Tababaraha Caalamiga ee
ciyaaraha orrodada Jama Mohamud Aden (Karaiin) ayaa mar kale noqday
sannadkan mid magaciisu iyo hal-hayntiisu ay ku badatay qaaradaha adduunka
ka dib markii uu dhamaaday Ciyaarihii Caalamiga ahaa ee IAAF World
Championships ee sannadkan lagu qabtay waddanka Spain, kaas oo guul weyn uu
halkaa ku mutaystay. Tababarahani waa mid si weyn ugu caanna sharaf weyna
ku mutay soo saaridda dhallin tababar heer sare ah la siiyey.
Jama Kariin waxay hibadaa ilaah siiyey iyo khibradihiisa gaarka ah ku
tusayaan sida looga jecel yahay waddama uu u noqday tababaraha guud
(national head coach) intii uu ka fadhiistay oroddada waqti imika laga joogo
labaatan sanno ku dhowaad. Wuxuu Jama tababaray kooxo ka soo jeeda waddama
Saudi Arabia, UAE, Qatar, Suuriya, Kenya, Morocco, Spain, Ethiopia, Bahrain,
Jordan, Uganda, Cayman Islands, USA, Djibouti, Sudan, Germany, England, iyo
Canada; kuwaas oo qaar ka mid ah ay heleen billado kala duwan tan iyo intii
uu gacanta ku hayey.
Jama Karaain waa nin dhalashadiisu ka soo jeeddo Somaliland gaar ahaan
Magaalada Burco. Wuxuu tababaruhu ku sugan yahay intiisa badan sannadkii
waddamada uu ku tababaro oo uu ii sheegay in inta badan uu geeyo kooxahiisa
oo ka kala socda ilaa 11 waddan dhul uu isagu doorto oo ay ka mid yihiin
Sudan, Morocco, Italy, iyo Germany, tasoo ay ku xidhantay buu yidhi hadba
xilliyada iyo cimilada ay joogaan, iyo xirfadaha gaarka ah ee ay markaa
tiigsanayaan.

Haddaan waxyar ka taabanno xilligii uu jaamac tartami jiray wuxuu guullo
dhaxalgal ah ka muujiyey tartamadaa ha noqdaan kuwa lagu qabtay waddankii
Somalia, Carabta, Africa, Asia, iyo dhulka Mareykanka oo uu aad ugu soo caan
baxay waqtii 80nadii, isagoo ka baxay Jaamacadda Fairleigh Dickinson, markii
dambana Graduate study ku qaatay Masters Jaamacadda George Mason University
cilmiga Exercise Physiology ee ah khibradda weyn ee tababaranimadiisa ku
xidhan. Waxaan jeclay inaan mawduuca ciyaarihii uu ku soo tartamay iyo
taariikhdiisa ku muujiyo qoraal kale oo soo socda.
Haddaba guushiisii ugu dambeeysay ee jaamac karaiin uu gaaday waxay ahayd
markii bishan March ee 2008 ahayd 9dii ayaa midka mid ah ciyaartoydiisii ka
socotay waddanka Sudan uu ku guulaystay orodda dhexe ee 800m, isagoo halkaa
ku orday record kii ugu wanagsan sannadka ee 800m. Ninkan dhallinta yar ayaa
layidhaa Abubaker Kaki Khamis.
Ciyaarahan caalamigaa ayaa ahaa kuwii 12th
IAAF World Indoor Championships oo lagu qabtay magaalada Valencia ee
waddanka Spain. Guulo kan ka horreeyey ayay qaar ka mid ah ciyaartoydiisu ka
soo hooyeen ciyaarahan IAAF ee World Championships.
Waxaa Jama Aden Karaiin ilaahay ku manaystay dabeecad wanaag,iyo hibadaa uu
ilaah siiyay kuwaas oo u sababay in adduunka meeshii uu cag dhigaba uga
muuqdo haday noqoto tababarnimada ama dad la dhaqankaba. Waxay guushan ugu
dambeeysay jama sii xoojisay xilksanimadii, shaqadii, iyo magaciisa oo ka
mid noqday tababarayaasha ugu waaweyn ee adduunka qaybta Track and Field
ka. Waxay Jama iyo cayaartoydiisu guushan u soo jiidaysaa horumar dheeraad
ah sida iyagoo hela sponsors waaweyn, iyo contracts badan, sida
advertisements ay ka helayaan company da sameeya qalabka ciyaaraha, iyo
jirdhiska. Fadlan la soco qoraaladayada soo socda ee ku saabsan Jama Karaiin.
Issa Awaleh
issawaleh@yahoo.com
xigasho hadhwanaag