Ronaldinho:
“kubada Cagtu ilamay Dhalan oo walaalo ma nihin”

Xiddiga kooxda Barcelona, Ronaldinho ayaa u sheegay
kooxaha AC Milan iyo Inter inuu ku faraxsan yahay xiisaha ay u qabaan isaga.
Balse waxa uu sheegay in aanu qabeen dareenka ah u wareegitaanka labadaas
kooxood ee xilliga Xagaaga innagu soo fool leh.
Weeraryahankan Brazili-ga ahi waxa ku adkaatay
xilligan u ciyaaridda sidii looga bartay iyo maamulkii kubadeed ee uu ku
caan baxay oo haatan u muuqda inay dhamaanba arimahaasi ka shax-gureen.
Ronaldinho waxa uu muddo saaxafada hogaaminta kooxda
Barcelona uga maqnaa dhaawac soo gaadhay iyo qaab-ciyaareedkiisii oo uu ku
yimi hoos-u-dhac ku yimi oo looga tuuray inuu hogaamiyo kooxda, waxaana
muddooyinkan u dambeeyay si wayn isu soo tarayay wararka la xidhiidha
ketigidda ciyaartoygan ee kooxda Barca marka uu dhamaado wakhti ciyaareedka
hadda lagu jiro.
Haddaba, kooxaha Milan-nada AC iyo Inter ayaa isku
dayo badan oo ay ugu dedaal galayaan inay ka soo fara-maroojistaan laacibka
kooxda Barca iyaga oo uga faa’iidaysanaya arrintaas khilaafkan cakiran ee
isaga iyo naadigiisa soo kala dhex-galay waxa ay labada si wayn u muujiyeen
rabitaankooda Ronaldinho. Bal haddaba aynu eegno jawaabtii uu isna ka
bixiyay arrintaas. “Kooxaha iyo Inter iyo Milan-ba way i rabaan. Balse
waxaan leeyahay Maya, waad Mahadsan tihiin.” Sidaas waxa uu u sheegay
Ronaldinho Janalka ciyaaraha ee TV-ga Talyaaniga oo arrintaas wax ka
waydiiyay.
Waxa kale oo ka hadlay hoos-u-dhaca ku yimi kubadiisa:
“Waa arrin dabiici ah in qaab-ciyaareedkaagu korna u kaco, hoosna u dhacao.
Waayo, Aniga kubada Cagtu ilama Dhalan oo walaalo ma nihin. Waan isku
dayayaa sidii aan u kasban lahaa taageerayaashayada, Waxaan dareemaa
taageerayaashu siday ii taageeraan. Markay ku heesaan magacayga garoonka
dhexdiisa.”
Waxa uu ugu dambayntii ka hadlay arrinta dhaawaca
saaxiibkii Ronaldo: “Waxaan rajaynayaa inuu helayo Inankiisa oo kaba
wanaagsanaa. Aad baan uga xumahay. Laakiin waxaan u rajaynayaa inay arrimuhu
sax u noqdaan isaga.”