’idka waynu ku aragnaa dad Kulmiye dhexdiisa leh waxaanu doonaynaa Madaxweyne, ku-xigeenka, Gudoomiyaha Xisbiga, Basle Udub UCID dhexdooda lagama hayo cid tidhaahda Musharax Gudoomiye ayaan ahay.

Dhawaaqaa ay ku dhiiradeen ee ka soo baxay waanu ku hambalyaynaynaa.”

Inkasta oo uu Sh. Maxamed Dhabeeye ku hambalyeeyay Xisbiga Kulmiye dhexdiisa loollanka ka muuqda, haddana waxa uu taabtay in isaga laftiisa ay tahay dhibta haysataa arrintan: “Waxaanse Kulmiye dhexdiisa la yaabanahay dad waawayn oo masuuliyin iyo cid kasta leh oo qoonsanaya oo la yaaban damaca siyaasiga ah ee ay ku leeyihiin waa hebel laysaga daayaa. Xisbiga Kulmiye kama duwanaanayo haddii la yidhaahdo yaan la loollamin, kii Siyaad Barre ee sacabka loo tumayay hanti wadaaga. Haddaanu Ururka Af-garad nahay waxaanu rabtaa in dalka lagu loollamo oo asxaabtu loollanto dhexdooda, marka dambena aynu innagu fursad u helo inaynu ku kala doorano. waayo waa fursad distoorka Somaliland ina siiyay waa inaynu kala dooranaa. si dalka uga dhigno mid midha dhalino waa inaynu helaa tartan xor ah oo aynu iyaga shuruudo ku xidhno waxaanu rabnaa waxaa iyo waxaa nidhaahnaa.

Somaliland sanadka 2008-da waa sanadkii isbedelka, waxaan Ilaahay idiinka rajaynaynaa inaynaa sanadka dambe isbedelkeena qoomamayn.” Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada ee Af-garad.Waxa kale oo iyana munaasibadaas hadalo kooban ka soo jeediyay Gudoomiye Ku-xigeenka Ururkaas, xubno ku hadlay af naadiyada heerka labaad ee caasimada oo dhamaantood isdaba maray dhibaatada haysata horumarka ciyaaraha, iyo sida loogu baahan yahay inay si wada jir ah wax looga qabto.

Waxaana ugu dambayntii halkaasi lagu gudoonsiiyay deeqdii qalabka isportiska ahayd ee Ururkaasi ugu talo-galay naadiyada caasimada qaar ka mid ah.

Cabdiqani Xuseen Baynax. Somalilandsports.net, Hargeysa Somaliland.

Email: cabdiqani0001@hotmail.com. Tell: 4411447 Telesom