|
Lampard Oo Soo Nooleeyay Niyadii Avram Grant

LONDON (AP)—Frank Lampard ayaa 4-goal oo uu u
dhaliyay kooxdiisa ku soo nooleeyay niyadii macalinkiisa, markii ay Chelsea
kooxda ugu hooseysa horyaalka ee Derby ay ku dubatay 6-1 kulan ka tirsanaa
English Premier League iyadoo 3-dhibcood u soo jirsatay kooxda ka sareysa ee
Manchester United.
Xidiga khadka dhexe ee reer England ayaa mid ka
mid ah goalashiisa wuxuu ahaa rigoore halka 3-da kalana uu caadi u wad dhaliyay
waliba mudo 15-daqiiqo gudahood ah ayuu ku dhaliyay oo second half. Salomon
Kalou ayaa sidoo kale goalsha wax ka dhaliyay.
Chelsea oo todobaadki tagay laga soo cirib
tiray koobka FA Cup ayaa 5-dhibcood waxey ka hooseysaa league-leading Arsenal.
Kooxada xalay ay ku farxalatay Chelsea ee Derby
waxey u muuqtaa iney u qulqushay ka ciyaarista darajada labaad.
Portsmouth, oo ah kooxda kaliyah ee ka socota
kooxaha heerka 1-aad ee Premier League ee usoo baxaday FA Cup semifinals, ayaa u
dhaqaaqaday kaalinta 7-aad markii Jermain Defoe uu 2-goal oo ka mid ah 4-2 ay
kaga adkaadeen Birmingham uu u dhaliyaya.
Kooxda Aston Villa ayaa 1-1 la dhaafi weysay
kooxda Middlesbrough oo ay xalay is fara saareen.
Portsmouth ayaa la ciyaari doonta West Bromwich
Albion in the FA Cup semifinals on April 5, halka Barnsley ay u tagi doonto
Cardiff isla maalinta ku sii xigta, FA ayaa sidaa shaaciyay.
Sunni Said Salah
sunninet@hotmail.com
+254-721424242 |