| CABDISALAM CADDAAY IYO
CAYAARAHA YURUB |
|
Written by Abulkadir Ibrahim |
| Friday, 14 March 2008
|
Cabdisalam
Caddaay oo u ciyaara Xulka Qranka ee da'dooda ka hooseeysa 17jirka, isla
markaana ka tirsan ayaa Kooxda Manchester CityFC, ayaa ka qayb galay
tartanka ciyaaraha yurub ee ka dhacaya dalka Holland.
Cabdisalaam Caddaay ayaa kooxdiisa Norway u soo saaray wareegga labaad
ee ciyaaraha Yurub bishii kowaad, January ee sanadkan. Ciyaar aad u
kulul ayaa kooxda Norway iyo Dalka Hungary ku dhexmartay dalka Holland,
Magaalada Apadoorn. Ciyaartaasi oo uu aad iyo aad uga dhex muuqday
ciyaaryahanka asalkiisu somaliga ah. Inna Caddaay ayaa daqiiqaddii 63aad
goolkii kowaad u dhaliyey kooxdiisa Norway. Iyadoo ay ciyaartu marayso 1
iyo eber ayaa daqiiqaddii 92aad ay gool iska dhaliyeen kooxdii reer
Norway. Cabdisalaam Caddaay oo khadka telefoonka ugu sheegay in
ciyaartaasi uu aad iyo aad ugu faraxsannaa, uuna rajaynayo labada ciyaar
ee u harsan ay badin doonaan.
Wixii faahfaahin ah ee ku saabsan kala xiriir websideka
www.fotball.no haddii aad
taqaan afka norwegianka.
Lataliyaha Cabdisalaan ee dhinaha farsamada Mudane Xassan Waraabacadde
ayaa waxa uu noo sheegay in uu yahay cabdisalaan shaqsiga laga sugaayo
guusha kooxda Norway waxaa kaloo noo xaqiijiyay in uu cabdisalaan
horseeday in kooxaha maalgashadayaasha dhanka cayaaraha Norway aay
odoroosayaan in aay ka soo qaataan cayaaryahana somaliyeed ee ku
sagan dalka khaasatan kuwa Somaliland oo aay rabaan in aay maalgashi ku
sameeyaan.
somalilandsports.net
|