Waxaan soo dhaweeynaaynaa Tartan
cayaareedka loo dhigay kooxaha heerka labaad ee caasimada
Hargeisa(XssanWaraabacadde)

Waxaa manta noo suura gashay in aan wareeysi la yeelano
Gudoomiyaha Horumarinta cayaaraha Somaliland oo haatan ku sugan cariga Ingriiska
UK magaalada London.
Waraabacadde waxaa uu ka mid yahay amaba uu horyaal u
yahay dadka aan ka daalin gacansiinta cayaaraha Somaliland waxaana loo yaqaanaa
mujaahidka isportga Somaliland.
Waxaanu ku bilaawday wareeysigii
mudane Xassan Waraabacadde ku soo dhawoow wareeysigan khaaska ah.
Waraabacadde:aad baan ugu
faraxsanahay fursadaan qaaliga ee aad I sii seen waanan idiin mahad celinayaa
adiga iyo bahda saxaafadda meel kastoo aad joogtaan.
Suaal:Mudane waraabacadde waxaa ka bilaabmay
magaalada Hargeisa Tartan cayaaraha heerka labaad tartankaasi ma la socotaa?
Jawaab: Walaahi qabanqaabadiisa waan la socday
fikradiisana waxbaan ku lahaa in tartamada laga soo dhiso xagga hoose oo fursado
la siiyo dhalinta kooxaha heerka labaad iyo sadexaad Cda ah sidaa daraadeed aad
baan u soo dhaweeynayaa .
Suaal:Sidaad la socotaba in dhaweeyd wax cayaaraha
ah lama qaban taasi miyaanay keeneeyn dib u dhac xagga cayaaraha ah?
Jawaab: Waa runtaa in cayaaraha Somaliland hakad
galaan oo aaynaayn lahaayn jadwal sanadeed qeexaya sida cayaarahu u dhacayaan oo
kolba la qabto wixii awoodu tahay, taa macneeheedu maahan in aan wax la qaban
Karin ee waa in shaxda cayaar sanadeedka la sameeyo sideedana loo hirgaliyo.
Suaal:Kooxaha heer koowaad ilaa hadda ma muuqato wax
cayaaro ah ama horyaal dadka soo jiita oo lagu jiheeyo dhalinta ma kuu muuqataa
qaab kale oo lagu qaban karo tartamo ayagana?
Jawaab: Waxaan qirayaa in muraayada cayaaraha dal
laga daawado uu yahay kolba heerka cayaaraha aay ka gaaraan kooxaha heerka
koowaad waxaan qirayaa in sidii larbay aanay wali u soco ama duruufa jira ha
noqdeen ama dadaal laan ha noqdeen meesha qura ee dhalinyaradda jeedin kartaa
waa sportiga oo la hirgaliyo si cilmi ah maadaama sanadahan dambe dhalinyaradii
aay tahriibayaan in lagu jiheeyo sportiga waalagama maarmaan waxaana hirgalinta
hawshaas iska leh masuuliyiinta sida iminkaba loo bilaabay tartankan kooxaha
heerka labaad in ahmiyadana la siiyo kuwa koowaad mustaqbalka dhaw hadii ilaah
ogolaado.
Suaal: Waxaad kow ka tahay dadka lagu tiriyo in aay
caawiyaan cayaaraha maxaad ku soo kordhin doontaa tartamadan iyo mustaqbalkaba?
Jawaab: Walaal waa la i soo war galiyay tartankan
waxaanan jeclahay in qaayb weeyn ku yeesho dhawaan maadama duruufo gaar ahaa aan
hayay,waanse dhanka kale dhaliyaradda ugu bushaareeynayaa in la soo gaaray
wakhtigii la maalgalinlahaa garoomada iyo kooxaha iyo waliba cayaaryahanada
Somaliland ee muujiya karti loo raadin lahaa naadiyo, hawshaas oo la filayo
dhawaan in aay khubaradaasi iman doonto dalka waana bishaara wanaagsan oonan ka
sii hordhaceeyn anigu.
Suaal: Gudoomiye maxaad faraaysaa dadka cayaaraha
jecel iyo cayaartooyda?
Jwaab: Waxaan farayaa sabir in loo yeesho waxkastoo
jiraba lana jaad qaadno duruufaha kolba ka jira dalka, waxaana ku kalsoonahay in
maalin ,maalmaha ka mida aay Somaliland noqondoonto hoyiga sportiga geeska
afrika waxaase ka horeeya sabir iyo dulqaad, dadka aqoonta cayaaraha lehna
waxaan ku boorinayaa in aayn iska ilaaliyaan khilaaf aan macno lahaayn aayna u
midoobaan sidii aaynu talaabo hormarineed ugu horseedi lahaayeen dhalinta manta
ku fakareeysa tahriib.
Waad mahadsantahay mudane Xassan
Adaa mudan
Wariye M.Farax
London Uk