SOMALILANDSPOTS.NET

 

 

Tuesday, March 18, 2008

Waxaa maalintii jimcaha ahaayd lagu dilay magaalada Tronto ee cariga Canada Wiil uu dhalay cayaaryahankii hore ee caanka ahaa Cantar Jeenyo wiilkaas oo lagu magacaabi jiray Abdikariim Ahmed Abdikariim .

Waxa uu codsaday Cantar oo markii ugu horeeysay ka hadlay geerida inankiisa in aay horyimaadaan poliska dadka goobjoogaha ka ahaa arintan caawiyaana poliska isagoo indhihiisu ilmo ka buuxdo waxaanu ku nuuxnuuxsaday in caruurtu mastaqbalka aay si nabadgelyo ah ku noolaadaan .

Cantar oo ah raga cayaaraha Toronto qabanqaabiya ee Somalida meel kastooy joogaan ka soo qaaybgalaan ayaa noqotay geeridani mid naxdin iyo tiiraanyo badan, waxaa uu cantar jeenyo sheegay in uu isagu aaminsanyahay in ilaahii awalba siiyay uu hadana isagu ceshaday ilaahii abuuray inankaayga hadana uu la noqday ayaan aaminsanahay ayuu cantar carabka ku celceliyay  ,waxaay bahda cayaaraha meel kastooy joogaan cantar u diraaysaa tacsi gaar ahaan bahda saxaafada iyo shabakada cayaaraha ee somalilandsports.net waxaan leenahay ilaahay naxariistii jano ha siiyo adigana samir iyo iiman .,

Dhanka kale bahweeynta cayaaraha Norway  iyo kooxda Twfiiq ayaa hawada tacsi u soo marinaaysa Cantar Jeenyo waxaa kaloo hawada u soo marinaaysa tacsi  dhamaan Jaaliyadda Somaliyeed ee ku dhaqan wadankan Norway iyo bahda cayaaraha gaar ahaan.

abdikariim