SOMALILANDSPORTS.NET .SOMALILANDSPORTS.NET SOMALILANDSPORT

 Farxadii Manchester United iyo Firkanixii Arsenal 

 Weeraryahanka Wayne Rooney ayaa xalay loogu hambalyeeyay goolkii ugu horeeyay ee ka dhaliyay kooxda Arsenal, kulankii xalay oo Manchester United ugu quus-goysay 4-0 ciyaar ku tiirsanayd wajiga shanaad ee tartanka FA Cup-ka loo yaqaano.

Goolka Rooney  oo dhashay daqiiqadii 16-aad ee ciyaarta qaybteedii hore, waxa laybaystay oo ku xigsiiyay ciyaaryahanka Darren Fletcher oo isna kubad oo u soo karoosay ciyaaryahanka Nani shabaqa ku hubsaday. Goolka Saddexaadna waxa shabaqa la haleelay weeraryahanka Boortaqiiska ah ee Nani oo kulankii xalay aad garoonka ugu cadcadaa, isla-markaana ka faa’iidaystay kubad uu ka helay saaxiibkii Michael carrick. Ciyaaryahanka Emmanuel Ebou ee ka tirsan kooxda Arsenal ayaa ciyaarta dibadda looga saaray daqiiqadii 48-aad ee ciyaarta qaybteedii dambe, kubadii uu abuuray ciyaaryahanka Nani ayaa Ciyaaryahanka Fletcher ka faa’iidaystay mar labaad isaga oo shabaqa dhex-dhigay goolkii Afraad ee Manchester ku karbaashtay Arsenal.

Tababaraha Xulka Ingiriiska ayaa xalay daawanayay oo goob-joog ka ahaa goolkii uu gegida Old Trafford kaga farxiyay weeraryahankiisa Rooney.

Cristiano Ronaldo iyo Ryan Giggs ayaan labaduba ku jirin Line Up-kii Manchester United ee xalay.

Rooney oo ka maqnaa guuldaradii ay kooxdiisa Man City dhawaan baday ayaa xalay bidhbidhaha u shitay Arsenal. Ciyaaryahanka Luis Saha ayaa isna xalay aad u muuqday. Guushan ay xalay ka gaadhay Manchester United tartanka FA Cup-ku, waxa ay dhinaca kale niyad jab ku riday kooxda ay hogaanka isku daba socdaan ee Arsenal oo Shan dhibcood ka saray Man. Premiership-ka.

Tababaraha Arsenal, Wenger iyo Inamadii uu watay ayaa garoonka foorar iyo khajilaad kala baxay. Ronaldo ayaa markii ciyaartu dhamaatay isaga oo dhoola-qoslaya intuu madaxa lulay, gacan-qaaday wiilka ay dhinaca gool-dhalinta horyaalka Ingiriiska isku haystaan ee Adepayor, isla-markaana madaxa u salaaxay.

 

 By: Cabdiqani Xuseen Baynax