kooxda heegan ee hanashada
koobka H-24-aad K/Koleyga Soomaaliya
Mogadishu Jimco,
January 25 2008

Waxaa si xiiso badan uga socoda
garoonka 1-da Luulyo (Ex-Lugino) ee magaalada Muqdisho tartanka horyaalka 24-aad
ee wiilasha K/Koleyga Soomaaliyeed , waxaana ciyaar aad u xamaasad badnayd si
weynna loo hadalhayay beryahan isaga hor yimid kooxaha Heegan vs. Horseed,
waxaa 49-48 si dirqi loogu awood sheegtay gabdhah Horseed iyadoo sidaasna ay
ku baaba`day hankii kooxda Heegan ee hanashada horyaalka 24-aad oo haddii ay ka
badin lahayd Horseed ay noqon lahayd horyaalka Gabdhaha K/Koleyga ee kubadda
koleyga Soomaaliya , basle ciyaarta ayaa u muuqata mid isku celis noqonaysa
maadaama labada kooxoodba ay isku dhibco noqdeen (min 6 dhibcood) oo midba mar
laga badiyay .

Daawashada Ciyaarta ayaa waxaa ka soo xaadiray
mas`uuliyiinta ka socotay wasaaradda isboortiga wasiirka isboortiga Axmed
C/Salaam ,ciidanka booliska Soomaaliyeed Taliyaha CBS Cabdi Qeybdiid ,mas`uuliyiinta
G.O.S C/qaadir Abkoow ,xiriirka K/Koleyga Guddoomiye Wiish iyo ku xigeenkiisa
Roombo , iyo madax ka tirsan xiriirada kala duwan ee isboortiga iyo taageerayaal
aad iyo aad u buuxdhaafiyay garoonka Lugino oo xiiseeya ciyaaraha K/Koleyga.


Waxaa goobta ku sugnaa madaxda Dawalada waxaana ka mid ahaa
Genaraal Morgan oo ubax loo galinayo.
Xigasho Somaliweeyn