Jurgen Born: “Cidda Diego Rabtaa horta aniga ha I disho”
Gudoomiyaha kooxda Werder Bremen, Jürgen Born, ayaa
gaashanka ku dhuftay in aanay suurto-gal ahayn in ciyaaryahankiisa khadka dhexe
Diego ka tago kooxda marka uu dhamaado wakhti-ciyaareedkani.
Ciyaaryahankan khabiirka ah ee u dhashay wadanka Brazil,
waxa lala xidhiidhinayay kooxo badan oo la xusay inuu u wareegayo. Sidoo kale
kooxo kale ayaa iyana hoosta kala calaamadiyay rabitaanka iyo xiisaha ay u
hayaan ciyaaryahanka. Juventus ayaa iyadu daaha ka furtay isla-markaana kulan la
yeelatay laacibka laf ahaantiisa.
Kooxo kale oo Yurubta waawayn ah, oo ay ka mid tahay Real
Madrid, ciyaaryahanka aabihii ayaa isagu Tilmaamay in Diego Rabo Real. Marka
laga hadlayo horyaalka Ingiriiska Chelsea ayaa si wanaagsan isha ugu haysa
xaalada ciyaaryahankan.
Isku soo wada duuboo, Gudoomiyaha kooxda Bremen ayaa isagu
si buuxda u cadeeyay in aanay amuurahaasi waxba ka suurtoobayn. “Haddii cidi
rabto Diego inay heshiis la gasho, horta ugu horayn waa inuu aniga idilaan.”
Sidaa waxa uu Born u sheegay Idaacad Isbaanish ah oo lagu magacabo Onda Cero
Radio. “Waxa uu nagula jiraa heshiis mudadii ku eg tahay 2011-ka, waana
ciyaaryahankayaga noogu wanaagsan.” ayuu ku ladhay hadalkiisa.
Inkasta oo Diego Aabhii, oo sidoo kale wakiilkiisana ah uu
caddeeyay shalay gelinkii hore in xiddiga Xulka Brazil uu ku faraxsanahay inuu u
wareego kooxda Real Madrid. Hadana, Born waxa uu caddeeyay in aanay kooxda
Madrid waxa xidhiidh caalami ah la samayn. “Real Madrid ilamay soo hadal” ayuu
yidhi Gudoomiyaha Bremen.
Adebayor: goolashii ma waxay ka raaceen xiiriddii timihiisa?
Weeraryahanka kooxda Arsenal ee Emmanuel Adepayor, ayaa
hadda iska jaray timihiisii Tidcanaa. Waxaana wararka laysla dhexmarayoo ee
ra’yul-caamka bulshada u dhuun-daloosha, isla-markaana ka faalooda ciyaaruhu
qeexeen in markii uu jaray timaha ay ku habsatay abaar dhinaca gool la’aanta ah.
“Timihii marka uu xiiray ayuu seegay goolashii uu dhalin jiray.” Weedhaasi waxay
ahayd Hal-ku-dheg lagu cabirayay, isla-markaana lagaga faaloonayay gool-la’aanta
la soo deristay laacibka Arsenal ee Adepayor muddoonkii u dambeeyay ee uu iska
xiiray timihiisii dabnaa ee tidcanaa, intii ka dambaysay rikoodhkiisii
gool-dhalinta ee ahaa 24 kulan oo uu ku dhaliyay 19 gool. Waxa ay isku daba
socdeen tartanka gool-dhalinta xiddiga Saddexaad ee dunida Cristiano Ronaldoo oo
isagu hadda leh 22 gool. Halka uu ka dhaafay Fernando Torres oo isagu yeeshay 20
gool. Waxaana uu Adepayor hadda wali haystaa 19-kiisii gool ee hore/
Kooxdiisa Arsenal waxa laga adkaaday Hal kulan, waxa ay
barbaraysay Afar kulan horyaalka Ingiriiska ah, halka ay ka guulaysatay 18 gool
waana kooxda ay horyaalka Ingiriiska isku eryanayaan naadiga Manchester United.
Horyaalka Champion-ka ayay u soo baxday wareega Sideeda iyada oo karbaashtay AC
Milan, isla-markaana waxa ay isku beegmeen Liverpool. Waxa ay ku guul-daraysatay
Carling koobka loo yaqaano iyo FA Cup-ka.
Adepayor waxa uu sheegay in hadalada ka soo yeedhay
taageerayaashiisu ay cadho ku riday. “Neefis bay igu rideen. Waxa ay rabaan in
aad mar kasta gool-dhaliso. Umana muuqato taageerada aan siiyo ciyaartoyda aan
isku kooxda nahay. Waa hubaal in aanaan goolal dhalin. Balse caawintaydii
ciyaartoyda kooxdu waa %100. muhiimadda koowaadna waa in kooxdu guulaysato.”
Ayuu yidhi Adepayor.
Huntelaar oo raba
inuu ku biiro kooxaha waawayn
Weeraryahanka kooxda Ajax, Klaas-Jan Huntelaar ayaa u
sheegay wargeyska Sport Week in marka uu ka tago naadiga Ajax uu rabo inuu ka
mid noqdo oo ku biiro mid ka mid naadiyada ugu heerka sareeya Qaaradda Yurub.
Ciyaaryahankan oo da’diisu tahay 24 sano, waxa uu sheegay
inuu ku hamiyayo horyaalada premiership-ka, waxase uu daba dhigay inuu ka
fiirsanayo kooxda uu ku biirayo.
"Heshiiskayagu waxa uu dhamaanayaa 2011-ka. Koox aanu
heshiis dhab iyo wada xidhiidh qayaxan yeelanayna ma jirto.” Ayuu yidhi
Huntelaar. Waxaana uu hadalkiisa raaciyay. "Aniga ayaa go’aansaday inaan ka tago,
Ajax-na way tix-gelinaysaa go’aankayga, fursadna way ii siinaysaa aan ku tago
halka aan rabo,”
Ma uu caddayn halka uu u warageeyo iyo kooxda uu u
digo-roganayo. “Marka kasta oo aad doonayso in aad cid heshiis la saxeexato waa
inaad eegaataa naadigaas awoodiisa.” Ayuu isaga oo sharaxaad arrinta ka sii
bixinaya, siina jilcinaya waxa uu raaciyay. “Waxaan jecelahay in aan ku biiro
koox wayn oo awood badan.”
Kormeerkii dhakhtarka Qaranka Arjantiin ee Messi iyo natiijadii ka soo baxday
Ciyaaryahanka kooxda Barcelona ayaa lagu rajo-wayn yahay
inuu bil ka dib ku soo laabto gegida ciyaaraha ee kooxdiisa, haddii rajada
dhaawaciisu u sahlanaato sida la filayo.
Ciyaaryahankan wadanka Arjantiin u dhashay waxa dhaawacu
asiibay kulan ay wada yeesheen kooxda Celtic oo ku tiirsanaa tartanka horyaalka
kooxaha Yurub ka hor dhowr todobaad.
Maalintii Arbacada ayay kormeereen Dhaakhtiir ka socotay
wadanka Arjantiin, waxayna kala kulmeen xaalad fiican oo ay sheegeen in
ciyaartoygu ku sugan yahay.
Madaxa Dhaakhaatiirta Xulka wadanka Arjantiin oo lagu
magacaabo Homero D’Agostino ayaa caddeeyay inuu rumaysan yahay in dhaawaca Messi
ay suurto-gal tahay inuu ka soo kabto oo ku soo laabto gegooyinka dhamaadka
bisha April. “Waanu tijaabinay dhaawaciisa, waxaanay u eg tahay inuu si fiican u
soo ladnaanayo.” Sidaa waxa yidhi Dhakhtar D’Agostino. Isaga oo hadalkiisa sii
watana waxa uu intaa raaciyay oo yidhi: “Waan wanaagsan yahay. Dhaawaca hore oo
ku soo laba kacleeyay mooyaane, kii cusbaa wuu ka ladan yahay. Dareenkiisu wuu
fiican yahay in badana ma oolayo sariirta. Wuu bilaabi doonaa shaqda si dhakhso
leh.waxaanaan filayaa inuu Lix todobaad oo keliya uu qaadnayo dhaawaciisa
misigtu.” Ayuu dhakhtarku hadalkiisa ku soo koobay.
Taageerayaasha kooxda Barcelona ayaan iyagu maqli Karin
wararka sheegaya in laacibkoodan ay sida wayn u jecel yihiin muddo dheer ka
maqnaanayo gegooyinka lagu ciyaaro, waxayna rajaynayaa inuu si dhakhso leh ugu
soo laabto.
Cisse
oo caddeeyay inuu ku soo laabanayo Liverpool
Weeraryahanka kooxda Faransiiska ah ee Marseille, Djibril
Cissé ayaa qiray inuu xiisaynayo ku laabashada kubada cagta ee horyaalka
Ingiriiska. Waxaana uu qorshiisa ku darsaday inuu u ciyaaro kooxdiisii hore ee
Liverpool mar labaad.
Weeraryahankan hore uga tirsanaa Liverapool khibrad fiican
kamuu helin intii uu wakhtigiisa ku qaatay kooxda Liverpool. Waxaana intaa ka
dib iibiyy tababare Rafa Benitez oo isu dhaafiyay dhinaca naadiga Marsielle iyo
horyaalka Faransiiska uu u dhashay, isaga oo lagu fasaxay lacag dhan 6 Milyan oo
Yuuro ah Xagaagii la soo dhaafay. “Waxaan u hiloobay Ingiriiska. Sababtoo ah waa
mid run ahaantii ay haboon tahay in laga ciyaaro gaar ahaan kooxdaydii hore ee
Liverpool.” Sidaas waxa yidhi Xiddiga Faransiiska ah ee Cisse.oo intii uu joogay
Horyaalka Premiershipka ragaadiyay dhaawac soo gaadhay. “Dabcan waan jecelahay
inaan ku laabto horyaalka Premier-ka. 100% waan ku rajo waynahay inaan ku
laabanayo. Markii aan halkaa joogay (Ingiriiska) waxaan ka jabay Lug, manaan
helin fursad aan isku muujiyo.” Ayuu yidhi isaga oo ka hadlayay marxaladii uu ku
sugnaa markii uu joogay gegida Anfield.
Cisse waxa ka mid ahaa ciyaartoydii gegida Anfield ku
karbaashtay kooxda Liverpool kulankii ku tiirsanaa hortaantii tartanka horyaalka
kooxaha Yurub sanadkan.
Xulka Qaranka Mexico oo danaynaya tababare Scolari
Saxaafada Qaarada Waqooyiga Ameerika ayaa tibaaxay inay
Luiz Felipe Scoari uu yahay mid ka mid ah tababareyaasha laga yaab in loo
magacaabo Tababaraha Xulka Qaranka Mexico.
Tababarahan Qaranka Brazil u qaaday koobka dunidu, waxa uu
ilaa sanadkii 2003-da laylinayay Qaranka wadanka Boortaqiiska. Waxaana lagu
wadaa in ka dib tartanka Qaramada Yurub ee 2008-da uu tababarahina heshiis cusub
la galay Boortaqiiska ama ka huleelo.
Hugo Sanchez ayaa si wayn isaga loogu soo dhaliilay
shaqadiisa intii uu tababaraha Qaranka Mexico ahaa.
Tababarayaasha kale ee Xulka Qaranka Mexico in loo
magacaabo liiska loogu daray waxa ka mid ah Odayga Talyaaniga ah ee ku
guulaystay koobkii dunidee u dambeeyay Marceli Lippi, Ninka kale ee Arjantiiniga
ah ee lagu magacaabo Carlos Bianchi ayaa isna sidoo kale lala xidhiidhinayaa.
Nin ganacsade ka ah, isla-makraana Afar naadi oo Mexica-aan ah iska leh,
isla-markaana lagu magaacabo Jorge Vergare ayaa isna shaaca ka qaaday inuu door-bidayo
oo hunguraynayo inuu noqdo tababaraha cusub ee Mexico.
cabdiqani0001@hotmail.com
cabdiqani Xuseen Baynax