Cassano: “Sampdoria
Dumarkeedaa qurux badan”

Xiddiga kooxda Sampdoria,
Antonio Cassano ayaa caddeeyay sababta ka
dambaysa joogitaankiisa halkaas ee
xilli-ciyaareedkan, waxaana uu ku tilmaamay inuu
ka helay dumar wanaagsan magaalada Genoa.
Ciyaaryahanka oo hore uga
tirsanaan jiray kooxda Roma waxa dib u soo
codsatay inuu ugu soo laabto kooxdiisii hore
iyada oo beryaha hadal-haynteedu ku badnayd
bilihii la soo dhaafay, waxaana ay kooxda Roma
ciyaaryahankan si dhab doonisteeda u caddaystay
ka dib markii kooxdiisu todobaadkan gudihiisa
2-0 kaga adkaatay naadiga Napoli.
Cassano waxa uu ku
caan-baxay awood dabiici ah oo qayru-caadiya,
haddaba mar wax laga waydiiyay bal sida la
yaabka leh ee uu ugu qanacsan yahay naadiga uu
hadda la joogo waxa uu yidhi: “Runta markaan
sheego ma doonayn in aan u wareego Sampdoria.
sababtoo ah waxaan u sheegay inay tahay inay
tahay caasimad dhimatay.” Sidaas ayuu yidhi
Cassano. “Haddiise aan ka waran waxa aan hadda
ula qabsaday ee xadhaha ii adkeeyay, waxaan ku
yeeshay saaxiibo fiican, iyo waliba dumar fara
badan oo aad u wanaagsan, arrintaas oo aniga si
fiican ii qancisay, iina gaar ah.” isaga oo sii
jilcinaya arrintaas waxa uu intaas ku daray oo
yidhi: “waxa naloo ogolaadaa in aanu hablaha
xagga sare ugu tagno ka hor inta aanay ciyaartu
bilaabmin, qolka ayay noo soo raacaan dhar
xidhashada, meel kastana waad kula kulmi
kartaa.”
Sidoo kale waxa uu Cassano
ku baaqay inuu ku negaanayo kooxda Sampdoria oo
aanu ka tagayn, waxaana uu aaminsan yahay in
kooxdiisu ku guulaysan karto horyaalka sanadaha
soo socda.
Ciyaaryahankan oo da’diisu
25 jir tahay waxa uu ka hadlay dedaalkiisa
dhinaca wax qabadka kooxda: “Waxaan ku idhi
Gudoomiyaha kooxda ha lay kordhiyo
mushaharkayga, si aan dedaal u sameeyo.” ayuu
hadalkiisa ku soo gunaanaday.
Mancini
oo taageerayaal gadoodsani weerareen
Taageerayaal gadoodsan
ayaa damcay inay gacan-saaraan tababaraha kooxda
Intermilan, ka dib markii ay kooxda Liverpool
2-0 ugu quus-goysay ciyaar ku tiirsanayd wajiga
hore ee tartanka horyaalka kooxaha Yurub
(Champion-ka).
Markii kulanku dhamaaday
ayaa tababaraha oo isaga laftiisu ka
niyad-jabsanaa kulankaas natiijadii ka soo
baxday isaga oo fekeraya ay candhuuf wajiga kaga
tuftay gabadh xidhnayd funaanada midabkeedu
isugu jiro madow iyo buluuga ee ay kooxda Inter
ku ciyaarto. “Ma garanayo sababta ka dambaysay
inay gabadhi i candhuufayso, waxaabase ka darnaa
taageerayaal ku sheega layga hayay ee damacsanaa
inay I fara-saaraan.” Sidaa waxa yidhi
tababaraha Intermilan oo TV-ga layska arko ee
CNN qaybtiisa ciyaaraha uga waramayay dhacdadii
la kulantay. “Waxa iga qab-qabtay ilaaladayda
gaadhka oo ka dibna la hadlay booliska Anfield
iyo ciidamada amniga, kuwaasoo kala didiyay
taageerayaasha. Maan filayn dhaqan-xumada ay
igula kaceen taageerayaashu, iyaga oo joogo dal
ajnabi aan ku nahay.” ayuu yidhi isaga oo
hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyay:
“Waa wax fool xun oo laga khajilo waxay
sameeyeen.” ayuu yidhi isaga oo madaxa lulaya.
“Waxa ka daraa waxay ku kaceen cayda iyo
aflagaada ay ii gaysteen. aniga laygama
guulaysan ee waxa laga guulaystay oo kooxda aanu
ka wada midka nahay taageerayaasha mana garanayo
sababta ay aniga waxaas igula kaceen.” ayuu mar
kale ku calaacalay tababare Mancini.
Kooxda Intermilan waxay
hogaanka u haysaa horyaalka Talyaaniga, halka ay
Liverpool horyaalka Ingiriiska u dhawayn
caynaanka hogaankaas. waxayse khibrad la yaab
leh u leedahay sida loo karbaasho kooxaha ka soo
qayb-gala tartanka horyaalka kooxaha Yurub ee
Championka loo yaqaano.
Capello: “Ronaldaa ka
wanaagsan V. Basten”
Tababaraha Xulka
Ingiriiska Fabio Capello, ayaa ka hadlay xaalada
ciyaaryahanka uu tababaraha u ahaan jiray ee
Ronaldo iyo waliba Alessandro Del Piero,
kuwaasoo uu tilmaamay in labadoodaba uu ka
dhexeeyay xidhiidh wanaagsani.
Hadalkiisani waxa uu ku
soo beegmay xilli uu Ronaldo dhakhtar
Faransiiska ku yaala u jiifo qalliin lagaga
samaynayo jilibka, kaasoo uu ciyaaraha kaga
maqnaanayo muddo Laba iyo Toban bilood ah.
haddaba mar uu ka hadlayay Fabio Capello arrinta
Ronaldo waxa hadaladiisii ka mid ahaa: “Si lama
filaan ah waxaan u arkay toos, arrinta Ronaldo,
aad baanaan uga murugooday oo uga xumaaday.”
waxaana uu hadalkiisa raaciyay: “Wixii laga
yidhi arrintiisa oo dhan wuu mutaystay mana
garanayo waxaan ku daro. waan ka xumahay yaanaan
kala masuugin waa ciyaartoygii ugu wanaagsanaa
ee aan abidkay tababare u noqdo, xataa marka
lagu daro laaciibkii la yaabka lahaa ee Marco
Van Basten isagaa ka wanaagsanaa.”
Capello sidoo kale waxa uu
niyada u dhisay laacibkan dhaawaca u jiifa:
“Nasiib daro waa dhaawac khatara, waana inu si
adag u shaqeeo si uu u soo laabto. waan
rajaynaya inuu sidaas samaynayo, waayo
ciyaartoyga sidiisa oo kale ah kubada cagta
muhiim buu u yahay, waa inuu dedaalaa si uu u
soo kabto.” ayuu ku booriyay Capello laacibka
wayn ee reer Brazil.
Sidoo kale waxa uu isna la
hadlay ciyaaryahanka Alessandro Del Piero oo ay
xidhiidh kulul iyo mid qabawba leeyihiin
tababarahan: “Del Peiro waa ciyaaryahan kale
wayn, waxa uu si fudud ula qabsadaa ulana
shaqeeyaa laacibiina naadiga ku cusub oo uu soo
dhaweeyo. Ma garanayo sababta uu tababaraha
Claudio u cadaadinayo ciyaaryahankaas.” ayuu
yidhi Capello.
Ramos:“Way
rumowday riyadaydii Wembley”
Tababaraha naadiga
Tottenhamm Juande Ramos ayaa caddeeyay in
kulanka ay koodiisa isaga horimanayaan kooxda
Chelsa ee Faynalka koobka Carling Cup-ka loo
yaqaano yahay kulankii ugu muhiimsanaa ee uu
intii uu xirafada tababarenimoku shaqaynayay.
Ramos waxa uu ku caanbaxay
ku guulaysiga koobabka tartamada intii uu la
joogay kooxda Isbaanishka ah ee Sevilla, isaga
oo faynalkii ugu horeeyay gaadhsiiyay kooxda
Tottenham oo uu gacanta ku yahay muddo gaaban oo
dhowr bilood ah.
Waxa uu ku guulaystay Ramos UEFA Cup-ka iyo
koobka boqorka. waxa uu haddaba ka hadlay sida
uu ugu riyooday kulankan: “Aniga shakhsiyan riyo
ayay ii tahay in aan ka ciyaaro gegida caanka ah
ee Wembely, waa tartankii ugu waynaa ee aan
faynalkiisa ciyaaro intii aan tababaraha ahaa.”
Sidaa waxa uu Ramos u sheegay Wargeyska Daily
Mail. "Ma qiimayn karo arrintan, waxay I
tusinaysaa sida aan ugu raaxaysanayo uguna
faraxsanahay shaqada kooxda iyo taageerayaasha
iyagaan halkan na soo gaadhsiyay.” ayuu ku
celiyay tababaraha Tottenham.
Cabdiqani Xuseen