SOMALILANDSPORTS.NET .SOMALILANDSPORTS.NET SOMALILANDSPORT

Warbixin iyo Warsaxaafadeed Kismayo Sports+Sawiro

Kismayo, 22/02/2008      

ka dib markii xiriirka kubadda cagta soomaliya ay shaaciyeen in ay qabandoonaan cayaarihii gobolada soomaliya ayaa waxaa dhinaca kalena kismaayo ka soconaya dhaq dhaqqaaq sporti oo ay wadaan xiddigihii iyo garsoorayaashii iyotaageerayaashi cayaaraha ee gobolkaas.waxaana ay mar kale soo saareen war saxaafadeed iyagoo sidoo kale soo bandhigey xiddigihii gobolka u keeney magacca weyn ee kubadda cagta  iyo cayaaraha oo dhan.
warsaxaafadeedkan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili xiriirka kubada cagta soomaliya ay sheegeen in cayaarihii gobolada ay bilaabi doonaan iyadoo j/hoose oo ah hoyada cayaaraha gobolada ay ka biyo diidey qaabka uu xiriirku ugu qorsheeyey ariamahasi.


 
dhowaan ayaa burhaam kuukuuyo loo doortey gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee kismaayo.waxaana uu wadaa dhaq dhaqaaq ku adan horumarinta sportiga gobolka isagoo balan qadey in sumcaddii cayaaraha kismayo iyo guud ahaanba gobolka j.hoose.


 
waa kan war saxaafadeedkii bahda sportiga kismaayo.

09/02/08 ayay aheed markii uu xariirka kubadda cagta ee somaliya  uu sheeciyay in ay qabanayaan tartanka gobolada somaliya iyagoo ugu horeentiiba faafiyay in waarshadi laacibiinta somaliya ahna horyaalkii dalka oo ah gobolka jubada hoose ay martu u noqondoonto shabeelada hoose marka'''''' hadaba suaasha isweediinta mudan ayaa waxa  tahay yaa looga dambeen doona taarikhda kubadda caagta ee somaliya ? yaa xaq u leh in la geeyo semi finaal g/jubadda hoose mise  banadir?
sidoo kale waxaan ugu baaqeena dhamaan qubarada kubdda cagta ,haydaha kala duwan ee kubadda cagta sida ,fifa,uefa,caf,cecafa, in ay xiirka somaliya ee k/cagta uusan namatalin ayna wakiil naga yihiin cayaartooydii hore ee gobolka sida , maxamad muuse cabdi jabroos oo wakiil inooga ah yurub,iyo khalif shire muuse khaliif riike waxana halkan ka salmeenaa dhamaan cayaartooydii hore ee gobolka j/hoose.


 
dhan kale bahwenta sportska gudahaan ee ku nool gobolka jubada hoose gaar ahaan gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee degmada kismayo burhaan kukuuyo,gudoomiye kuxigeenka xiriirka kubadda cagta ee g/j/hoose,saciid maxamed muuse siciid galti,muqaatar xaaji jaamac.axmad yasin buudiste.c/raxmaan shariif shinyaalow,cabdi xasan siyaax sanjo,c/ducaale big,c/khaadir guure,cabdi maxamad axmad cabdi xaaq,cabdow beeley,qadar maxmad,saleeban cabdi badal,cabdi fitaax cali xasan iyo dhamaan bulshada somaliyeed waxay tacsi tiraanyo leh halkan uga dirayaan qoyskii iyo ehaladii uu ka geeriyooday macallimkii weena ee ku badda cagta dalka somliya c/casiis xaaji jaamac c/casiis gulta oo dhawaan ku geeriyooday dalka uganda
waxaan ilaahay uga baryeena in uu ka waraabiyo janada samirna kasiiyo xaaskii iyo awlaadi uu ka tagay.
 
      
Cabdul-Xafiid Zaciimka Muqdisho