SOMALILANDSPORTS.NET .SOMALILANDSPORTS.NET SOMALILANDSPORT
 Muriidi iyo taariikhdiisii

Horseed Vs Madbacada Koobkii Janaraaldaa'uud 1988

Ciyaarta kubbadda cagta oo iyadu ka mid ahayd ciyaarihii sida aadka ah looga jeclaa dalkeena ayaa waxay ahayd ciyaaraha ugu faca way nee laga dheeli jiray dalkeena. Sanadihii todobaatameeyadii iyo wixii ka dambeeyay, ayaan oran karnaa waxey ku tallaabsadeen horumar aad u ballaaran iyada oo ay soo baxeen ciyaaryahanno farsamadeedu aad u sarreysay oo caan ku noqday dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, magac iyo sharafna u soo jiiday qaranka Soomaaliyeed, qaarkoodna ka dhax ifi jiray ciyaaraha dibada aan ku yeelano sida Bariga iyo bartamaha Afrika.

Xubinteena maanta waxaa aynu ku soo qaadanaynaa ciyaaryahan Muriidi Abanuur Abati oo dadka ciyaaraha jeceli qaarkood ciyaar wanaagiisa ku naaneesi jireen ciyaar yahankii waynaa ee reer Argantina ee lagu magacaabi jiray (Diega Maradono).
 

Muriidi A Abanuur

Muriidi wuxuu ka mid ahaa ciyaaryahannadii ugu wanaagsanaa ee soo maro dalkeena dhinaca kubbadda cagta, intii u dhaxaysay sannadihii 1980-kii ilaa 1990-kii, waxaana uu ku caan baxay naadigii la oran jiray Madbacada, markii dambena loo soo gaabiyay MBC. Muriidi wuxuu ka mid ahaa ciyaaryahannadii magaca fiican u soo hooyay Qaranka Soomaaliyeed ee ka qayb galay ciyaarihii Juniorka Aduunka, ee wacdaraha ka dhigay.

Muriidi, wuxuu ku dhashay magaalada Xamar ee gobolka Banaadir, sannadka markuu ahaa 1960-kii. Waxbarashadiisa Quraanka Kariimka ah waxuu bilaabay markuu jiray lix sano dugsi ku yiilay degmada Boondheere, waxaana macalin u ahaa Macalin Nuux iyo Macalin Axmed, halkaas ayuuna 114-ta Quraanka cadadiisa ku dhameeyay.

Waxbarashada kale wuxuu ka bilaabay dugsiga hoose ee Bartamaha, sanadkii 1972-dii balse codsiyo tiro badan oo xaga kubadda cagta naadiyadooda ah, ayaa iskaga daba imaanayay ilaa uu waxbarashadii ku joojiyo fasalkii dhexe ee Todobaad, wuxuuna u leexday dhinaca ciyaaraha.

Muriidi wuxuu ka soo jeedaa famil majority-goodu yahay Sports, hadaan ka bilaabo Aabihiis Abanuur Abati, oo ahaa ciyaartooydii ciyaari jirtay sanadihii 1940-kii, sanadihii danbana ku biiray dhinaca maamulka Isboorti. Waxaa kaloo la dhashay Xasan Abanuur Abati oo u ciyaari jiray naadiga Muqdisho sanadihii 1977 – ilaa iyo dhamaadkii sideetamaadkii, hadana degena magaalada Siatal Washington ee dalka Maraykanka Waxaa kaloo jira Xuseen Abanuur Abati oo u ciyaari jiray naadiga Wagad hadana ku nool wadanka Ingriiska. Gadaalihii danbana waxaa u soo baxay ciyaartooy C/casiis Abanuur Abati oo u ciyaari jiray Junyarka naadiga Wagad sanadihii 1985 – 1989 hadana ku nool magaalada Canada .

Muriidi waa xaas leh 6 caruur ah, Afar wiil iyo Labo gabar, magacyada caruurtiisana waxaa la kala yiraahdaa Muna oo 16 jir ah, Maxamed oo 14 jir ah, Mahad oo 9 jir ah, Nuur oo 7 jir ah, Sahra oo 6 jir ah iyo wiilka ugu yar caruurtiisa oo Hal jir ah oo la yiraahdo Yaxye.

Maxamed, Mahad, Nuur, Sahra

Muriidi wuxuu ku nool yahay magaalada London ee cariga Ingriiska. Haddaba waxaa ii suurto-gashay inaan ku booqdo xaafadiisa oo ku taal waqooyiga London qaasatan degmada Islington.

Waxay ahayd goor salaadii maqribka ay soo galaysay, waxaana asaga iyo Seddexdiisa wiil ee roon roonaa ku wada dukanay qolka fadhiga gurigiisa ku yiilay. Salaadii kadib ayaan bilaabay in aan ka waraysto taariikh nololeedkiisii isboorti. Waraysigeeniina wuxuu u dhacay sida tan:

Kubadda: Muriidi, Goorma, ayaad ka soo tagtay wadankii Soomaaliyeed? Sababtuse maxay ahayd ?

Muriidi: Runtii, dalkii waxaan ka soo tagay 1992-dii, waxaana ugu wacnaa ha ugu horeysee dagaalkii sokeeye ee dalka ku habsaday.

Kubadda: Ma xasuusan kartaa sidii aad ku biloowday ciyaarta iyo cida kugu dhiirrigelisay dheelisteeda?

Muriidi: Fikrada, meel uun bay ka bilaabataa, balse aniga Aabahay oo ahaa nin Isboortis ah, ciyaarina jiray sanadihii 1940-kii inkastuu markii danbana ku wareegay xaga maamulka ayaan is leeyahay waad ka dhaxashay.

Inkastoo markii danbe ay dad badani ay ku soo lug yeesheen xaga dhiiri gelinta in aan sii ciyaaro sida nin la oran jiray Aatkey Mohamed oo degganaa degmada Shangaani iyo Aways Jiis, Buruuno, Maxamed Ciise Degaayo, waxaan dhihi karaa aad ayay u badnaayeen inta jeclayd in aan Isboortiga sii wado.

Kubadda: Heer noocee ah ayaad ku billowday kubadda? Mase jireen noocyo kale oo ciyaareed oo ka duwan kubbadda cagta oo aad ka qayb-qaadatay?

Muriidi: Waxaan ka mid ahaa ciyaal da'doodu u dhaxaysay 10 ilaa uyo 12 sano, oo laysku soo aruuriyay si loo baro kubadda kolayga, oo uu macalin u ahaa Macalin Buruno sanadkii 1972-dii. Halkaas oo aan ku qaadanay tababar dhowr sano ah degmada Shangaani. Sanadkii 1977-dii ayaa naloo magacaabay in aan metelno ciyaartooydii kubadda kolayga degmada Shangaani. Waxaan hadana u saftay degmada mar kale ciyaarihii kubadda kolayga sanadkii 1978-dii.

Kooxdii yar yarka Degmada Shangaani 1972

Intaa ka dibna waxaa iigu yimid degmada oo iga watay macalinkii kubadda cagta naadiga Madbacada Macalin Giftin, oo aan mar mar tababar kubada cagta ah u raaci jiray balse jeclaystay xarakaadkayga. Isla sanadkaas 1978-dii ayuu macalin Giftin uu i safay ciyaaihii Junior-ka ee naadiyada anoo u metelaayo naadiga Madbacada.

Kubadda: Ma ka qayb-gashay tartammadii gobolada oo ahaa tartamo aad u xiiso badnaa kuna looltami jireen ciyaaryahanada da'da yare ee goboladaas u dhashay ama degenaa ee ka dhex muuqday xaga farsamada ciyaareed ? Sanadkeese u ciyaartay ?

Muriidi: Sanadkii 1978-dii maadaama aan u dheelay degmada Shangaani Kubadda Kolayga hadana naadiga Madbacada Juniorkiisa aan u saftay kubadda cagta ayaa 1980-kii Gobalkii Banaadir isku kay qabsadeen in aan u ciyaaro cagta ama kolayga. Sanadkaas oo uu kubadda cagta macalin u ahaa gobolka Banaadir macalin Sacad. Kubadda kolaygana macalin Cabdidheere iyo Cali Cusmaan.

Taasi waxay keentay in aan is jiid jiid tiro badan dhexda ka galo. Waxaase dhexdooda ka faa'iidaystay naadigii Madbacada oo igu riixay in aan safto ciyaarihii heerka koowaad oo markaas bilaabanayay koobkii Jenaraal Daa'uud-ka isla sanadkaas. Saas ayaana ku gafay in aan u ciyaaro Gobolka Banaadir.

Kubadda: Wax ma iiga sheegi kartaa waxyaabihii xusuusta gaarka ah kuugu reebay intii aad ku dhex jirtay ciyaaraha guud ahaanba ?

Muriidi: Xaqiiqadii hadaan ka sheego su'aashaada. Runtii Waxyaabaha aan noloshayda iloobaynin waxaa ka mid ahaa: Anoo ciyaaraha ku dhex jiro sanadkii 1986-dii in lay soo magacaabo shaqsigii u meteli lahaa Soomaaliya xulkii laga soo xulay Qaarada Africa si ay kaga hor tagaan Xulka Carabta. Tartankaas oo lagu qabanayay dalka Masar.

Kubadda: Goorma ayaad ku biirtay ciyaaryahannada heerka Qaran ee kubbadda cagta?

Muriidi: Waxaa lay magacaabay xulka Qaranka Soomaaliya sanadkii 1980-kii. Inkastoo aan hadana dheelay 1981-gii tartankii Juniorka Qaranka ee dalkeena lagu qabanaayay oo Soomaaliya ku guulaysatay. Wixii tartankaas ka danbeeyayna waxaan si joogto ah uga mid ahaa ciyaartooyda Xulka Qaranka waaweyn (senior-ka).

Safka hore Bidix ka biloow; Cumar calasow, Zakaria Baliile, Hilowle Gaab. Gadaal; Aajeelow, Baynax iyo Muriidi Abati

Muriidi A Abati, Mohamed Al Qatib (Masar) iyo Ibrahm Sinigaal

Kubadda: kooxahii aad la ciyaartay ciyaaraha caalamiga ah wax ma ka xusi kartaa?

Muriidi: Wadamo badan ayaan u tagay ciyaaro ha noqdeen kuwo saaxibtinimo ama tartan Qaaradeed ama Carbeed. Waxaana ka xasuustaa sida Kenya, Jabuuti, Burundi, Zambia, Nigeria, Moroco, Yeman, Cumaan, Saudi Arabia, Masar, Seychelles iyo Sudaan.

Hadaan hal hal u kala qaado sanadkii 1982-dii ayaan xasuustaa in aan ciyaar u tagnay dalka Kenya, ciyaarihii Horiyaalada Bariga iyo Bartamaha Africa anogoo matalayno kooxdeenii Madbacada (MBC)

Kooxda Madbacada Horiyaalkii 1988

Sawir ku soo baxay Wargayskii Xiddigta Oktoobar ee Kooxdii Madbacada 1990-kii

Sidoo kale 1982-dii waxaan xasuustaa ciyaar Bariga iyo Bartamaha Africa ay kooxdeenii Madbacada la yeelatay kooxda Horiyaalka kubadda cagta dalka Ugandha ee KCC. Ciyaartaas oo aad ii farxad gelisay, waayo labo gool oo ka mid ahayd goolashii aan ku badinay aniga ayaa dhaliyay.

Kooxda Madbacada 1982

la soco qaaybta labaad

somalilandsports.net

xigasho kubadda