Messi oo loo aqoonsaday
Xiddiga Latin Ameerika ee sanadkii tagay

Weeraryahanka Xulka Qaranka
Arjantiin iyo kooxda Barcelona, Lionel Messi ayaa ku
guulaystay Biladda Ciyaaryahankii ugu fiicnaa
Qaaradda Latin Ameerika ee sanadkii la soo dhaafay.
Xaflad shalay gelinkii hore
lagu qabtay gegida Camp Nou, waxaana halkaas Messi
ku gudoonsiiyay Billada Gudoomiyaha xidhiidhka
kubada cagta Qaaradda Latin Amerika, Alex Grijelmo,
waxaana la socday Waalidiinta Dhashay Messi,
Walaaladii iyo xubno kale oo qoyskiisa ka tirsan
kuwaasoo goob-joog ka wada ahaa Xafladaas.
Waxay hada noqonaysaa sanadkii
17-aad ee xidhiidhkaasi sameeyo qiimayntan mid la
mid ah, isla-markaana ku dhawaaqo ciyaaryahanka
sanadka ugu wanaagsan Qaaradaa, waxaana uu Messi
kaga adkaaday, kagana guulaystay abaal-marintan
xiddiga Daniel Alves iyo ciyaaryahanka ay ka wada
tirsan yihiin kooxda Barcelona ee Ronaldinho,
waxaana codayn ku kala saaray xubno ka tirsan EFE
Messi waxa uu si farxad leh u
gudoomay abaal-marintaas, isaga oo ku adkaystay inuu
rajaynayo sii wada halganka uu ugu jiro inuu noqdo
laacibka adduunka oo uu sheegay intay
abaal-marintani gogol-xaadh u tahay. "Waxaan
jecelahay in aan u mahadnaqo wakiilka innagala jooga
EFE, iyo dadka kale ee halkan joob-jooga ka ah, sida
qoyskayga iyo Kabtankayga Carlos Puyol. Aad bay u
qurux badan tahay in lay soo gaadhsiiyo
abaal-marintan, waxayna I siinaysa mooraal wanaag
aad u sareeya si aan u soo koro oo u noqdo
ciyaaryahan dunida ku wayn.” Waxa uu sidaa u sheegay
Messi Saxaafada isaga oo dareenkiisa farxad ku
cabirayay, ka dib markii gacanta laga saaray
abaal-marinta uu hantay.
ka hor intii aan Messi la
gudoonsiin abaal-marinta waxa ka hadlay Grijemo:
“Messi waxa uu ka mid yahay ciyaartoyda aan ku
raaxaysto daawashadooda. Maantana wuxuu ku
guulaystay billad muhiim ah. Dadka ayaa leh waa
Maradona-ha cusub, laga yaabaa inuu kaba fiicnaado,
waa nin yar da’ ahaan haddana ku hamiyaya inuu noqdo
ciyaartoy caalamiya oo khabiira.”
Messi waxa uu noqonayaa
ciyaaryahankii Lixaad ee u dhashay wadanka Arjantiin
ee ku guulaystay billadan, iyada oo ay lugahooda
hore ugu soo guulaysteen ciyaaryahanada Arjantiin ee
kala ah, Diego Simeone, Martin Herrera, Fernando
Redondo, J avier Saviola iyo Pablo Aimar.
Milan oo diiradda ku haysa xiddiga Adebayor
Naadiga AC Milan, ayaa ku
kalsoon helitaanka wakhtiga Xagaaga ee laacibka
kooxda Arsenal weerarka uga ciyaara, Emmanuel
Adebayor, sida uu faafiyay wargeyska Corriere dello
Sport oo ka soo baxa wadanka Talyaaniga. Xiddigan u
dhashay wadanka Togo waxa uu ka qayb-galay kulankii
ay AC Milan iyo Arsenal isaga horyimaadeen gegida
wayn ee Eimarates Stadium habeenimadii Arbacadii
Todobaadkii aynu ka soo gudubnay, kulankaas oo ka
tirsanaa tartanka horyaalka kooxaha Yurub
(Champion-ka), taasoo ay labada kooxood isla dhaafi
waayeen barbar dhac, iyada oo kulankooda dambana la
tegi doono gegida San Siro, ee AC Milan awooda ku
leedahay.
Inkasta oo aanu nasiib u helin
Adebayor inuu shabaqa ku kubada, fursad fiican oo uu
helay qaybtii dambe ee ciyaarta. Haddana waxa uu
farsamo ahaan soo jiitay maamulka kooxdaas.
Kooxda Horyaalka u ah
naadiyada Yurub waxa rabtaa inay la saxeexato
heshiis ciyaaryahanada Yurub ugu awooda badan
Xagaagan.
Ronaldo ayaa dhaawac soo
gaadhay ku dhawaad Sagaal bilood kaga maqnaanaya,
Alberto Gilardino ayaa isna lagu wadaa inuu u
wareego kooxda Fiorentina, halka Filippo Inzaghi
With Ronaldo out of action for at least nine months,
Alberto Gilardino possibly leaving to join
Fiorentina, and Filippo Inzaghi Shan iyo Soddon
jirsanayo. Sidaa daraadeed, kooxda Milan waxay
daydayanaysaa weeraryahan u safta oo da’yar, kaasoo
ka garab ciyaara wiilka dhalinta yare e Alexandre
Pato oo dhawaan kooxdu heshiis kula soo wareegtay.
Ciyaaryahanka ay fursada
koowaad ku iibsanayso waxa uu yahay Didier Drogba.
Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahanka Ammanuel
Adebayor ayay hadda kooxdu rabitaankeeda heeryada
dul-dhigatay.
Ciyaaryahanka da’da yar oo
February 12-keedii 23 jirsaday waxa uu wakhti
ciyaareedkan aad u kobciyay xirfadiisa, isaga oo
gool-dhalinta horyaalka Ingiriiska ku hogaaminaya 19
gool, isla-markaana kooxda Arsenal u suurto-geliyay
inay hogaanka ku qabato goolashiisaa tirada badan.
Hleb: “Meel kasta oo kubadu
joogto, Flamini wuu joogaa”
Ciyaaryahanka khadka dhexe uga
ciyaara naadiga Arsenal, Alexander Hleb ayaa
tilmaamay siday lama huraan ugu tahay naadigiisa
inay heshiis muddadiisu dheer tahay la galaan
laacibkooda Flamini.
Maruu u waramayay Setanta
Sports Wargeys la yidhaahdo, ka dib kulankii ay AC
Milan isku barbareeyaan, waxa uu tilmaamay inuu
xubin firfircoon ka ahaa ninkan Faransiiska ahi.
Flamini waxa uu is-hortaagay
laacibkii Sanadka Yurub iyo Adduunka, Kaka, iyo
kubad sameeyaha Talyaaniga ah ee Andrea Pirlo,
kuwaasoo rabay inay Arsenal gurigeeda ku soo
karbaashaan.
Kulankaasi waxa uu daaha ka
furay in wakhti ciyaareedkan uu laacibka Flamini ka
mid noqonayo ciyaaryahanada hogaamiyaha khadka dhexe
ee Qaaradda Yurub, inkasta oo ay culayska saarayaan
ciyaaryahanada uu ka garabka ciyaaro ee ay ka mid
yihiin Cesc Fabregas, Emmanuel Adepayor iyo Hleb oo
uga faro dhuudhuuban dhinaca saxaafada oo aad u
buunbuunisa.
Flamini wuxuu jeclaystay inuu
ku negaado kooxda waqooyiga Lonodon, ciyaaryahanka
Hleb-na wuu isna rabaa inuu sameeyo wax kasta oo ay
Arsenal ku ilaashanayso shaqada ciyaaryahanka 23
jirka ah.
"Aniga shakhsiyan aad bay
arrintani imuhiim igu tahay, in heshiis dheer lala
galo Flamini, waxaan u malaynayaa inay Arsenal-na
ila mid tahay. Waa ciyaaryahan cijiib . Run ahaantii
meel kasta oo ay kubadu joogto isna wuu joogaa.
Waxaan umalaynayaa inuu si fiican u ciyaaray,
Gennaro Gattuso-na dilay, aad baan ciyaartiisa u
jecelahay, muhiimna noogu yahay.”
Cabdiqani xuseen Baynax