Ciyaaryahanka u ciyaara wadanka Ivorycoast ee lagu magacaabo
Didier Drogba ayaa aad uga xumaadey, kadib markii uu maqlay
in lagu wareejiyey lana gudoonsiiyey abaal marintii
laacibkii ama ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee Afrikka
Ciyaaryahanka reer Mali Frederic Kanoute.
War laga
soo weriyey Drogba ayaa waxaa uu sheegayaa inuu yiri waxaan
helay codadkii ugu badnaa ee tababarayaasha xulalka
qaramadda Afrikka, sidaas ay tahayna waa uu waayey abaal
marintan ugu qaalisan ee Africa, ka dib markii uu u
safriwaayey meeshii lagu bixinayey abaalmarintaas oo ahayd
wadanka Togo caasimadiisa Lome.-Xiriirka kubadda cagta
Africa qofka ugu sareeya ayaa isoo wacay xilli galab aheyd
waxaana uu igu wargeliyey, haddii aan imaanwaayo goobta,
sharciga waan badaleeynaa abaalmarintana waxaan siinaynaa
qofka kaalinta labaad galay, sidaas waxaa yiri Drogba.
Ciyaaryahankan Drogba oo aad u careeysnaa ayaa waxaa uu
yiri, haddii ayba tahay abaalmarinta Africa sidan, maba aan
rabo inaan ka mid noqdo ciyaaryahanada loo sharaxayo
sanadaha soo socda.Ciyaaryahankan ayaa waxaa xiliga laga
rabay inuu Togo tago uu wadankiis laba maalmood ka dib
ciyaar ay layeelan lahaayeen wadankii Guinea, ciyaartaas oo
loogu soobaxayey semifaynalka koobka qaramadda Africa.
Dhinaca
kale Ciyaaryahanka reer Mali ayaa waxaa beryihii ugu
danbeeyey ka hadlayey Jornaaladda Islamka, iyada oo uu
ciyaaryahanka yahay ciyaaryahankii ugu horeeyey ee Muslim ah
kana ciyaaraha kooxaha waaweyn ee Yurub uu ku dadaalay sidii
uu u badbaadinlahaa masjid ku yaala wadanka Isbeyn kaas oo
uu qiimihiisa gaarayey nus milyan euro. Masjidkan ayaa waxaa
hadda iska leh muslimiinta.
xigasho
somalisports