Cicinho: “Waan ku soo
murugooday kooxda Real Madrid”

Ciyaaryahanka Khadka
difaaca uga ciyaara kooxda Roma, Cicinho ayaa
sheegay inay xaalad adag tahay kulanka ay Real
Madrid isaga horimanayaan tartanka Championka,
isaga oo kooxdaas hore uga tirsanaan jiray.
Kulankan Roma iyo Real
waxa uu ka mid yahay kulamada ugu adag ee sida
wayn loo wada sugayo, waana kulanka ugu horeeya
isreeb-reebka koowaad ee tartankaas.
Waxa uu kulankani si gaar
ah u saamaynayaa laacibka u dhashay wadanka
Brazil ee Cicinho, kaasoo kooxda Real Madrid uga
soo wareegay Roma Xagaagii la soo dhaafay.
“Runtii waa Kulan adag. Waxaanse aaminsanahay
inay labadayada kooxoodba ka si wada jir ah uga
siman yihiin dareenka ah in aanu adag nahay.
Real waxaan rabaa in aanu karbaashno, waayo
halkaas aniga cadaadis ayaa igu haystay. Aad bay
ii farax-gelinaysaa inaanu ka adkaano.” Ayuu
yidhi Cicinho.
Waxa kale oo uu tilmaamay
inaanu ku farxin Real Madrid. “Kumaan
faraxsanayn Real. Aad baan uga murugoodaa,
sababtoo ah bilowgii xilli-ciyaareedka tababare
Schuster Bernd waxa uu igala hadlay inuu igu
bilaabo xilliciyaareedka, waxaana uu ii sheegay
in aanu I ciyaarsiinayn. Sababtoo ah wuxuu iga
door-bidayay Sergio Ramos.” Sidaas ayuu
caddeeyay Cicinho, isaga oo hadalkiisa sii
watana waxa uu intaa ku daray oo yidhi: “Waxaan
la hadlay Gabadhayda, Aabahay iyo Hooyada, xataa
goolwale Alexandre Doni iyo ciyaartoyga kale oo
Brazil u dhalatay, kana ciyaara Roma, ka dibna
waxaan gaadhay go’aankaygii aan ku imi Roma”
Casillas oo sheegay inaan la barbar-dhigi Karin
Buffon
Xiddiga goolka kubada uga
ilaaliya kooxda Real Madrid, Iker Casillas ayaa
sheegay in aanay suurto-gal ahayn in la
yidhaahdo keebaa fiican Gianluigi Buffon iyo
isaga marka laga hadlayo qaabkooda xirfadeed ee
goolwalenimada.
Waxa jirta khilaaf ka
dhex-taagnaa dhinacyada saxaafada Talyaaniga iyo
ta Isbaanishka, taasoo ay ku qaadaa-dhigayeen
bal kooda noqonaya goolwalaha dunida ugu fiican
Casilas iyo Buffon."Shan Goolwale oo isagu
(Buffon) ku jiro ayaa ugu wanaagsan Dunida,
kuwaasoo kala ah: Buffon, Reina, Palop, Cech,
iyo Van der Sar,” Sidaas waxa uu u sheegay
goolwalaha Real Madrid Wargeyska ciyaaraha ka
faalood ee ka soo baxa Talyaaniga, laguna
magacaabo Gazzetta dello Sport. Isaga oo
hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyay oo
daba dhigay: “Yaan lays kaaya barbar-dhigin
aniga iyo Buffon. Waanu kala qaab duwanahay,
xataa xagga awoodda jidh ahaaneed.”
Casillas waxa sidoo kale
la waydiiyay maqnaanshaha xiddiga ay isku
wadanka iyo kooxdaba yihiin ee Raul dhinaca
Qaranka, waxaana uu arrintaa kaga jawaab
bixiyay: “Raul looma yeedhin oo tababaruhu uma
yeedhin, waana uu ku jiraa foomka magacyada,
sidaa daraadeed lama ogaan karo waxa dhacay.”
Ugu dambayntii Casilas
waxa la waydiiyay adkaanta difaacooga oo kala
ah: Sergio Ramos, Pepe, Fabio Cannavaro iyo
Gabriel Heinze, waxaana uu ku jawaabay: “Waxaanu
haysanaa difaaca ugu adag adduunnka sidaan
fikrad ahaan qabo, kuwaasoo khibrad iyo
firfircooniba isku darsaday iyo waliba
degenaan.” Ayuu hadalkiisa ku soo gebo-gabeeyay.
Real Madrid waxay kulan
adag oo ka mid ah ciyaaraha loogu tartamayo
Horyaalka kooxaha Yurub ee champion-ka isaga
horimanayaan kooxda Talyaaniga ah ee Roma oo
iyadu marti ahaan loogu tagayo garoonkeeda
Olampico.