Somalilandsports.net

Gebagabada tartanka nabadaynta Xaafadaha Hargeysa

 Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Md. Maxamuud Siciid Maxamed ayaa koob gudoonsiiyay kooxda kubada cagta ee ku ciyaaraysay magaca ururka SYEHAO oo ku guulaysatay tartan loogu magac-daray nabadaynta xaafadaha Caasimada Hargeysa, iyo kooxdii  kaalinta 2-aad gashay oo uu Gudoonsiiyey

Munaasibad loo sameeyay gudoonsiinta koobka oo ay ka soo qayb-galeen, Masuuliyiin ka socotay Wasaarada Ciyaaha oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka,  Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha, Masuuliyiin ka socday Hay’adda UNDP, Gudoomiyaha Gobolka Hargeysa ee Xisbiga UCID, Xasan Suldaan Cabdilaahi, Agaasimaha Dallada SONYO, iyo marti sharaf kalE oo tiro badan.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaha Md. Maxamuud Siciid Maxamed  oo ka hadlay munaasibadaas ayaa ka waramay qiimaha uu Sportisku  u leeyahay dhalinyarada, isla-markaana tilmaamay in Sportisku abuuro is-dhex-galka bulshada iyo is-barashada dhalinyarada, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Sportisku wuxuu abuuraa is-dhex-galka bulshada, walaalaynta dhalinyarada iyo in laga baxo waxan  ina soo ragaadiyay oo ah qabyaalada oo laysu kala saarayo reer Qansax iyo reer Qudhac oo ka mid ahaa waxyaabihii sannaadihii hore ina soo habsaamiyey, qabyaalada maanta kaliya jirtaa waa gobol-gobol ”

Wasiirku mar uu la hadlayey dhalinyarada waxa uu ku booriyey inay kala korodhsadaan dhaqan-wanaag iyo isdhexgal, islamarkaana ay sameeyaan saaxiibtinimo dhexdooda ah, isagoo tusaale ugu soo qaatay dhalinyarada ciyaaryahannada ka kala yimaada gobollada Sool, Sanaag iyo Awdal ee Hargeysa yimaada in ay saaxiibo ka samaystaan

Md. Maxamuud Siciid Maxamed waxa uu u mahad celiyey ururka dhalinyarada SYEHAO oo iyagu soo qabanqaabiyey koobkan lagu magac daray koobka nabadeynta xaafadaha Hargeysa, sidoo kalena waxa uu u soo jeediyey  ururada dhalinyarada kale inay ku daydaan tallaabada ururkani qaaday oo ku dayasho mudan.

“Waxa nala soo xidhiidhay qurba-jooggeena [Somaliland, waxayna codsadeen in tartan Hargeysa loogu qabto qorbo-joog ka imanaya dhamaan  shanta qaaradood ee adduunka. Waxaanu rabnaa inaannu xul samayno gobollada dalka isugu jira oo la ciyaara xul ay iyaguna iska  soo saaraan, wadamada ay ka imanayaan ayaa soo maalgelinaya, inagase waxa nalga rabaa soo dhowayn iyo ixtiraam, iyana waxay noo ballan qaadeen inay garoomadeena noo dayac-tiraan. Inkasta oo ay sitaan Baasaabooro wadamo kale, hadana duruufaha ayaa ku ka kalifay inay baasaabooro kale qaataan, waanan u aqoonsanahay inay yihiin muwaadiniin reer Somaliland ah, waxa laydin ka rabaa inay noo yimaad idinkoon xaafad-xaafad aan isku haysan oo isku duuban.”

Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa ee xibiga UCID, Md. Xasan Suldaan Cabdillaahi oo isna munaaasibadaa ka hadlay waxa uu yidhi; “Waxa weeye, qofku intuu caafimaadka qabo ee uu dhalinyarada yahay inuu Sports ku dedaalo ta balwadaha lagaga badbaadayo waa taa, waxase loo baahan yahay inaad waxbarashada ku dartaan oo tacliinta ogaataan.”

Maro Faadumo Siciid oo ka socotay Hay’adda UNDP, ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay doorka dhalinyarada ee nabadeynta, “Markii layga soo casuumay xafladdan ee la yidhi nabadeynta, hoosta ayaan ka qoslay oo waxaan idhi nabadeynta waxaan ku ogaa odeyaasha oo geed hoostii weliba fadhiista, kadibna nabadda ka shira oo  ka wada hadla labada qof, labada reer iyo labada qabiil ee is dila sidii loo wada heshiisiin lahaa. Waa Ilaahay mahaddii mar hadii dhalinyaradu fahmeen doorkoodii nabadeynta.”

Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada ee SYEHAO Mr.  Mustafe  Xasan Cabdilaahi  iyo Agaasimaha Ururkaasi Maxamed Maxamuud Maxamed oo iska dabamaray qaabkii  ay u  xalileen  xurguf mudo dhextaalay taalay Xaafo ka tirsan Degmada 26 Juune ee Magaalada Hargeysa, oo ay dhalinyaro ku dirir, taas oo ay wacyigelintooda ku galeen qaab sports. Tartankan oo muddo ka socday garoonka Gacma dheere ee Caasimada Hargeysa  waxa ka qeybgalay  12 kooxood oo heerka 2-aad  ee Kubada cagta

somalilandsports.net