SOMALILANDSPORTS.NET .SOMALILANDSPORTS.NET SOMALILANDSPORT

 

cayaartoydii Xulka soomaaliya oo ku biirtay kooxaha Jabuuti.


Qaar ka tirsan cayartoydii xulka qaranka soomaliya ee ka soo qeybgalay tartamadii ugu dambeeyey ee bariga iyo bartamaha dalka Tanzania iyo kulankii jabuuti ee isreebreebka koobka kubada cagta aduunka ayaa ku biirey naadiyo kala duwan oo ka dhisan dalka jabuuti.

cayaaryahanadan oo lagu kala magacaabo cabdicasiis maxamad xaaji (Hommey) iyo  maxamad cabdi caseyr oo loo yaqaan maxamad yare oo u kala  cayaari jiray naadiyada Dekedaha iyo B/telecom ayaa ku wada biirey naadiga SHERATON oo ka tirsan naadiyada heerka 1aad ee dalka jabuuti halka cabdiwaaxid maxamad (ha igu xaarin)  oo isna ka tirsanaa kooxda Dekedaha uu ku biirey naadiga POST.

Ma aha markii ugu horeysay ay cayaartoy ka tirsan dalka soomaaliya ay ku biiraan koxaha ka dhisan caalamka gaar ahaan qaaradaha africa iyo Asia waxaana halkaasi kaga sii  horeeyey cayaartoyda ay ka midka yihiin Maxamad shaarkeey,malaay,yoonis amxaar,Sh.Cumar Dhooqeeye,cabdi john, Annas,halka kuwo kale ay u sii gudbeen qaarada yurub sida Golhaye Ceydiid oo ka tirsanaa Dekedaha iyo Ciise Abshir (ciise Midnimo)oo ka tirsanaa Elman oo hada ka cayaara naadi ka tirsan naadiyada heerka 1aad ee dalka Norwey,waxaana iminka jira cayaaryahano kale oo qorsheynaya sidii ay ugu biiri lahaayeen naadiyada caalamka.

Kooxda Sampadoria oo wada qorshe ay kula wareegeyso Cassano

Agaasimaha kooxda Sambadoria Giuseppe Marotta ayaa sheegay inuu qorsheynayo wada hadal uu la yeesho todobaadka soo socda naadiga real madrid wadahadalkaas oo ku saabsan mustaqbalka cayaartoyga casano oo iminka si amaah ah ugu cayaara kooxda sampadoria.

Xiddiga ku dhashay magaalada Barri ee cassano oo ay milkiyadiisi leedahay kooxda realmadrid ayaa hal xili cayaareed waxa uu si amaah uu ku joogaa kooxda Blucerchiati ee Sampa.

Waxaan had iyo jeer isku dayi doonaa inaan xooga saarno sidii aan realmadrid uga dhaadhicin lahayn in xidigaasi gebi ahaanba nagu soo wareejiso inagoo ogsoon inuu xidigani jecelyahay ku negaanshaha gudaha dalka talyaaniga sidaana waxaa yiri Giuseppe Marotta oo wareysi siinayay radio KISS KISS.

-------------------------------------------------------------------
Legrottaglie:- Buffon waa Maradonaha juventus
Cayaaryahanka Daafaca uga cayaara kooxda kubbada cagta ee juvenyus Nicola Legrottaglie ayaa shaaca ka qaaday in goolhaye Giggi Buffon uu yahay maradoonaha kooxda juventus.

"maradona waxa uu u qabtay napoli ayaa si la mid ah waxaa uu buffon u qabtay juventus sidaana waxaa yir Legrottaglie oo farxadi ay ka muuqatay oo la hadlaayay wargeyska La Gazzeta della sport.

markii uu goolka ku jiro cayaaryahan buffon waxaan dareemaa anigoo uu Muzic ii shidan yahay oo kale waayo waxaa sugan amaanka goolkeena markii uu sidan oo kale uu jka maqan yahayna waxa aan dareenaa wal wal iyo kalsooni darro ayuu hadalkiisa ku soo afmeerey xidigani u dhashay dalka talyaaniga.

--------------------------------------------------------------------
Abidal oo sheegay in Benzema uu ku soo Biiri doono camp nou

Cayaaryahanka reer france ee u cayaara kooxda Barcelona Eric Abidal ayaa sheegay inuu kalsooni Buuxda ku qabo weeraryahanka Kooxda Olompic Lyon ee Benzema inuu kula soo biiri doono naadiga Catalanca ah ee Barcelona wararka ka imaanay dalka spain ayaa waxa ay sheegayaan in cayaaryahankaas ka tirsan xulka faransiiska ee Benzema oo indhaha oo indhaha caalamka beryahaba soo jiiteen ayaa waxaa  si weyn u doondoonayo kooxaha la liga ee dalka spain gaar ahaan Real madrid iyo Barcelona Xidiga Eric Abidal oo la hadlayay wargayska la marca ka dib kullan cayeereedkii sxbtinimo ee xulalka France iyo Spain ayaa rajeeyey in hadii benzema uu ka soo tagayo kooxda Olympic Lyon uu kula soo biiri doono Kooxda Barcelona.

xigasho waaga cusub
-----------------------------------------------------------